{"id":1000010832,"date":"2026-08-12T09:25:48","date_gmt":"2026-08-12T09:25:48","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010832"},"modified":"2026-08-12T09:25:48","modified_gmt":"2026-08-12T09:25:48","slug":"waraysi-taariikh-laga-guntayo-xusuusta-diblomaasiyadda-iyo-siyaasadda-oo-afar-saac-lagu-soo-bandhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/08\/12\/waraysi-taariikh-laga-guntayo-xusuusta-diblomaasiyadda-iyo-siyaasadda-oo-afar-saac-lagu-soo-bandhigay\/","title":{"rendered":"WARAYSI TAARIIKH LAGA GUNTAYO: XUSUUSTA, DIBLOMAASIYADDA IYO SIYAASADDA OO AFAR SAAC LAGU SOO BANDHIGAY"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Waxaa la qabtay waraysi qoto dheer oo xusuus, taariikh, diblumaasiyad, ciidannimo iyo waayo-aragnimo siyaasadeed isku darsaday, kaas oo lala yeeshay Qoraa <\/span><span class=\"s1\">danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil<\/span><span class=\"s2\">), oo soo noqday diblumaasi iyo sarkaal sare oo ciidan. Waraysiga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa taabanayay dhacdooyin badan oo muhiim u ah fahamka taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan israacii 1960, khilaafaadkii ka dhashay, dowladdii rayidka ahayd, afgambigii 1969, jabhadihii, diblumaasiyadda Soomaaliya iyo siyaasadaha dowladihii dambe.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Waxa waraysiga ka dhigay mid xusuus gaar ah leh ayaa ah in Cawil uu dhacdooyinka uga sheekeeyey si uu ugu noqdo waaya-aragnimadiisa iyo xogta uu ka hayo dadkii iyo dhacdooyinkii uu soo dhex galay. Waxaan qormadaan kusoo qaadan doonaa \u00a0meelaha ugu muhiimsan waraysiga. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Bilowgii Israaca 1960: Maxaa qaldamay?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Waydiinta ugu horreysay ee lagu furay waraysiga waxay ahayd, bilowgii midowga Soomaaliya maxaa dhacay? Maxaase qaldamay?<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Cawil wuxuu sheegay in midowgii 1-da Luulyo 1960 uu si weyn uga dhashay xamaasaddii iyo jacaylkii Soomaalinimo ee ka jiray Gobollada Waqooyi. Wuxuu tilmaamay in dadka waqooyigu ay si gaar ah ugu xiisaynayeen midnimada, isla markaana ay hormuud ka ahaayeen dhaqdhaqaaqii midnimada. Wuxuu xusay in heeso badan loo tiriyey midnimada, calankana ay dadka waqooyi si weyn u xambaarsanaayeen, iyaga oo hormuud iyo taageerayaal firfircoon u ahaa fikradda Soomaaliya oo mid ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Hase yeeshee, sida uu sheegay, caadifad iyo Soomaalinimo jacayl xooggan ayaa dadka indhotirtay, taas oo keentay in aan si dhab ah looga wada hadlin qaabka labada dhinac ay u midoobayaan, awoodda loo qaybinayo iyo sida hay&#8217;adaha cusub loo dhisayo. Wuxuu tusaale u soo qaatay in Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo uu sheegay inuu doonayay in labada dhinac wada hadlaan oo wax la kala qorto, balse uu ka baqay jawaabta shacabka xammaasadaysan. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Mid ka mid ah tusaalooyinka uu bixiyey wuxuu ahaa in:<\/span><span class=\"s3\">\u201cGurigu si walba oo uu u dheeraado, haddii uusan seeskiisu adkayn, ugu dambayn wuu dumayaa.