{"id":1000010722,"date":"2026-05-17T12:33:18","date_gmt":"2026-05-17T12:33:18","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010722"},"modified":"2026-05-17T13:10:41","modified_gmt":"2026-05-17T13:10:41","slug":"raayi-fahad-yaasiin-qodobbo-ku-aadan-kulankii-geedfadhi-ee-cabdinuur-iyo-cabdikariim-w-q-axmed-sanwilwilo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/05\/17\/raayi-fahad-yaasiin-qodobbo-ku-aadan-kulankii-geedfadhi-ee-cabdinuur-iyo-cabdikariim-w-q-axmed-sanwilwilo\/","title":{"rendered":"RA&#8217;AYI: Fahad Yaasiin: Qodobbo ku aadan kulankii Geedfadhi ee Cabdinuur iyo Cabdikariim"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><div class=\"xdj266r x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxa aan shalay galab dhagaystay wada sheekaysi dheer oo ay Cabdinuur iyo Kaar la yeesheen Fahad Yaasiin. Fahad oo soo noqday agaasimaha hay&#8217;adda sirdoonka NISA ayaa waraysigan kaga waramay arrimo badan oo isku lifaaqan. Waxa uu ka hadlay shakhsiyaddiisa, habdhaqankiisa, siyaasadihii ku gedaamnaa muddadii uu siyaasadda ku jiray iyo dhacdooyin caan baxay oo laga xusi karo saamayntiisii dawladdii Farmaajo, xannibaadii lagu xannibay Jabuuti, imaanshiyihii raysalwasaarayaasha Khayre iyo Rooble, waayiddii Ikraan Tahliil, kiiskii Qalbidhagax, doonistiisii xildhibaannimo, kalataggii isaga iyo Farmaajo, kalataggii isaga iyo Xasan, aragtida yagleelka Haybad Qaran iyo arrimo intaa ka agdhow.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxa aan doonayaa dhawr qodob oo aan muhiim u arkay, Fahadna ka dhawaajiyay in aan xuso. Ka horse, waxa aan bogaadinayaa <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/AbdinurMohamedAhmed?__cft__%5B0%5D=AZZl2V-D_OTPd2_EFMfVBY6FHFPXQzUO925joNd62P9T4FLpfD5h8EljkFpTj13Qu-EpeELGZ9EWTvlUeSIHlQp9HZ2B73ZXGy61nZeFcgW4yUiDCqnyRc4HlSSab93QL-DHbtR4Tgw6yO8xgbmkC8NXjhd1fe3u57srVaThEWK7wQ&amp;__tn__=-%5DK-R\"><span class=\"s2\">Abdinur Mohamed Ahmed<\/span><\/a>, <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/abdikarim.abdi?__cft__%5B0%5D=AZZl2V-D_OTPd2_EFMfVBY6FHFPXQzUO925joNd62P9T4FLpfD5h8EljkFpTj13Qu-EpeELGZ9EWTvlUeSIHlQp9HZ2B73ZXGy61nZeFcgW4yUiDCqnyRc4HlSSab93QL-DHbtR4Tgw6yO8xgbmkC8NXjhd1fe3u57srVaThEWK7wQ&amp;__tn__=-%5DK-R\"><span class=\"s2\">Abdikarim Ali Kaar<\/span><\/a> iyo madashooda Geedfadhi dhab ahaan waxa ay waraysigan ooga soo dhalaaleen qaab heer sarraysa, waxa ayna weydiiyeen su&#8217;aalo taagan oo muhiim ah, intaana oogama harin e, waxa ay daba dhigeen waydiimo dabagal ah oo bidhaaminaya waxyaabaha uu carabka ku dhuftay Fahad.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Fahad Yaasiin, waxa uu siyaabo kala duwan ooga hadlayaa sababaha ay isaga iyo Farmaajo ku kala tageen. Qodob uu ku tilmaamay siyaasadda arrimaha dibadda ayaa jira kuwa uu ka xusayo arrimaha iswaagooda, waxa uuna dhahayaa, &#8220;waxaan arkay xidhiidho dawlado aan markii hore kala aragti duwanayn isaga oo dhaqdhaqaaq la samaynayo oo la macaamilaayo anna waan dhibsaday.&#8221; Waxa uuna hadalkaa raacinayaa, &#8220;waxaan akhriyay dad ay ahayd in aan la macaamilno oo la fadhiisanno oo qancinno oon raaligalinno oo uu ka adkaystay.