{"id":1000010716,"date":"2026-05-16T11:06:19","date_gmt":"2026-05-16T11:06:19","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010716"},"modified":"2026-05-16T11:18:30","modified_gmt":"2026-05-16T11:18:30","slug":"%f0%9d%91%be%f0%9d%92%82%f0%9d%92%82-%f0%9d%91%b4%f0%9d%92%82%f0%9d%92%99%f0%9d%92%82%f0%9d%92%9a-%f0%9d%91%af%f0%9d%92%82%f0%9d%92%8f%f0%9d%92%95%f0%9d%92%82%f0%9d%91%bd%f0%9d%92%8a%f0%9d%92%93","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/05\/16\/%f0%9d%91%be%f0%9d%92%82%f0%9d%92%82-%f0%9d%91%b4%f0%9d%92%82%f0%9d%92%99%f0%9d%92%82%f0%9d%92%9a-%f0%9d%91%af%f0%9d%92%82%f0%9d%92%8f%f0%9d%92%95%f0%9d%92%82%f0%9d%91%bd%f0%9d%92%8a%f0%9d%92%93\/","title":{"rendered":"\ud835\udc7e\ud835\udc82\ud835\udc82 \ud835\udc74\ud835\udc82\ud835\udc99\ud835\udc82\ud835\udc9a \ud835\udc6f\ud835\udc82\ud835\udc8f\ud835\udc95\ud835\udc82\ud835\udc7d\ud835\udc8a\ud835\udc93\ud835\udc96\ud835\udc94?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Hantavirus waa fayras halis ah oo ka tirsan qoyska Hantaviridae, kaas oo caadiyan ku dhex nool jiirka iyo xayawaanka yaryar. Xanuunkan markii ugu horreysay waxaa si weyn loo aqoonsaday xilligii Dagaalkii Kuuriya horraantii 1950-meeyadii, markaas oo kumanaan askari ay Qaadeen qandho iyo dhiig-bax, waxaana magaca looga soo qaatay webiga Hantan ee Kuuriyada Koonfureed.<br \/>\nBani&#8217;aadanku waxay xanuunkan ka qaadaan jiirka, isagoo ku keena laba xaaladood oo aad u daran; nooca koowaad oo weerara sambabada oo keena neef-qabatin degdeg ah kaas oo loo yaqaaan (\ud835\ude43\ud835\ude56\ud835\ude63\ud835\ude69\ud835\ude56\ud835\ude6b\ud835\ude5e\ud835\ude67\ud835\ude6a\ud835\ude68 \ud835\ude4b\ud835\ude6a\ud835\ude61\ud835\ude62\ud835\ude64\ud835\ude63\ud835\ude56\ud835\ude67\ud835\ude6e \ud835\ude4e\ud835\ude6e\ud835\ude63\ud835\ude59\ud835\ude67\ud835\ude64\ud835\ude62\ud835\ude5a \ud835\ude43\ud835\ude4b\ud835\ude4e), iyo nooca labaad ee saameeya kelyaha oo keena fashil ku yimaada shaqada kelyaha iyo dhiig-bax gudaha ah noocaas oo loo yaqaan (\ud835\ude43\ud835\ude5a\ud835\ude62\ud835\ude64\ud835\ude67\ud835\ude67\ud835\ude5d\ud835\ude56\ud835\ude5c\ud835\ude5e\ud835\ude58 \ud835\ude41\ud835\ude5a\ud835\ude6b\ud835\ude5a\ud835\ude67 \ud835\ude6c\ud835\ude5e\ud835\ude69\ud835\ude5d \ud835\ude4d\ud835\ude5a\ud835\ude63\ud835\ude56\ud835\ude61 \ud835\ude4e\ud835\ude6e\ud835\ude63\ud835\ude59\ud835\ude67\ud835\ude64\ud835\ude62\ud835\ude5a \ud835\ude43\ud835\ude41\ud835\ude4d\ud835\ude4e).<\/p>\n<p>\ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc2e \ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc2d\ud835\udc28 \ud835\udc31\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc2e\ud835\udc2e\ud835\udc27\ud835\udc24\ud835\udc1a?<br \/>\nCalaamadaha Hantavirus waxay caadiyan soo baxaan laba ilaa afar toddobaad ka dib marka qofku la kulmo wasakhda jiirka, waxaana lagu gartaa bilowga hore xummad aad u sarreysa, madax-xanuun daran, iyo muruq-xanuun ku baaha dhabarka iyo lugaha.