{"id":1000010783,"date":"2026-06-15T14:29:10","date_gmt":"2026-06-15T14:29:10","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010783"},"modified":"2026-06-15T14:29:10","modified_gmt":"2026-06-15T14:29:10","slug":"fursad-filasho-aadan-maxamed-nuur-madoobe-iyo-koonfur-galbeed-w-q-dr-abdimajid-yuusuf-sakiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/06\/15\/fursad-filasho-aadan-maxamed-nuur-madoobe-iyo-koonfur-galbeed-w-q-dr-abdimajid-yuusuf-sakiin\/","title":{"rendered":"Fursad &#038; Filasho: Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Koonfur Galbeed-W\/Q: Dr. Abdimajid Yuusuf Sakiin"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Waxaan ku naawilayaa in aan maqaalkaygan: Fursad &amp; Filasho idiinkugu soo gudbiyo todobo fursad-filasho oo aynu ka raajicinayno hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfurta Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana uu haystaa muddo xileed ah shan sano, waa sida uu Dastuurka lagu doortay yahaye.<\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Intaanan kasii ambaqaadin ararta qormadaydan Fursad &amp; Filasho, haddaba <\/span><\/span><strong><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">waa kuma Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe? Maxaynuse ka naqaanaa?<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waxaa uu hilaaddii 1956-dii ku dhashay magaalada Xudur ee xarun goboleedka Bakool, isla gayigaasi ayuu uga soo sahay qaatay waayihiisa siyaasadeed, waana halka uu kasoo noqday gudoomiye degmo, isagoo kusoo gashiimay gudoomiye kuxigeenkii Dhaqdhaqaaqii Ciidankii Wax Iska Caabinta Raxweyn ee Rahanweyn Resistance Army (RRA) ilaa uu soo fanto figta sare ee sallaanka siyaasadda Soomaalida, jeer uu noqdo gudoomiyaha Golaha Shacabka So<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">omaaliyeed &amp; kusime hoggaamiye.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Haddaba, Fursad &amp; Filasho waxaan ku eegayaa oo aan gundhig uga dhigayaa, dhawr qodob oo dowladnimada Soomaalida iyo Koonfur Galbeed sal u ah.<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong>1. <span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Amniga Deegaanka:<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Arrita ugu hortabinta leh ee laga filanayo hoggaamiye jabhadnimo kusoo hanaqaaday waayo-joogna usoo ahaa xaaladihii amni ee <\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">dalkeena &amp; siyaasadihii isdiidanaa waa un taabo-gelinta jawi nabdeed oo lagu xaqiijiyo amniga guud ee deegaanada &amp; dadka uu hogaansho.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Aadan Madoobe waxaan talo ugu soo jeedin lahaa in uu ihtimaamkiisa ugu horeeyo ka dhigto xasilinta &amp; amni kusoo dabaalida guud ahaan geyiga Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waxaan ka filanaynaa in uu la yimaado istiraatijiyaddii ugu mudneed ee deegaanada Koonfur Galbeed looga xorayn lahaa kooxaha nabad-diidka ah, la iskuguna wada furi lahaa guud ahaan deegaanada iyadoo calanka dowladnimo laga wada harsanayo guud ahaan degmooyinka aanan gacanta dowladda ku jirin.<\/span><\/span><\/p>\n<div class=\"s4\"><strong>2. <span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Dhab u Heshiisiinta Qabaa\u2019ilka Deegaanka:<\/span><\/span><\/strong><\/div>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Xiligani la joogo waxa ugu muhiimsani waa un in la is qalbi-dhayo, la is aamino, la isuna tanaasulo oo la isla taaboqaado geedi-socod nabdeed oo lagu midaysanyahay\u2026 mana aha in uu arinkeenu noqdo kugu dhimay, kaa dhimay\u2026 ragna ma jirto wax uu ku dhaamo walaalow!!! Haddii taasi la waayo, waa un is xaniinyo taabad o<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">o cidna ismaamuli kari mayso!!!<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Aadan Madoobe waxaa uu fursad u haystaa in loo doortay deegaan ay dhidibada u taaganyihiin nidaamyadiisa dowladnimo\u2026 tani waxay ka saacidaysaa adkaynta haykalka dowladeed.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Anigoo si togan uga filanayo in uu hoggaamiye Madoobe sida ugu dhakhsiyaha badan ugu dhiiran doono fidinta gogol nabdeed oo ay si dhab ah ugu heshiiyaan saamilayda ugu tunka weyn siyaasadda <\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Deegaanka ayaan haddana usoo jeedin lahaa in cid kasta oo si un wax u goconaysa qalbi-xaaro uguna tago halka ay joogto\u2026 wax kasta oo aynu isku hayno waxaa ka muhiimsan waxa inaga dhexeeya\u2026 danteenuna waa isku tolan aanan sina u kala dhantaalmi karin!