&#8221; Hadalkan waxaa laga akhrisan karaa sida Fahad hamuunka ugu qabay in isbeddel weyn lagu sameeyo aragtidii ay ku shaqaynayeen intii xukunka la joogay, sidoo kale, waxaa ka muuqanaysa in ay jiraan dawlado uu Fahad wakiil ka yahay ama xidhiidhkoodu fiican yahay, kuwaas oo uu waraysigana ka meeraystay horayna u sheegay in aanay jirin. Marka uu lee yahay dawlado aan markii hore kala aragti duwanayn ayuu la macaamilay, waxaa meesha ka soo baxaysa in ay hore u jireen dawlado lala macaamili jiray iyada oo aan xil lahayn, sababtoo ah, dawlad la macaamisha qof aan xil hayn iyo qof aan xil hayn oo kala jeclaada dawlado ma jiri karo, haddii aanay jirin dareenkii awal laga qabay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Markale, waxa uu Fahad Yaasiin, gocanayaa sida uu Farmaajo ugu lisay in aanu isaga ugu lisin. Kolkii la xulayay xildhibaannada dawladda ee 2022 ayaa Fahad loo doortay xildhibaan, waase la hor istaagay, waxa uu ka sheekaynayaa wixii dhacay. Intaa kaddib, waxa uu xusayaa in uu kiiskiisa geeyay maxkamadda, Farmaajona ahaa qofkii kula taliyay. Halkaa ugama harin e, waxa uu xusay in maalmahaa ay shirar wada galeen Farmaajo iyo Baashe oo maxkamadda haysta, wuxuuna lee yahay, markii ay maxkamaddu soo saartay warqadda diidmada ah in galabtiiba ay Farmaajo iyo Baashe ay wada shirayeen oo aanay wax kulayl ah ku hayn Farmaajo. Gadaalna waxa uu ka odhanayaa, &#8220;Kiiska maxkamadda waa kiis la i galiyay oo cidda i galisayna ay tahay, cidda aanan ka filaynin in ay i galiso.&#8221; Oo haddii la fasiro noqonaysa Farmaajo. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxa uu waraysiga qaybihiisa danbe hal tabinayaa in Xasan Sheekh Maxamuud yahay qof saaxiibadii u dagaalama oo mar uu 2016 xildhibaan raadiyay uu Faarax Cabdiqaadir ooga guulaystay maadaama uu watay Xasan Sheekh, dartiisna loo bedelay xeerkii 135ta oday loogana dhigay 136 oday. Laakiin, markii 2022 uu Farmaajo joogay, aanu Farmaajo wax warqad ah u qorin isaga, xeer uu bedelo daa e, sidoo kalena kuraasta Mareexaan uu waraaqo badan ka soo saaray, wuxuuna halkaa ku muujinayaa sida Xasan saaxiibada u korsado, Farmaajona uga dido. Waxaa qaybtan laga fahmayaa sida uu Fahad isugu dhufsaday xisaabtan oo aakhirkiina ay ugu soo baxday in Farmaajo ka hiiliyay. Waxaase cajiib ah sababta uu Fahad ula socday Farmaajo illaa 2024, isaga oo gocanaya in xildhibaannimadiisii looga hiiliyay, waa su&#8217;aal la waydiiyay oo aan jawaabteedu caddayn.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kolka aad u sii fiirsato hadallada Fahad, waxaa kuu soo baxaya in uu aad u aaminsan yahay saaxiibtinimada iyo is kooxaysiga, waana mid laga akhrisan karo siyaasadihiisa. Sida hadalkiisa ka muuqatana, mana qabo uu siyaasadda in wax looga helo kelinimada oo uuna ku durayo saaxiibkiisii hore. Akhrinta guud ee lagu sameeyo siyaasadda Soomaalidana waa mid hormuud oo aanay sinnaba u sahlahayn in kursiga sare lagu gaaro iskooxaysi la&#8217;aan, waxa Fahad u dheerse waa in uu markasta xuso in la kala haro oo la kala guulaysto, saaxiibtinimada iyo wax wada dhiskana markasta la qadariyo. Waa aragti cuddoon, mase sheegi karo sida ay u aqbali karto dalalka tamarta daran sida Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Beledweyne markii Fahad u joogay doonistiisa xidhibaannimo, waxa uu sheegayaa in hal maalin la doortay lix xildhibaan oo uu ku jiro, dhammaantoodna ay wada doorteen hal ergo oo uu sheegay in ay ergadiisa ahayd, waxa uuna lee yahay, &#8220;Lixdaa xildhibaan ee aan magacyadooda kuu tiriyay, ergadaydii ayaa u coddaysay dhammaantood, ma rumaysan kartaa! Ergadaa qaldantay ma&#8217;ahan, ergadaa caddaaladdarro lagu qaybsaday ma&#8217;ahan, qabiilkii baa la dulmiyay ma&#8217;ahan, horta beesha reer Aw Xasan oo aan ka dhashay todoba xildhibaan ayaan ku lee nahay baarlamaanka[qaab kajan ah ayuu u tilmaamayaa].&#8221; Markaas ayay waydiinayaan, ma ogayd in ergadaadu codaynayso, wuxuuna dhahayaa, &#8220;Haa, waan ogaa. Aniga shaqadayda [maaha] maxaa igagalay, guddiga shaqadeeda ayay u taalaa. Guddigii dhahaysay kursigaagu caddaalad ma&#8217;ahayn, lix kursi oo ay ergadaydu u codaysay ayay ansixiyeen.&#8221; Waxaana la sii waydiinayaa, in marka ergediisu coddaynayso uu raali ka ahaa, wuxuu ku jawaabayaa, &#8220;Maya layma sheegin, mana laygala tashan. Waa baxay, ergadii baa xataa igu qabsatay oo dhahday walaalow ehelnimaan kuugu codaynaynay e waa maxay dadkaan aan naga dhalan oo nala dulsaaraayo.&#8221; Doorashadaas waxaa jirtay eedo loo haystay kooxdii doorashada iyo kuwii Fahad oo ahayd in kuraastii reeraha la boobay, lana sheegay in ciidan codeeyeen inta dhar shacab soo xirteen, hadalka Fahadna waxa uu caddayn u yahay foolxumadii dhacday, kursigiisuna uu foolxumadaa qayb ka ahaa. Waxa iyana foolxumo kale ah in aanay danayn jirin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inta waraysigu socday waxa aan ku hakaday qayb ka mid ah hadallada Fahad oo uu kaga hadlayay arrinka Laftagareen. Waxaa la su&#8217;aalayaa sababta uu Axmed Madoobe ugu hambalyayn waayay oo uu Laftagareen ugu hambalyeeyay, waxaa uuna dhahayaa, &#8220;Cabdicasiis arrintiisu waa abaal shaqsi ah oo uu aniga igu lee yahay &#8230; Laba sharcidarro ayaan mid doortay, haddii Laftagareen sharcidarro isku doortay, midda Aadan Madoobe hadda lagu dooranayona waa sharcidarro. Labada sharcidarro midda ixigta waa Cabdicasiis Laftagareen.&#8221; Kolka uu saa lee yahay waxa uu cuskanayaa taageeradii uu Laftagareen u muujiyay kolkii Fahad xildhibaanka raadsanayay, hadalkiisa waxaa si cad uga muuqata in aanu sharcidarrada sideeda u diidayn ee haddii ay timaado doorashooyinkooda uu tan u dhow xulanayo. Dhanka kale arrinka Madoobe wuxuu yidhi, &#8220;Axmed Madoobe saaxiib ma aanan ahayn maxaan ugu hambalyaynayaa, sharcidarro aanan saaxiibtinimo ku haysanin maxaan ku falaa.&#8221;<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Marar badan waxaa la xusay in Soomaaliya dayacday fursado ay kooxda Shabaab kula hadli lahayd oo xal lagu gaari lahaa, dad badan ayaana si toos ah u taageeray arrinkan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur buuggiisa Adkaysi waxa uu ku xusayaa in dawladda Xasan teeramkeedii hore ay dawladda Ingiriisku u soo bandhigtay in ay Shabaab la hadlaan iyaguna fududaynayaan wadahadallada, balse uu Madaxweyne Xasan ka meeraystay, waxa uuna aakhirkii ku tilmaamay fursad la dayacay. Si la mid ah, waxaa Fahad la waydiinayaa sidee looga adkaan karaa Shabaab adigoo khibraddaada u eegaya? Waxa uu carabka ku adkanayaa oo dhahayaa, &#8220;Laba shay oo laysku daray. In awood ahaan, militari ahaan loo diyaargaroobo, si qorshaysanna loola dagaalamo. Xalka u danbeeya ma noqonayaa? Maya wuxuu noqonayaa culays saarid. Xalka u danbeeya Al Shabaab, af buuxaan kuu lee yahay waa wadahadal.