\u201d<\/span><span class=\"s2\"> Tusaalahan ayuu ku xiriiriyey midowgii Soomaaliya, isagoo tilmaamay in maadaama seeska heshiiska iyo nidaamka israaca uusan si wanaagsan u dhisnayn, dhibaatooyinka maanta mar walba la filayay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wuxuu xitaa ku tilmaamay in midowgu maalintii uu dhashay uu dhintay, oo uu noqday wax uu ku sheegay \u201c<\/span><span class=\"s1\">dhicis<\/span><span class=\"s2\">\u201d, halkaa wixii ka dambeeyey ay ahaayeen sidii mayd sariir yaal. Aragtidan waxay si toos ah u tilmaamaysaa in dhibaatada midowgu aysan ahayn oo keliya dhacdooyin dambe, balse ay salka ku haysay qaabkii wax loo dhisay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">\u00a0<\/span>Dastuurkii iyo codbixintii Gobollada Waqooyi<\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wuxuu sidoo kale ka hadlay dastuurkii iyo aftidii laga qaaday, isagoo sheegay in Gobollada Waqooyi ay cod aad u badan oo \u201c<\/span><span class=\"s1\">Maya\u201d<\/span><span class=\"s2\"> ah ka dhiibteen. Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaanka <\/span><span class=\"s1\">Wallaweyn<\/span><span class=\"s2\">, isagoo sheegay in la weriyey in tuulo ay shan kun oo qof ku nool yihiin ay ka codeeyeen ilaa siddeetan kun oo qof. Wuxuu sheegay inay tahay meelaha ay ka timid halku dhiggaas ilaa maanta la adeegsado. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Xabsigii iyo sii-dayntii 1963<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Qayb kale oo muhiim ah wuxuu kaga sheekeeyey maalmihii uu xabsiga ku jiray iyo sida loo sii daayey sannadkii 1963. Wuxuu sheegay in maalin Talaado ah, abbaaro 11-kii barqanimo, uu Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ay la kulmeen, una sheegay in aan maxkamad militari la horgeyn doonin. Aadan Cadde wuxuu, sida uu Cawil sheegay ku dooday, in Dastuurka dalku uusan oggolayn arrintaas, isla markaana isaga oo Madaxweyne ah uu yahay ilaaliyaha Dastuurka. Wuxuu sidoo kale xusay kala duwanaanshihii sharci ee ka jiray labada gobol, warqad uu qoray Jeneraal Daa&#8217;uud, iyo sharcigii Ingiriiska, kuwaas oo uu sheegay inay sababeen sii-dayntooda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Inqilaabkii fashilmay: Maxaa loo doonayey?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Mid ka mid ah qaybaha ugu xiisaha badnaa waraysiga wuxuu ahaa sheekada inqilaabkii fashilmay ee ay koox saraakiil ah oo isagu uu ku jiro ay isku dayeen. Wuxuu sheegay in ujeeddada inqilaabka aysan ahayn oo keliya in xukunka la qabsado, balse ay qayb ka ahayd rabitaanka ah in labadii gobol ee midoobay si siman wax u qaybsadaan, isla markaana arrimihii midowga dib loo saxo. Wuxuu sheegay in markii hore dadka ay indhotireen caadifad, Soomaali jacayl iyo xamaasad midnimo, taasina ay keentay in aan si dhab ah looga heshiin qaabka awoodda iyo kheyraadka loo qaybsanayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Tusaale ahaan wuxuu soo qaatay midowgii Tanganyika iyo Zanzibar, oo markii dambe noqday <\/span><span class=\"s1\">Tanzania<\/span><span class=\"s2\">, isagoo tilmaamay in labada dhinac ay lahaayeen nidaam iyo heshiisyo lagu saleeyey midowgooda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Afgambigii Siyaad Barre ee 1969<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Qayb aad u ballaaran wuxuu kaga hadlay afgambigii milatari ee 1969 iyo sida Janaraal Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiishii la socotay ay ugu guulaysteen inay xukunka kala wareegaan dowladdii rayidka ahayd. Wuxuu ku tilmaamay hawlgalkii Siyaad Barre inuu lahaa taaktiko, qorshe iyo nidaam gaar ah, isla markaana uu ku guulaystay inuu dad badan ka qariyo qorshaha dhabta ah. Cawil wuxuu xusay hadal uu Maxamed Siyaad Barre mar u sheegay xilli ay xafiiskiisa ugu tageen, kaas oo markii dambe noqday hadal si dhab ah u rumoobay:<\/span><span class=\"s3\">\u201cGeesigu waa midka caradiisa liqa oo waqtigiisa suga\u201d. <\/span><span class=\"s2\">Hadalkan ayuu ku xiriiriyey sida