<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong>3. <span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Dhisidda Cudud Ciidan:<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, filasho un igama ahee waan ku kalsoonahay\u2026 waxaa uu haystaa fursad kasta oo uu deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu yaglee<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">li karo cudud ciidan oo xoogan\u2026<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Dab nin kusoo gubtay ayaa laga waraystaaye, hoggaamiye Aadan Madoobe cidna ugama sheekaynayso muhiimadda ciidan <\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">xoogan uu deegaanku u leeyahay.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waxaa uu hoggaamiye ka noqday dowlad goboleed kheyraat badani ku dihanyahay oo ay cid kasta usoo biro tumanayso, yeeyduna <\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">usoo kala miciyo soofaysanayso.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waan qirsanahay in uu xaalad kasta Madaxweynuhu iiga xog-ogaalsanyahay, waana ka filayaa in uu dhidibada u taagi doono cudud ciidan oo xoogan loona simanyahay, deegaankana min xuduudaha ilaa Badweynta Hindiya nabad kusoo dabaala.<\/span><\/span><\/p>\n<div class=\"s4\"><strong>4. <\/strong><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\"><strong>Kaabayaasha Dhaqaalaha<\/strong>:<\/span><\/span><\/div>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Koonfur Galbeed waxaa ay si mug &amp; miisan leh ugu hamuun qabtaa hogaan qorshayaashiisa siyaasadeed ku darsada yagyeelidda xasilooni dhaqaale, shaqo abuur, sare u qaadista waxsoosaarka gudaha &amp; taabogelinta deked uu si dhamaystiran u maamulo hogaanka dowladeed.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ay qorshe-siyaasadeedkiisa todobada qodob kamid yihiin taabagalinna Dekeda Baraawe &amp; sare u qaadista waxsoosaarka deegaanka waan ku bogaadinayhaa in uu ku wada dhiirado oo aanu sal dhul dhigan jeer aynu ka gaarno xasilo<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">oni &amp; isku filnaansho dhaqaale.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Sida waaqicu yahay marka laga soo tago Dowlad Goboleedka Puntland, Koonfur Galbeed waa dowlad goboleedka kali ah ee ay hay&#8217;a<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">daheeda dowladeed taaboqaadeen.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waxaan ka filanaynaa hoggaamiyaha in muddo xileedkiisa shanta sano uu nidaamka dowladeed kasii<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\"> sare mariyo halka uu ugu yimi.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Dhul beereedka baahsan, cududda bulsho &amp; u heelanaanta nidaamka dowladeed ee dadka deegaanka intuba waxaa ay fursad aanan laga gayoon karin siinayaan hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo uu sooyaalkiisa taariikheed kasoo askumay deegaanada Dowlad Gobolee<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">dka Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Tallaabo kasta oo loo qaado dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha waxay meesha ka saaraysaa shaqo la&#8217;aanta baahsan ee ka jirta deegaanka, waxayna ibo-fur u noqonaysaa fursadaha shaqaalaysiinta dhalinta waxbaratay ee deegaanka.<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong>5. <\/strong><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\"><strong>Maamul Daadajinta<\/strong>:<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Qodobkani waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta nidaamka dowladeed iyo in si barax la&#8217; loo gaarsiiyo adeegyada dowladeed dhammaan bulshada nugul ee sagxadda joogta.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Kama filanayo hoggaamiye Aadan Madoobe in uu awoodda &amp; shaqooyinka dowladeed isku soo koobi doono\u2026 qudhiisa ama in dad gaar ah lagu naas nuujin doono. Waxaan ka filanayaa in uu daadajin doono <\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">haykalka &amp; adeegyada dowladeed.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Koonfur Galbeed waxaa ku abtirsada oo deegaan &amp; dadba ku leh qabaa&#8217;ilo tiro &amp; tayoba leh kuwaasoo wada mudan in ay iska dhex arkaan haykalka dowladnimada.<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong>6. <span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Horumarinta Waxbarashada:<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">In la dhiso mustaqbalka jiilasha soo socda waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa maamul wanaagga, tayada &amp; geedi-socodka dowladnimo ay k<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">u diirsadaan jiilasheena dambe.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxaa uu haystaa fursad uu kusii ambaqaado adeegyada kaabayaasha waxbarasho, waxaan ka filanayaa in uu door zaciim ah ka qaato bud-dhigga waxbarasho tayo leh, bilaash ah oo ay u siman yihiin dhammaan dadyowga reer Koonfur Galbeed Soomaaliya min tuulo ilaa &amp; gobol.<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong>7. <span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Isla Xisaabtanka Dowladnimo:<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Tani waa muhiim! Hay&#8217;adaha dowladnimo waxaa loogama maarmaan ah jiritaanka isla-xisaabtan hufan. Kaba soo bilow heer degmo &amp; state haddii aanu jirin isla-xisaabtan waxba micno &amp; muunad ah yeelan maayo nidaamkeena dowladeed\u2026 oo waxaa uu iska noqon jaantaa rogan ay cid wal<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">ba waxay doonto iska samaysato.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Haddii aanu jirin isla xisaabtan waxaynu dhiirigelinay musuqa &amp; nin tooxsiga!!!<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Sheekh Aadan oo aynu ku tuhmayno cadaalad &amp; hufnaan waxaan ka filanaynaa in uu joogtayn doono isla xisaabtanka hay&#8217;adaheena dowliga ah si aysan cidna u xagal-daacin nidaamka dowladeed. Sugnaanshaha shaqooyinka dowliga waxay bud-dhig u yihiin horumarka dowladnimo.<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Fursadaha Guud ee uu h<\/span><\/span><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">aysto Hoggaamiye Aadan Madoobe:<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu hayinka u qabtay dowladnimo soo jirtay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu fursad u helay in uu hogaansho nidaam dowladeed hay&#8217;adihiisa lasoo dhisa<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">y oo kali ah u baahan hogaamin!<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waxaa uu fursad u helay hogaaminta nidaam dadka deegaanka ay ku kala irdhoodeen oo u baahan hanaqaadka xasilooni siyaasadeed la iskugu soo dumo quluub is qoontay.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Hoggaamiye Madoobe, waa 70 jir waayo-joog ah ay filasho badan oo uu quluubta dadyowga ku dhayo laga qabo waxaana rajaynaynaa in uu ku guul<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">aysto imtixaankaasi dowladnimo.<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Duco &amp; talo ayaan kusoo guntayaa qormadaydan Fursad &amp; Filasho\u2026<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p style=\"text-align: left;\"><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Mudane Hoggaamiye, Allah hakugu asturo mas&#8217;uuliyadda hogaaminta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya\u2026 Allah kaa dhigo kii isku soo dumo quluubta reer Koonfur Galbeed, geediga dowladnimona ugu fura meel naq &amp; rays leh.<\/span><\/span> <span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Waxaa<\/span><\/span><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\"> micno samayn doona oo lagugu xasuusan doonaa raadka aad uga tagtid reer Koonfur Galbeed mudada shanta sano ee socota\u2026 waa haddii uu wadku ina daayee.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s3\"><span class=\"bumpedFont15\">Taladayda ugu dambaysa waa dowladnimadu dadku way deeqdaa ee hoggaamiye cidna yaysan kuula imaan xagal-daac &amp; nin tooxsi.<\/span><\/span><\/p>\n<p><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">Danteenu waa Isku Tolan!!!<\/span><\/span><\/p>\n<p><strong><span class=\"s2\"><span class=\"bumpedFont15\">W\/Q: Dr. Abdimajid Yuusuf Sakiin<\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaan ku naawilayaa in aan maqaalkaygan: Fursad &amp; Filasho idiinkugu soo gudbiyo todobo fursad-filasho oo aynu ka raajicinayno hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfurta Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana uu haystaa muddo xileed ah shan sano, waa sida uu Dastuurka lagu doortay yahaye. Intaanan kasii ambaqaadin ararta qormadaydan Fursad &amp; Filasho, haddaba waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010784,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010783","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010783","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010783"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010783\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010785,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010783\/revisions\/1000010785"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010784"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010783"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010783"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010783"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}