{"id":1000010798,"date":"2026-07-19T09:24:38","date_gmt":"2026-07-19T09:24:38","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010798"},"modified":"2026-07-19T09:33:59","modified_gmt":"2026-07-19T09:33:59","slug":"spain-vs-argentina-weerarka-ugu-xooggan-iyo-difaaca-ugu-adag-oo-ku-kulmaya-final-ka-koobka-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/07\/19\/spain-vs-argentina-weerarka-ugu-xooggan-iyo-difaaca-ugu-adag-oo-ku-kulmaya-final-ka-koobka-adduunka\/","title":{"rendered":"Spain vs Argentina: Weerarka ugu xooggan iyo difaaca ugu adag oo ku kulmaya Final-ka Koobka Adduunka"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Xulka difaacanaya koobka ee Argentina ayaa caawa ku wajihi doona Spain kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka FIFA 2026, iyadoo tartankii socday 39-ka maalmood lasoo gaba-gabrynayo caawa.<\/p>\n<p>Kulankan oo ka dhacaya gobolka New Jersey wuxuu noqon doonaa mid isha lagu wada hayo oo xiisa gaara leh, sababtoo ah wuxuu u dhexeeyaa weerarka ugu awoodda badan iyo difaaca ugu adag tartanka. Argentina ayaa inta tartankan socday dhalisay goolasha ugu badan oo ah 19, halka Spain laga dhaliyay hal gool oo keliya.<\/p>\n<p>Final-kan wuxuu sidoo kale isu keenayaa horyaallada Koonfurta Ameerika iyo Yurub markii ugu horreysay ee Koobka Adduunka muddo 60 sano ah.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu noqonayaa xifaaltan u dhexeeya laba jiil: waa Lamine Yamal oo 19 jir hoggaaminaya Spain, iyo geesigiisii carruurnimada, Lionel Messi oo 39 jir ah, kaasoo horkacaya Argentina.<\/p>\n<p><strong>Yaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysto?<\/strong><\/p>\n<p>Saadaasha ugu badan waxey sheegeysaa in Koobka caawa ay la hoyan doonaan Spain, walow Argentina mar walba ay dib usoo laabasho cajiib ah sameyso, sida laga arkay kulamadiidii u danbeeyay<\/p>\n<p>Waxaa la leeyahay 59.46% waxaa caawa guuleysan doona Spain, halka Argentina ay heysato saadaasha 40.54% fursadaha ay ku difaacan karto koobkii ay qaaday 2022.<\/p>\n<p><strong>Halkee lagu ciyaari doonaa final-ka?<\/strong><\/p>\n<p>Final-ka waxaa lagu qaban doonaa MetLife Stadium, oo ay isticmaalaan labada kooxood ee NFL-da Mareykanka: New York Giants iyo New York Jets. Inta uu socdo Koobka Adduunka, garoonka waxaa si ku meel gaar ah loogu bixiyay magaca New York\u2013New Jersey Stadium.<\/p>\n<p>Garoonkan oo la dhisay sanadii 2010 wuxuu qaadaa ilaa 82,500 daawadayaal ciyaaraha kubadda cagta. Waxa kale oo lagu qabtay final-ka Koobka Kooxaha Adduunka ee FIFA 2025 iyo labada kulan ee nus-dhammaadka.<\/p>\n<p><strong>Taariikhda kulanada labada xul Spain vs Argentina:<\/strong><\/p>\n<p>* Waxey kulmeen 16 jeer<br \/>\n* Spain ayaa badisay 6 jeer<br \/>\n* Halka Argentina badisay iyaduna 6 jeer<br \/>\n* 2 Goorna Barbaro ayey galeen<\/p>\n<p>Labadan xul hore ma isugu arkeen Koobka Adduunka?<\/p>\n<p>Haa, laakiin hal mar oo keliya.<\/p>\n<p>Waxay ku kulmeen wareegga guruubyada Koobkii Adduunka ee 1966 lagu qabtay England, halkaas oo Argentina ay ku badisay 2\u20131.<\/p>\n<p>Spain waxay ku hartay wareegga guruubyada, halka Argentina ay ku hartay wareegga siddeedda (quarterfinals).<\/p>\n<p><strong>Koobabka ay ku guuleysteen<\/strong><\/p>\n<p>Spain<\/p>\n<p>* Koobka Adduunka: 1 jeer (2010)<br \/>\n* Koobka Yurub (Euro): 4 jeer (1964, 2008, 2012, 2024)<\/p>\n<p>Argentina<\/p>\n<p>* Koobka Adduunka: 3 jeer (1978, 1986, 2022)<br \/>\n* Copa Am\u00e9rica: 16 jeer, kii ugu dambeeyayna waxay qaadeen 2024.<\/p>\n<p><strong>Waa kuwee Ciyaartoyda muhiimka ah ee Spain<\/strong><\/p>\n<p>Mikel Oyarzabal ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Spain tartankan isagoo dhaliyay 5 gool, oo uu ku jiro midkii ay ku garaaceen France nus-dhammaadka.