{"id":1000010814,"date":"2026-08-04T18:33:16","date_gmt":"2026-08-04T18:33:16","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010814"},"modified":"2026-08-04T18:35:31","modified_gmt":"2026-08-04T18:35:31","slug":"%f0%9d%90%8c%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%b1%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%a4%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a7%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%b2-%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%9a","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/08\/04\/%f0%9d%90%8c%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%b1%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%a4%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a7%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%b2-%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%9a\/","title":{"rendered":"\ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc1a \ud835\udc24\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc32 \ud835\udc1d\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc26\ud835\udc2e\ud835\udc1c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc1e\ud835\udc1e \ud835\udc1d\ud835\udc21\ud835\udc22\ud835\udc2c\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc06\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc1e \ud835\udc24\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc25-\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b \ud835\udc1a\ud835\udc21, \ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc1e \ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc1b\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2a\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc24\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1a?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p><strong>W\/Q: Maxamed Odowaa<\/strong><\/p>\n<p>Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo loo arko mucaaradka dhabta ah ee ay xukunka isku hayaan Madaxweynaha muddo-dhaafka ah, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay in si deg deg ah loo helo Gole siyaasadeed oo kumeel-gaar ah si dalka looga gudbiyo marxalada cakiran ee muranka doorashooyinka islamarkaana looga hortago burbur dowladeed oo dhamaystiran.<\/p>\n<p>Mucaaradka ayaa cuskaday dood maangal ah oo ku saabsan in hadda dalka aysan ka jirin hay&#8217;addo dhexe oo haysta sharciyad islamarkaana Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ay ka dhammaadeen muddo xileedkii rasmiga ahaa ee soomaalidu isku raacsanayd.<\/p>\n<p>\ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc1a \ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc32 \ud835\udc26\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc28-\ud835\udc31\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc1d ?<\/p>\n<p>Muddo xileedkeedu (Mandate) waa wakhti cayiman oo awood sharciyeysan lagu siiyay hay&#8217;ad dowladeed ama koox waxaana waajib ah la xisaabtanka hay&#8217;addaas. Waxaa sida la wada ogyahay dhammaaday muddo xileedkii rasmiga ahaa ee la siiyay nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Dooda golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cuskan tiirka ugu muhiimsan heshiiska bulshada ee ah illaalinta wakhtiga rasmiga ah ee la doortay hay&#8217;addaha dastuuriga, sida madaxtooyadda iyo Baarlamaanka, waxay mar kale daaha ka rogtay fashilka siyaasadeed ee ka taaggan dalka.<\/p>\n<p>Soo-jeedinta dhismaha Gole kumeel-gaar ah, waxay lama filaan ku noqotay xaafiisyadda madaxda dowladda muddo dhaafka ah, waxayna qaarkood durba abuureen sheeko suuqeed, sida in golaha Mustaqbalku, u adeegayaan danno shisheeye, taasoo gebbi-ahaanba ka fog xaqiiqooyinka siyaaasadeed ee ay labada dhinac isku hayaan.<\/p>\n<p>Bulshada Soomaaliyeed ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga falceliyay soo-jeedinta mucaaradka, waxayna qaarkood ku tilmaameen dood maangal ah laakiin aan xilligaan loo baahnayn in dalka dib loogu celiyo kumeel-gaar, taas bedelkeedana loo baahanyahay in madaxda muddo dhaafka ah ee dowladda Federaalka ay talada dhulka dhigaan islamarkaana laga heshiiyo doorashada.<\/p>\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc1a \ud835\udc24\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc32 \ud835\udc2c\ud835\udc28\ud835\udc28-\ud835\udc23\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc26\ud835\udc2e\ud835\udc1c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a ?<\/p>\n<p>Hayaanka dowlad-dhiska Soomaaliya wuxuu ahaa mid isku dheelli-tiran wuxuuna ka koobnaa sadex laamood, kuwaas oo kala ah.<\/p>\n<p>\ud835\udfcf.\ud835\udc01\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a.<br \/>\n\ud835\udfd0. \ud835\udc06\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc2c\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc24\ud835\udc1a.<br \/>\n\ud835\udfd1. \ud835\udc05\ud835\udc2e\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a \ud835\udc31\ud835\udc2e\ud835\udc24\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a.<\/p>\n<p>15-kii-bishii May, 2022, ayaa dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna durba billaabay xulushada Ra&#8217;iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Filashada dad badan ma ahayn in Madaxweynuhu jeebka ku ridan karo sadexda laamood ee dowladda, kuwaas oo ay waajib tahay inay is-dheelli-tiraan si looga fogaado kalitalisnimo laakiin taasi ma dhicin.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu, si uu u xalaashado in khalinkiisa kaliya uu shaqeeyo, ayuu hay&#8217;addaha kale ee maamulka ka iibiyay aragtida xasillooni-siyaasadeed oo ku kooban Baarlamaanka, madaxtooyadda iyo xaafiiska Raiisal Wasaaraha.<\/p>\n<p>Xoogaga mucaaradka ah oo iyagu muhiim u ah dowladnimada islamarkaana ah saamileyda dhabta ah ee sugaya dhammaadka muddo xileedka hay&#8217;addaha dastuuriga ah ee dalka, ayaa rumeystay isku-millanka hay&#8217;addaha dowladda iyadoo aysan jirin cid ka tirsan dowladda oo uu taagan maareynta kala guurka siyaaasadeed.<\/p>\n<p>Raiisal Wasaaraha ayaa la filayay innuu ka shaqeeyo isku haynta dannaha siyaaasadeed ee kala duwan si la mid ah xukuumadihii hore laakiin sida isaguba uu sheegay Mudane Xamsa Cabdi Barre, wuxuu go&#8217;aansadey innuu janno ku galo addeecida qorshaha halka dhinac ah ee Madaxweynihiisa.<\/p>\n<p>Waxay haddaba taasi rejo beel ku riday kooxaha mucaaradka ah oo markaan go&#8217;aansadey adeegsiga luuqadaha adag iyo caddaadisyada siyaasadeed kuwii ugu dambeeyay.<\/p>\n<p>Farriinta golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay noqotay dhul-gariir waxayna hoosta ka xariiqaysaa in wadahadallada siyaasadeed ee hadda sida gaabiska ah u socda aan laga filayn guulo deg deg ah oo wax ku ool ah.<\/p>\n<p>\ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc1a \ud835\udc31\ud835\udc22\ud835\udc20\ud835\udc20\ud835\udc1a ?<\/p>\n<p>Madaxweynaha muddo dhaafka ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku sii kordhaya caddaadisyada siyaasadeed ee gudaha iyo kan diblamaasiyadeed ee uga imaanaya wakiillada caalamiga ah, balse, uma muuqdo in wali waagu u baryay, waxayna taasi halis-galinaysaa mustaqbalka amniga Qaranka iyo midnimada ummadda. Hase ahaatee, waxaa suurtagal ah in damaca Madaxweyne Xasan ay wax uun iska beddelaan kadib tallooyinkii iyo farriimihii uu helay intii uu socday shirkiii Kampala ee dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>\ud835\ude48axamed Odowaa waa \ud835\ude68\ud835\ude6a\ud835\ude6d\ud835\ude6a\ud835\ude5b\ud835\ude5e \ud835\ude62\ud835\ude56\ud835\ude59\ud835\ude56\ud835\ude6d-\ud835\ude57\ud835\ude56\ud835\ude63\ud835\ude63\ud835\ude56\ud835\ude56\ud835\ude63 \ud835\ude64\ud835\ude64 \ud835\ude60\ud835\ude56 \ud835\ude5b\ud835\ude56\ud835\ude56\ud835\ude61\ud835\ude61\ud835\ude64\ud835\ude64\ud835\ude59\ud835\ude56 \ud835\ude56\ud835\ude67\ud835\ude67\ud835\ude5e\ud835\ude62\ud835\ude56\ud835\ude5d\ud835\ude56 \ud835\ude68\ud835\ude5e\ud835\ude6e\ud835\ude56\ud835\ude56\ud835\ude56\ud835\ude68\ud835\ude56\ud835\ude59\ud835\ude59\ud835\ude56 \ud835\ude5e\ud835\ude6e\ud835\ude64 \ud835\ude3c\ud835\ude62\ud835\ude63\ud835\ude5e\ud835\ude5c\ud835\ude56.<\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q: Maxamed Odowaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo loo arko mucaaradka dhabta ah ee ay xukunka isku hayaan Madaxweynaha muddo-dhaafka ah, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay in si deg deg ah loo helo Gole siyaasadeed oo kumeel-gaar ah si dalka looga gudbiyo marxalada cakiran ee muranka doorashooyinka islamarkaana looga hortago burbur dowladeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010818,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,28],"tags":[],"class_list":["post-1000010814","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtida","category-aragtiyada","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010814","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010814"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010814\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010815,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010814\/revisions\/1000010815"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010818"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010814"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010814"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010814"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}