{"id":1000010838,"date":"2026-08-18T11:32:13","date_gmt":"2026-08-18T11:32:13","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010838"},"modified":"2026-08-18T11:34:25","modified_gmt":"2026-08-18T11:34:25","slug":"axdiga-maka-isku-dheelitirnaanta-cusub-ee-awoodda-bariga-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/08\/18\/axdiga-maka-isku-dheelitirnaanta-cusub-ee-awoodda-bariga-dhexe\/","title":{"rendered":"Axdiga Maka: Isku-dheelitirnaanta Cusub ee Awoodda Bariga Dhexe"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><strong>\u00a0Abdirizak Osmam Haamud<\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><em><strong><span class=\"s1\">Wejiga Cusub ee Amniga Gobolka iyo Curashada Isbahaysiga Seddex Geesoodka ah ee Maka.<\/span><\/strong><\/em><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Bishan Agoosto 7, 2026, magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa ka dhacay isbeddel weyn oo weji cusub u yeelay juqraafiga siyaasadeedka iyo amni ee gobolka Bariga Dhexe iyo koonfurta Aasiya. Saddexda quwadood ee waaweyn ee caalamka Islaamka, Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Pakista waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen Heshiiska Difaaca Wadajir ah Maka (Mecca Joint Defense Agreement &#8211; MJDA).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\"> Heshiiskan, oo dhigaya in haddii weerar lagu qaado mid kamida wadamada saxiixay axdigan loo qaadan doono weerar toos ah oo lagu qaaday dhammaan wadamada, ma ahan oo keliya isbahaysi milatari oo caadi ah; hase yeeshee, waa bayaan muujinaya isbeddel qoto dheer oo ku yimid qaab-dhismeedka amnig iyo hogaaminta gobolka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Sida laga arki karo ifa-faalayaasha muuqanaya, curashada isbahaysigan cusub wuxuu si toos ah ula xiriiraa kalsooni-darrada sii kordhaysa ee dowladaha gobolku ku qabaan dalladdii amniga ee Mareykanka. Muddo qarni ku siman nidaamka amniga ee Bariga Dhexe wuxuu ku tiirsanaa quwado reer Galbeed ah, gaar ahaan Mareykanka, kaas oo ku wacad ku furay magan gelyeynta xulafadiisa gobolka. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinkii u dambeeyay ee la soo dhaafay iyo fashilka ku yimid dib-u-gurashada siyaasadeed ee Washington waxay ku khasabtay dowladaha Khaliijka iyo quwadaha gobolka inay raadsadaan nidaam amni oo madax-bannaan si ay u ilaashadaan danahooda dhaqan dhaqaale iyo amnigooda muhiimka ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Fashilka Dalladda Amniga ee Mareykanka iyo Hoos-u-dhaca Saamaynta Washington<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Doodda ugu weyn ee haysata dadka odorasa siyaasadda iyo maanshiinka siyaasadda Bariga Dhexe waxay tahay in Mareykanku uu noqday saaxiib amni oo aan la isku halleyn karin. Sida laga dheehan karo ficiladii u danbeeyey ee m Mareynkanka, aragtida kalsooni-darrada ah waxay si dhab ah u xoogaysatay wixii ka dambeeyay mowqifkii ciidan iyo siyaasadeed ee fashilmay ee maamulkii Donald Trump ee ku aaddanaa Iiraan. Markii ay Iiraan ama kooxaha ay taageerto ay weerarro ku qaadeen kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka (sida goobihii batroolka ee Sacuudiga), Mareykanku kama uusan bixin jawaab milatari oo adag oo difaacaysa xulafadiisa si lamid Israel. Tani waxay su&#8217;aal gelisay awoodda dhabta ah ee Mareykanka iyo rabitaankiisa ku aaddan ilaalinta iyo dhowridda xulafadiisa gobolka . Mareykanka wuxuu muujiyey in Washington aysan awood u lahayn ama aysan doonayn inay xakameyso ficillada milatari ee Israa&#8217;iil ee ku aadan Iran Inkastoo Mareykanku uu marar badan isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaca Qaza, Lubnaan, iyo wadahadallada Iiraan,dhammaan heshiisyadaas waxa ay u burburayeen si joogto aha sababtuna Israa&#8217;iil oo iska indhatiri jirtay shuruudaha qaar iyo horumarinta wadahadalada.<br \/>\n<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Isbeddelka joogtada ah ee go&#8217;aannada hoggaanka Mareykanka iyo ka dib-u-gurashadiisa siyaasada muhiimka ah (policy U-turns) waxa gobolka u soo kor-maray calaamado muujinaya daciifnimo iyo go&#8217;aan la&#8217;aan, taas oo kaadiriinta gobolka ku dhiirrigelisay inay qaadaan tillaabooyin madax bannaan oo ka baxsan Washington<\/span><span class=\"s1\">.