Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka haatan loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka wada qeybgalay Bandhiga Carwada Arrimaha Difaaca ee Turkiya oo sanadkan lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalkaas.
Inkasta oo uu Wasiir Axmed Fiqi si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Wasaaradda 1dii May 2025, haddana waxaa muuqata ifafaallo ah in wali kursiga Wasaaradda Difaaca uu kula fadhiyo Wasiirkii uu hore u baddalay.
Shirkan oo ku saabsan arrimaha difaaca iyo hubka, waxaa caadi ahaan lagu casuuma Wasaaradaha Gaashaandhigga, Hoggaanka Ciidamada Qalabka sida, iyo khubaro la xiriira amniga iyo difaaca qaranka. Sidaas darteed, ka qaybgalka Wasiirka Dekedaha – iyadoo aanay jirin wax xiriir ah oo rasmi ah oo u dhexeeya wasaaraddiisa iyo ujeeddada shirka – ayaa keenay dhaleeceyn iyo shaki ka dhex abuurmay xeeldheerayaasha arrimaha difaaca.
Waxaa hore u jirtay tuhunno la xiriira in faylasha ugu muhiimsan ee arrimaha dibadda iyo difaaca ee Dowladda Turkiya uu wali wakiil uga yahay Dowladda Federaalka Wasiir Jaamac oo kalsooni buuxda ka haysta Madaxweyne Xasan Sheekh sida laga arkay kulamadii tooska ahaa ee uu la yeeshay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Hakan Fidan.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hore su’aalo uga keenay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiya uu la kulmay Wasiirka Dekedaha, iyada oo uu Wasiirkii Arrimaha Dibadda isla dalkaas joogay. Hase yeeshee, Dowladda Federaalka ayaa arrintaas gaashaanka ku dhufatay.
Kasoo muuqashada labada Wasiir ee shirkan ayaa caddeyn buuxda u ah in wali ay jiraan faylal amni oo uu Wasiirka Dekedaha wali wakiil uga yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, uuna haysto taageerada Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.
Somali Stream waxay sidoo kale ilo ku dhaw Xafiiska Madaxweynaha ka ogaatay in Wasiir Jaamac uu maalmahan ku sugnaa Turkiya si uu shirar doceedyo ula qabanqaabiyo Madaxweynaha oo booqday xarumo muhiim ah oo ay leedahay Wasaaradda Difaaca Turkiya sida warshadda lagu sameeyo diyaaradaha Bayraktar-ka loo yaqaano.
Soomaaliya, waxaa caadi ka noqotay in xilka iyo shaqada uu mas’uul ku magacaaban yahay ay ka muhiimsan tahay xiriirka kala dhaxeeya madaxda dalka, waana sababta marar badan loo arko shaqsi qabanaya shaqo aan si rasmi ah loogu wakiilan. Iswaydiinta ayaa se ah ilaa goormee ayay soconaysaa isku furanka awoodaha ee mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya?