{"id":1000010805,"date":"2026-07-19T18:21:07","date_gmt":"2026-07-19T18:21:07","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010805"},"modified":"2026-07-19T18:21:07","modified_gmt":"2026-07-19T18:21:07","slug":"fadeexad-ka-dhalatay-goynta-kharashka-iyo-hawlfulinta-wasaaradda-arrimaha-dibadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/07\/19\/fadeexad-ka-dhalatay-goynta-kharashka-iyo-hawlfulinta-wasaaradda-arrimaha-dibadda\/","title":{"rendered":"Fadeexad ka Dhalatay Goynta Kharashka iyo Hawlfulinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha iyo Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa amray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo sababta keentay in la waayo kharashkii socodsiinta hawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaddib markii ay caddaatay in ay wasaaraddu iska bixin kari wayday korontadii iyo kharashyadkii safarrada. Xafiisyada sare ee dalka ayaa soo farageliyay arrintan iyaga oo la xiriiray Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige oo safar shaqo ku joogay Addis Ababa, iyagoo ka dalbaday jawaab rasmi ah. Sida aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, Wasiirka oo lahaa amarka joojinta kharashka, ayaa hadda ku hawlan sidii uu eedda dusha uga saari lahaa mas&#8217;uuliyiinta ka hooseysa.<\/p>\n<p><strong>Maxaa Madaxda Dowladdu u dalbatay baaritaanka?<\/strong><\/p>\n<p>Madaxda sare ee dalka ayaa ka carootay in Wasaaraadda Arrimaha Dibadda ee dalku ay xillligan wajahdo xaalad kharash la&#8217; aan ah, maadaama ay ku jirto olole la xiriira adkaynta iyo wadajirka midnimada dallka. Madaxweyne Xasan ayay lama filaan ku noqotay in wasaaraddii ugu muhiimsanayd shaqada dalka ay kharash la&#8217;aan noqoaty, waxaana uu dalbaday isla xisaabtan dhab ah. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay bixinta kharashyada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo culeys weyn ku keentay habsami-u-socodka hawlaha diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waqtiyadii u dambeeyay ku mashquulsanayd maaraynta qaddiyadda Israa&#8217;iil iyo Somaliland, iyadoo qaaday tallaabooyin looga hortagayo aqoonsiga ay Telaabiib siisay Somaliland.<\/p>\n<p>Sida aan saaka baahinnay, ayna inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wasaaradda ayaa la ildaran kharash la&#8217;aan baahsan oo ku adkaysay in ay qabato shaqooyinka maalinlaha ah. Keddib markii uu warkan bannaanka yimid waxaa jira xiriiro dhex maray Wasiirka Maaliyadda iyo Shirkadda Korontada ee BECO oo looga dalbaday in dib loo fasaxo korontada dhismaha Wadaaradda Arrimaha Dibadda.<\/p>\n<p><strong>Hakadka ku Yimid Safarrada Diblomaasiyadeed<\/strong><\/p>\n<p>Inta la ogyahay, Wasaaraddu lixdii bilood ee ugu dambeysay ma helin gunnada, hawlfulinta, iyo kharash-hoosaadka tan iyo bishii Febraayo ee sannadkan. Taasi waxay keentay in ay u suurtagali weydo mas&#8217;uuliyiinta wasaaradda in ay galaan safarro diblomaasiyadeed oo la xiriira midnimada dalka iyo ka-hortagga dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee gobolka ka socda, kuwaas oo lid ku ah Soomaaliya. Mid ka mid ah mas&#8217;uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa inoo xaqiijiyay in yaraynta iyo hoos-u-dhigista maaliyaddu ay salka ku hayso siyaasad la xiriirta shaqada ay wasaaraddu u hayso qaranka iyo midnimada dalka.<\/p>\n<p>Natiijada baaritaan kale oo aan samaynay ayaa ku ogaannay in kharashyada joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda ay ka badan yihiin marka la isku daro kharashyada 10 wasaaradood oo kale, mana dhicin in hal bil uu hakad galo hawlaheeda. Taniyo intuu yimid Biixi Iimaan Cige maamulka Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda liiska wasaaradaha leh hortabinta ee dhanka bixinta kharashaadka joogtada ah.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha iyo Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa amray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo sababta keentay in la waayo kharashkii socodsiinta hawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaddib markii ay caddaatay in ay wasaaraddu iska bixin kari wayday korontadii iyo kharashyadkii safarrada. Xafiisyada sare ee dalka ayaa soo farageliyay arrintan iyaga oo la xiriiray Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010806,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010805","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010805","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010805"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010805\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010807,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010805\/revisions\/1000010807"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010806"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010805"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010805"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010805"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}