<\/p>\n<p>Rodri ayaa laf-dhabar u ahaa khadka dhexe, isagoo bixiyay baasaska ugu badan tartanka (648 baas).<\/p>\n<p>Lamine Yamal, inkastoo uu ciyaarahiiss kusoo beegmeen isagoo dhaawacyo kasoo kacay , wali muusan soo bandhigin ciyaarihii lagu yaqiinay, balse wali wuxuu halis joogto ah ka yahay garabka midig.<\/p>\n<p><strong>Ciyaartoyda muhiimka ah ee Argentina<\/strong><\/p>\n<p>Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu weyn kooxda, isagoo leh 8 gool iyo 4 caawin, taasoo ka dhigeysa musharraxa ugu weyn ee kabta dahabka (Golden Boot), hadii uu caawa goolal kale dhaliyo, maadaama Mbabe uu ka sareeyo 2 Gool.<\/p>\n<p>Messi wuxuu dhaliyay gool kulan kasta ilaa wareegga 16-ka, halka caawimihiisuna ay door weyn ka qaateen guulihii quarterfinal-ka iyo semifinal-ka.<\/p>\n<p>Lautaro Mart\u00ednez (3 gool) iyo Enzo Fern\u00e1ndez (2 gool) ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahaa weerarka Argentina.<\/p>\n<p><strong>Waxa ay kulanka caawa ka yiraahdeen tababarayaasha iyo ciyaartoydu<\/strong><\/p>\n<p>Luis de la Fuente (tababaraha Spain):<\/p>\n<p>\u201cWaxaan aaminsanahay in Spain iyo Argentina ay soo bandhigi doonaan ciyaar ay hibada iyo kubadda cagta quruxda badan ka sarreeyaan wax kasta.\u201d<\/p>\n<p>Rodri (kabtanka Spain):<\/p>\n<p>\u201cKooxdan iyo jiilkani waxay doonayeen inay taariikh sameeyaan\u2026 hadda waxaan gaarnay final-ka Koobka Adduunka. Waan ku faraxsanahay safarkeenna, laakiin halkaas kuma joogsaneyno; hammigeennu aad buu uga weyn yahay.\u201d<\/p>\n<p>Lionel Scaloni (tababaraha Argentina):<\/p>\n<p>\u201cAad ayaan ugu faanayaa Messi, waayo waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta. Inuu da\u2019da 39 jir ku gaaro final sidan oo kale ah waa wax cajiib ah.\u201d<\/p>\n<p>Emiliano Mart\u00ednez (goolhayaha Argentina)<\/p>\n<p>\u201cMararka qaar si qarsoodi ah ayaan u ooyaa markaan ka fikiro wixii aan gaarnay. Waxaan isku dayayaa inaan ku raaxeysto waqtigan, sababtoo ah mararka qaar ciyaaryahannadu ma garwaaqsadaan halka ay marayaan xirfaddooda. Fariinteydu waa inaan wajiyadeenna dhoolla-caddeyn ku diyaar garowno oo aan ku raaxeysanno xilligan, waayo waa wax aan waligeen xusuusan doonno.\u201d<\/p>\n<p><strong>Maxaa dhacaya haddii ciyaartu barbaro ku dhammaato?<\/strong><\/p>\n<p>Haddii 90-ka daqiiqo ay barbaro ku dhammaadaan, waxaa la ciyaari doonaa waqti dheeri ah oo laba qaybood ah, min 15 daqiiqo. Haddii weli barbaro lagu sii jiro, rikoorayaal (gool-ku-laadyo) ayaa lagu kala bixi doonaa.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xulka difaacanaya koobka ee Argentina ayaa caawa ku wajihi doona Spain kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka FIFA 2026, iyadoo tartankii socday 39-ka maalmood lasoo gaba-gabrynayo caawa. Kulankan oo ka dhacaya gobolka New Jersey wuxuu noqon doonaa mid isha lagu wada hayo oo xiisa gaara leh, sababtoo ah wuxuu u dhexeeyaa weerarka ugu awoodda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010799,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010798","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010798","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010798"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010798\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010802,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010798\/revisions\/1000010802"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010799"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010798"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010798"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010798"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}