&#8221; Waxa uuna Fahad xiganayaa in daraasaadka adduunka laga sameeyay ee argagixisada ay 86% ku dhammaadeen wadahadal, halka 8% ama 6% la burburiyay oo laga adkaaday, inta soo hartayna ay iskood u baaba&#8217;een.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">la soo gaaro dhammaadka waraysiga ama wada sheekaysiga, waxa uu Fahad masraxa keenayaa arrimo lagu qiimayn karo hab fekerkiisa iyo qaab dhismeedka aragtiyihiisa siyaasadeed. Waxaa la waydiinayaa cid uu falsafaddeeda siyaasadeed kaga dayan karo, waxa uuna markaba xusayaa saddex qof. Midi waa madaxweyne hore Cabdirashiid Cali Sharmaake oo uu ku ammaanay in uu danaha dalka ka shaqayn jiray bari iyo galbeed dhankii ay ka gashona kala soo bixi jiray, sidoo kalena uu dejiyaya badi siyaasadihii lagu dhisay ciidanka, lagu qoray afka, laguna go&#8217;aamiyay kor u qaadista dhaqaalaha, ayse dawladdii askartu sii dhammaystirtay geeridiisa kaddib. Waxa kale oo uu xusayaa Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa uuna Cigaal ka soo tabinayaa odhaah uu yidhi oo uu tilmaamayo in ay siyaasadda qaabayso, &#8220;Colaad siyaasadeed tan u danbaysaa ku disha, xoolo siyaasadeedna tan u danbaysaa ku noolaysa.&#8221; Qofka saddexaad ee uu xusayo ayaa ah Maxamed Qanyare Afrax, waxa uu Maxamed ka werinayaa in la su&#8217;aalay, &#8220;Yaa siyaasadda shurko ku ah?&#8221; Uu isna ku jawaabay, &#8220;labadii maalintii isku xan ah, habeenkiina xisaabta wada xirata, baa isku shurko ah.&#8221; Maalintii wax isla xanta habeenkiina xisaabta siyaasadda waxa xirta. Haddiise aad kala qarsataan, shurko ma tihiin ayuu lee yahay. Waxa kale oo uu Qanyare ka wariyay, &#8220;Bahalka qabiilka la dhoho caqli ma leh, caadifad buu lee yahay. Caqligiisa hala hadlin e, caadifaddiisa la hadal.&#8221; Sidoo kale wuxuu ka wariyay in uu yidhi, &#8220;qabiilku waa dab xagaayo, haddii aad u dhawaato waad guban, haddii aad ka fogaatona waad dhaxamoon.&#8221; Ereyadan uu soo xishay ee Cigaal iyo Afrax, haddii aad la akhriso hadallada Fahad waxaa kuu soo baxaya wax is leh oo isku muuq ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s3\">W\/Q: Axmed Sanwilwilo<\/span><\/strong><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxa aan shalay galab dhagaystay wada sheekaysi dheer oo ay Cabdinuur iyo Kaar la yeesheen Fahad Yaasiin. Fahad oo soo noqday agaasimaha hay&#8217;adda sirdoonka NISA ayaa waraysigan kaga waramay arrimo badan oo isku lifaaqan. Waxa uu ka hadlay shakhsiyaddiisa, habdhaqankiisa, siyaasadihii ku gedaamnaa muddadii uu siyaasadda ku jiray iyo dhacdooyin caan baxay oo laga xusi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010723,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010722","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010722","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010722"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010722\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010731,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010722\/revisions\/1000010731"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010723"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010722"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010722"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010722"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}