{"id":1000010736,"date":"2026-05-19T14:08:30","date_gmt":"2026-05-19T14:08:30","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010736"},"modified":"2026-05-19T14:08:30","modified_gmt":"2026-05-19T14:08:30","slug":"xasan-sheekh-maxamuud-iyo-fursaddii-ka-luntay-milicsiga-17-kii-sebtembar-2020","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/05\/19\/xasan-sheekh-maxamuud-iyo-fursaddii-ka-luntay-milicsiga-17-kii-sebtembar-2020\/","title":{"rendered":"Xasan Sheekh Maxamuud iyo Fursaddii Ka Luntay: Milicsiga 17-kii Sebtembar 2020."},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Weli ma jirto cid si dhab ah u xaqiijin karta waqtiga laga gudbi doono marxaladdan adag ee ay Soomaaliya ku jirto iyo nooca doorasho ee dalku geli doono. Rajadii ugu dhaweyd ee xal looga gaari lahaa doorasho ay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda ayaa dhawaan burburtay, taas oo sii xoojisay hubanti la\u2019aanta siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Tan iyo markii la dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya sanadkii 2000, mar kasta oo la gaaro dhammaadka muddo-xileedka dowlad jirta, waxaa adkaata in la gaaro heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada. Inta badan, heshiisyadaasi waxa ay qaataan bilo ama xitaa ku dhowaad sanad, si loo gaaro is-afgarad ay dhinacyadu wada aqbalaan.<\/p>\n<p>Sababta ugu weyn ee arrintan loo aaneynayo waa hoggaanka xilka haya oo inta badan aan muujin aragti fog, isla markaana aan si dhab ah u dhowrin dastuurka iyo axdiyada dalka lagu maamulo. Haddii hoggaanku lahaan lahaa mas\u2019uuliyad qaran iyo himilo fog, mar walba ma dhici lahayn in Soomaalidu isku maandhaafto doorashooyinka, ama muddo-kordhin iyo khilaaf siyaasadeed ay sababaan qalalaase iyo dhiig daata.<\/p>\n<p>Maanta oo la joogo May 2026, iyada oo uu dhammaaday muddo-xileedkii sharciga ahaa ee dowladda, waxaa weli muuqata in siyaasadda Soomaaliya aysan gaarin heer biseyl oo lagu xallin karo khilaafaadka, xooggana la saaro wada-hadal iyo is-afgarad. Muranka ku saabsan doorashada ayaa weli taagan, iyada oo waqtigii dowladda dhammaaday aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada, taas oo dalka gelin karta jahawareer iyo hubanti la\u2019aan sii fogeysa xal-u-helidda xaaladda taagan.<\/p>\n<p>15-kii sano ee u dambeeyey, mar kasta oo la isku mari waayo arrimaha doorashada, siyaasadda Soomaaliya waxa ay dib ugu noqotay \u201cgondihii ceebta\u201d ee Beesha Caalamka. Taasi waxa ay keentaa in dhinacyada lagu cadaadiyo inay heshiis gaaraan, iyada oo beesha caalamku noqoto dammaanad-qaade iyo cid ciqaab ugu hanjabaysa kuwa aan u hoggaansamin heshiisyada la gaaro. Mas\u2019uuliyadda ceebtaas siyaasadeed waxa ay dusha u saaran tahay dowladda waqtigeedu dhammaaday, haddii aysan la imaan xal Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Marka dib loo milicsado waayihii tagay, gaar ahaan doorashadii ugu dambeysay ee dalka iyo caqabadihii ka dhashay heshiis la\u2019aanta, waxaa muuqata isbarbardhig la xiriira maalmihii ugu dambeeyey ee muddo-xileedkii dowladdii Farmaajo, gaar ahaan 17-kii Sebtembar 2020. Xilligaas, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guuldarreystay in uu xal siyaasadeed ka gaaro arrimaha doorashada. Maanta, xaalad la mid ah ayaa muuqata in ay ku dhacday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu heshiis la gaari waayay dhinacyadii siyaasadda, isla markaana uu fashil ku dhammaaday shirkii ugu dambeeyey ee rajo weyn laga qabay.<\/p>\n<p>Marka laga yimaado muranka ku saabsan nooca doorasho iyo mowqifka dowladda waqtigeedu dhammaaday, xaqiiqadu waxay muujinaysaa in mucaaridka iyo siyaasiyiinta kale ee daneeya arrimaha dalka, haddii ay sii xoojiyaan dadaalladooda siyaasadeed iyo cadaadiska ay saarayaan dowladda, kahor May 15, ay suuragal ahaan lahayd in la gaaro doorasho waqtigeeda ku dhacda isla markaana lagu wada heshiiyo.<\/p>\n<p>Dhanka kale, doorashooyinka ay dowladdu ku sheegtay \u201cqof iyo cod\u201d ayaa durba wajahaya dhaliilo waaweyn oo dhaawacay kalsoonidii lagu qabay hannaankaas. Waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira musuqmaasuq, boob siyaasadeed iyo kuraas loo xirayo shaqsiyaad gaar ah. Sidaas darteed, haddii xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka jira, waxa ugu dhow ee maanta dalka ka hirgeli kara waa doorasho dadban oo dib loo habeeyey laguna soo kordhiyey farsamooyin cusub.<\/p>\n<p>Marka la isku soo duubo, Soomaaliya maanta ma qaadi karto firaaq dastuuri ah oo horseeda colaad, burbur iyo dib-u-dhac siyaasadeed. Haddii Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka, isaga oo leh tanaasul iyo mas\u2019uuliyad qaran, waxaa suuragal ah in dalka loo horseedo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kana saari kara mugdiga siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.<\/p>\n<p>Waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay u istaagaan badbaadinta dalka, iyada oo dhaqanka Soomaaliyeed uu hormuud ka noqdo dadaallada nabadeed. Odayaasha dhaqanka ayaa dhawaan sheegay in xalku ku jiro gacmaha Soomaalida, isla markaana ay weli jiraan fursado badan oo lagu gaari karo heshiis siyaasadeed, inta aysan xaaladdu gaarin meel halis ah oo bulshada sii kala fogeysa.<\/p>\n<p><strong>W\/Q: Axmednuur Maxamed<\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Weli ma jirto cid si dhab ah u xaqiijin karta waqtiga laga gudbi doono marxaladdan adag ee ay Soomaaliya ku jirto iyo nooca doorasho ee dalku geli doono. Rajadii ugu dhaweyd ee xal looga gaari lahaa doorasho ay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda ayaa dhawaan burburtay, taas oo sii xoojisay hubanti la\u2019aanta siyaasadeed ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010737,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010736","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010736","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010736"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010736\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010738,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010736\/revisions\/1000010738"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010737"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010736"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010736"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010736"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}