Siyaad Barre uu muddo u sugayey fursaddii uu xukunka kula wareegi lahaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wuxuu sheegay in saraakiil ay ka mid ahaayeen Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, Janaraal Maxamed Abshir Muuse iyo Faarax Sugulle, kuwaas oo hayey xog sirdoon, ay dhowr jeer uga digeen xukuumaddii Cabdirashiid Cali Sharmaarke in afgambi la qorsheynayo. Hase yeeshee digniinahaas, sida uu sheegay, si buuxda looma qaadan. Waxyaabihii dib u dhigay qorshaha afgambiga ayuu ku sheegay in ciidamadu ay heli waayeen kaydkii hubka, taas oo keentay dib-u-dhac. Wuxuu sidoo kale sheegay in Midowgii Soofiyeeti uu wax badan kala socday qorshihii afgambiga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Ceelbuur iyo odayaashii deegaanka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Cawil wuxuu si gaar ah uga sheekeeyey muddadii uu ahaa Guddoomiyaha Ceelbuur iyo xiriirkii uu la yeeshay odayaashii deegaanka. Wuxuu si weyn u ammaanay odayaashii ay ka mid ahaayeen: Geeddi Farayare, Cali Jimcaale Abtidoon, Suldaan Foodey, Sheekh Maxamed Faarax iyo Nabadoon Faarax Cabdi. Wuxuu ku tilmaamay dad waayo-aragnimo, xikmad iyo awood bulsho leh.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wuxuu kaloo ka sheekeeyey qisadii dhex martay Xaaji Muuse Igarre, oo reer waqooyi ah, iyo odayaashii beelaha Hawiye, taas oo qayb ka ahayd dhacdooyinka bulshada ee uu meeshaas ku bartay. Waraysiga wuxuu kaloo ku sheegay meesha uu kasoo bilowday isbahaysiga Irir Samaale, iyo qaabkii fikradaha iyo xiriirrada beeleed ay taariikh ahaan isu soo mareen. Qaybtani waxay ka mid ahayd meelaha uu ku soo bandhigay xusuus iyo aragti ku dhisan waayo-aragnimadiisa dheer.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Diblumaasiyadda: waayo-aragnimo iyo caqabado<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Cawil wuxuu waqti badan ku bixiyey inuu ka sheekeeyo muddadii uu diblumaasiyadda ku jiray, shaqooyinkii uu qabtay iyo dhacdooyinkii ugu adkaa ee uu la kulmay. Wuxuu soo bandhigay sida diblumaasiyadda Soomaalidu uga shaqaynaysay xilliyo aad u adag, gaar ahaan xilli dalka iyo gobolkaba ay ka jireen loollanno siyaasadeed iyo kuwo caalami ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wuxuu sidoo kale ka hadlay sannadihii ay jireen jabhadihii Soomaalida, heshiisyadii ay dhexdooda galeen iyo sida ay mararka qaar isu khiyaamaynayeen, isu jallaafaynayeen ama heshiisyadii uga bixi jireen. Qaybtani waxay sawir ka bixisay sida burburkii siyaasadeed iyo militariga ahaa uu ugu gudbay marxalad jabhado iyo kooxo hubaysan oo midba midka kale la loollamayay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Cabdullaahi Yuusuf, Dowladdii KMG ahayd iyo Itoobiya<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Cawil wuxuu ka sheekeeyey xilligii dowladdii ku-meelgaarka ahayd ee uu Madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, xiriirkii Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo dhacdooyinkii waagaas dhexmaray. Wuxuu sidoo kale taabtay taariikhda Cabdullaahi Yuusuf iyo xiriirkii uu la lahaa Siyaad Barre, isagoo soo bandhigay dhinacyo ka mid ah taariikhda labadan nin ee saamaynta weyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p>Wuxuu si faahfaahsan uga sheekeyay sheeko dhexmartay Wasiir Itoobiyaan ah oo uu uga digay in gacan siinta Dowladda Cabdullaahi Yuusuf aysan mahdin doonin.