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Danaha Istiraatiijiyadeed ee Saddexdan Quwadood<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Heshiiska Maka wuxuu isu keenay saddex dal oo leh baahiyo iyo dano kala duwan, balse wadaaga hal yool oo guud oo ah: dhisidda iyo isku-dheelitirnaan awooddeed oo cusub.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">1. Sacuudi Carabiya: Sugidda Xasilloonida iyo Casriyeynta Mashaariicda.<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wixii ka dambeeyay colaadihii saddexda sano ee la soo dhaafay ee Bariga Dhexe, Sacuudi Carabiya waxa uu dareemay khatar toos ah oo ku wajahan dhoofinta batroolkiisa iyo qorshihiisa isbdalka qaranka 2030. Isagoo doonaya inuu yareeyo ku-tiirsanaanta Mareykanka, Riyadh waxay heshiiskan u m aragtaa fursad ay ku helayso awood weyn oo ay kula gorgortami karto Iiraan, isla markaana ay ku xakameyn karto khatarta joogtada ah ee uga timaada Xuutiyiinta Yemen. Riyad waxa ay u aragtaa xasiloonada gobolka iyo saydhariidiisa in ay usoo jiidi karto xasilloonida gobolka maalgashi shisheeye.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">2. <\/span><span class=\"s1\">Turkiga:<\/span><span class=\"s2\"> Ka-hortagga isballaarinta Israa&#8217;iil iyo Sugidda Suuriya <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Dowladda Ankara waxa ay gelitaanka heshiiskan u arkataa ood weyn oo wax badan ka tari karta awoodsiinta iyo isballaarinta Israel ee gobolka ayna u aragto in lagaga hortagoi karo &#8220;mashruuc Mareykanku wado&#8221; oo ah in Israa&#8217;iil laga dhigo quwada kaliya ee maamusha Bariga Dhexe .<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Madaxweyne Erdogan wuxuu doonayaa inuu ballariyo saameynta Turkiga, isagoo dhanka kalena sugaya danihiisa amniga ee xadka waqooyi ee dalka Suuriya. Heshiiskani wuxuu Turkiga siinayaa taageero maaliyadeed iyo mid istiraatiijiyadeed oo uga timaada Khaliijka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">3. Pakistan: Caawimaad Dhaqaale iyo Dheelitirka awoodda Hindiya<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Pakistan, oo ah dalka kaliya Muslima ee haysta hubka nukliyeerka ee isbahaysigan ku jira, waxaa dhiirrigelinaya laba qodob oo muhiim ah: baahida ba&#8217;an ee ay u qabto taageero dhaqaale oo uga timaada dalka Sacuudiga, iyo raadinta saaxiibo istiraatiijiyadeed oo miisaama loolanka muddada dheer kala dhexeeya dalka Hindiya. Iskaashigan ciidan wuxuu Islamabad u oggolaanayaa inay casriyeyso tignoolajiyadeeda milatari, iyadoo helaysa suuq weyn iyo maalgelin casriya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Sidee ayey Israa&#8217;iil u wiiqdaa heshiisyada Mareykanka?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keenay in heshiiskan Maka lagu saxiixo ayaa ah hab-dhaqanka Israa&#8217;iil ee ku aaddan wadahadallada nabadda. Ra&#8217;iisul Wasaaraha Israa&#8217;iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">guuleystay inuu ka faa&#8217;iidaysto kooxaha iska soo horjeeda ee ku dhex jira dowladda Mareykanka (sida khilaafka u dhexeeya Koongareeska iyo Aqalka Cad) si uu u sii wado hawlgallada ciidan isagoo aan wajihin wax xannibaado ah. Tusaalooyinka gaarka ah ee arrintan muujinaya waxaa ka mid ah:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Mareykanka iyo Iiraan waxa ay horey u gaareen isfaham wada-jir ah (Memorandum of Understanding) oo ay ujeeddadiisu ahayd in la joojiyo ficillada ciidanka israel ee koonfurta Lubnaan. Si kastaba ha ahaatee, Israa&#8217;iil waxay iska indhatirtay isfahamkaas, waxayna heshiis gooni ah oo ka horimaanaya hannaanka Mareykanka la gashay Madaxtooyada Lubnaan si ay u sii wadato hawlgalladeeda milatari ee konfurta Lubnaan.<\/span> <span class=\"s2\">Sacuudi Carabiya: Intii ay socdeen wadahadallada u dhexeeyay Mareykanka iyo Sacuudiga ee ku saabsanaa iskaashiga nukliyeerka madaniga ah, Israa&#8217;iil waxay cadaadis xooggan saartay xubno ka tirsan dowladda Mareykanka si ay uga hortagto hishiis iskaashi kasta oo dhexmara Mareynkanka iyo Sucuudiga oo ku aadan nukliyeer madaniga ah. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Cadaadiskaas waxa uu dhaliyey in Mareykanku uu heshiiskiisa ku daro shuruud adag oo ah in Sacuudigu uu xiriir la sameeyo Israel taas oo adkeysay in uu heshiisku u fulo sidii loogu talagalay.<\/span> <span class=\"s2\">Qaza: Intii lagu guda jiray wadahadallada xabbad-joojinta ee ku saabsanaa sida laga yeelayo hubka ururka Xamaas, qorshihii hore ee Mareykanku taageeray wuxuu ahaa in hubka la kaydiyo. Laakiin, cadaadis dibada ah ka dib, Israa&#8217;iil waxay ku adkeysatay in shuruudaha lagu daro baabi&#8217;inta iyo hub ka dhigis buuxda oo lagu sameeyo Xamaas.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Caqabadaha Hor yaalla Heshiiskan seddex geesoodka ah iyo Mustaqbalka Amniga<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">In kasta oo Heshiiska Maka uu xambaarsan yahay rajo weyn oo ku saabsan madax bannaanida Bariga Dhexe, haddana waxa uu wajahayaa caqabado gudaha iyo dibaddaba ah oo waaweyn. Caqabadda ugu horreysa waa isku-duwidda ciidamo milatari oo aad u kala duwan xagga ciidanka, tignoolajiyada, iyo tababarka. Sidoo kale, waxaa jira xiisado hoose oo u dhexeeya waddamada gobolka dhexdiisa ah . Sida lagu sheegay warbixinno dhowaan soo baxay, intii uu shirku socday waxaa jiray is-maandhaaf ku saabsan ballaarinta isbahaysiga; Turkiga waxa uu aad u riixayay in Masar lagu soo daro heshiiska, balse Sacuudiga ayaa si adag uga horyimid arrintaas, sababo la xiriira dano siyaasadeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Si kastaba ha ahaatee, muhiimadda ugu weyn ee axdigani leeyahay ayaa ah inuu beddelayo dalladdii amniga ee fashilmay ee uu Mareykanka haykal iyo halbowle u ahaa. Marka ay saddexdan quwadood isku geeyaan awooddooda milatari (oo dhan qiyaastii ilaa 1.4 milyan oo askari oo u diyaarsan hawlgallo iyo dagaal dheer), hantidooda lacageed, iyo awoodda naadirka ee nukliyeerka ee Pakistan, waxay helayaan gacan sare iyo miisaan culus oo ay ku galaan loolanka iyo hogaaminta gobolka. Tani waxay ugu dambeyntii xaddidi kartaa xorriyadda ficilka ee Israa&#8217;iil iyo xulafadeeda, iyadoo gobolka ka badbaadinaysa inuu noqdo dhibbane u garba duuban qorshayaal iyo dagaallo dibadda laga soo agaasimay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Heshiiska Maka ee la saxiixay Agoosto 2026 wuxuu calaamad u yahay dhalashada nidaam cusub oo dhexmara quwadaha gobolka, kaasoo dhabarka u jeedinaya ku-tiirsanaantii awoodaha qarnigii tagay haystay ee reer Galbeedka . Waa tallaabo geesinnimo leh oo loo qaaday dhanka madax-bannaanida iyo ilaalinta dhaqaalaha, dhulka iyo dadka ah. Inkastoo caqabadaha horyaal ay badan yihiin, guusha ama fashilka MJDA (Mecca Joint Defense Agreement ) wuxuu go&#8217;aamin doonaa haddii Bariga Dhexe uu mustaqbalka u horseedi doono nabad waarta oo isaga dhexdiisa ah, ama haddii uu sii ahaan doono garoon ay ku loolamaan quwado shisheeye iyo kuwa sokeeye.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Abdirizak Osmam Haamud Wejiga Cusub ee Amniga Gobolka iyo Curashada Isbahaysiga Seddex Geesoodka ah ee Maka. Bishan Agoosto 7, 2026, magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa ka dhacay isbeddel weyn oo weji cusub u yeelay juqraafiga siyaasadeedka iyo amni ee gobolka Bariga Dhexe iyo koonfurta Aasiya. Saddexda quwadood ee waaweyn ee caalamka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010839,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,28],"tags":[],"class_list":["post-1000010838","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtida","category-aragtiyada","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010838","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010838"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010838\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010842,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010838\/revisions\/1000010842"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010839"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010838"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010838"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010838"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}