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Qayb kale oo xasaasi ah oo uu kaga hadlay waraysiga waxay ahayd xiriirkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Yitzhak Rabin, oo xilligaas ahaa Ra&#8217;iisul Wasaaraha Israa&#8217;iil. Wuxuu ka sheekeeyey xiriirkooda iyo warqadihii ay is-dhaafsadeen, isagoo arrintaas ku daray qayb ka mid ah dhacdooyinkii diblumaasiyadeed ee taariikhda Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Soomaaliya, Turkiga iyo xukuumadda Xasan Sheekh<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Dhammaadka waraysiga ayaa diiradda lagu saaray siyaasadda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Cawil wuxuu si adag uga hadlay waxa uu u arko in xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay Turkiga ugu tiirsan tahay ama ugu wareejisay meelo badan oo muhiim ah. Wuxuu sidoo kale dhaliil ka muujiyey siyaasadda dowladda ee ku wajahan Somaliland, isagoo ku dooday in Dowladda Federaalka ay go&#8217;doomisay ama cadaadis ku saartay maamulka iyo dadka Somaliland.<\/span><\/p>\n<p>Mar la waydiiyay in Soomaaliya ay noqonayso meel ay ku loollamaan Turkiya iyo Israa\u2019iil, wuxuu sheegay in imaanshahooda uu qeyb ka noqonayo xasiloonida gobolka oo ay qolo walba ka fogaanayso in ay wiiqdo danaha tan kale.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Wuxuu sidoo kale xusay waxa uu ku tilmaamay barakicinta shacabka Muqdisho, isaga oo arrintaas ku xiray siyaasadaha dowladda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Waxa kale oo uu waraysigu si weyn u taabtay waydiin weli taagan ee midnimada Soomaaliya, Somaliland, awood-qaybsiga, kalsoonida siyaasadeed iyo mustaqbalka xiriirka labada dhinac.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Si kastaba ha ahaatee, waraysiga waxaa ku jiray xogo, xusuuso iyo sheegashooyin taariikheed oo u baahan in qaar ka mid ah si madax-bannaan looga hubiyo dukumentiyada iyo ilaha taariikhiga ah, gaar ahaan marka ay khuseeyaan tirakoobyo, codbixinno, xiriirro sir ah iyo dhacdooyin siyaasadeed oo muran ka taagan yahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Ugu dambayn, waxaa mudan in la mahadiyo bahda <\/span><span class=\"s1\">Geedfadhi <\/span><span class=\"s2\">oo soo diyaarisay barnaamijkan dheer ee xiisaha badan, kaas oo fursad u siinaya jiilka maanta inuu si toos ah uga dhagaysto qof waayo-aragnimo dheer u leh ciidannimada, diblumaasiyadda iyo siyaasadda Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Qore Sulaymaan Bashiir Ciise<\/span><\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa la qabtay waraysi qoto dheer oo xusuus, taariikh, diblumaasiyad, ciidannimo iyo waayo-aragnimo siyaasadeed isku darsaday, kaas oo lala yeeshay Qoraa danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo soo noqday diblumaasi iyo sarkaal sare oo ciidan. Waraysiga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa taabanayay dhacdooyin badan oo muhiim u ah fahamka taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010833,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,28],"tags":[],"class_list":["post-1000010832","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtida","category-aragtiyada","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010832","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010832"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010832\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010834,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010832\/revisions\/1000010834"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010833"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010832"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010832"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010832"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}