<br \/>\nWaxaa kale oo dhici karta in qofku dareemo lallabo, matag, iyo calool-xanuun, taas oo inta badan keenta in xanuunka lagu khaldo hargabka caadiga ah.<br \/>\nMarka uu cudurku gudaha u galo wejiga labaad, qofku wuxuu bilaabaa neef-qabatin degdeg ah, qufac daran, iyo dareen ah sidii in xabadka wax looga cadaadinayo, maadaama sambabada ay ka buuxsamayaan dareere.<\/p>\n<p>\ud835\udc12\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc2e\ud835\udc2e \ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc28?<br \/>\nMaanta, Hantavirus wuxuu ku fidsan yahay qaarado badan, iyadoo nooca sambabada (Hantavirus Pulmonary Syndrome) (HPS) inta badan laga helo dalalka dhaca Qaarada Ameerika sida Mareykanka, Kanada, iyo dalalka koonfurta Ameerika sida Argentina iyo Chile.<br \/>\nNooca kelyaha saameeya (Hemorrhagic Fever with Renal Syndrome) (HFRS) ayaa isna ku badan dalalka Aasiya sida Shiinaha iyo Kuuriya, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Yurub iyo Ruushka.<br \/>\nIn kasta oo xanuunkani uusan weli u fidin si musiibo caalami ah (Outbreak), haddana saamayntiisu waa mid dilaa ah;<br \/>\nBoqoleyda geerida ee nooca sambabada (HPS) waxay gaartaa ilaa 38% ilaa 40%, taas oo macnaheedu yahay in ku dhowaad boqolkii qof oo kasta oo uu ku dhaco ay u dhiman karaan qiyaas u dhow 40 qof, haddii aan daryeel degdeg ah la siin.<\/p>\n<p>\ud835\udc12\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc2e\ud835\udc2e \ud835\udc24\ud835\udc2e \ud835\udc20\ud835\udc2e\ud835\udc1d\ud835\udc1b\ud835\udc28?<br \/>\nFayraska Hantavirus wuxuu bini-aadamka ugu gudbaa taabashada ama neefsashada haraaga jiirka (kaadida, saxarada, iyo candhuufta) iyo mararka qaarkood qaniinyadooda.<br \/>\nInkastoo gudbinta uu qof u gudbin karo qof kale ay tahay arrin aad u dhif ah, haddana waxay si rasmi ah uga dhacdaa oo keliya nooca Andes virus ee qaaradda Ameerika, taasoo ka dhalata xiriir dhow oo muddo dheer ah, gaar ahaan xubnaha qoyska dhexdooda inta lagu jiro marxaladda hore ee xanuunka.<\/p>\n<p>\ud835\udc12\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc25\ud835\udc28\ud835\udc28\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc21\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc28?<br \/>\nMaadaama aysan jirin daawa rasmi ah iyo Tallaal lagu kalsoonaan karo, ka hortaggu waa muhiimadda koowaad ee badbaadada nolosha.<br \/>\nWaxaa lagama maarmaan ah in la xidho ama la daboolo dhammaan daloolada yar-yar ee jiirku ka soo geli karo guryaha ama bakhaarada cuntada lagu kaydiyo.<br \/>\nMarka la nadiifinayo meelaha uu jiirku ku batay, waa in aan marnaba la xaadhin ama aan la isticmaalin xaaqin Qalalan si aanu Boodh uga kicin taas beddelkeeda waa in la isticmaalo biyo jeermis-dile leh si meesha loo Qooyo ka hor nadiifinta. Isticmaalka maaskarada wejiga iyo gacmo-gashiga ayaa sidoo kale qayb weyn ka qaata ilaalinta neefsashada iyo taabashada wasakhda.<\/p>\n<p>\ud835\udc12\ud835\udc22\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc32\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc1a \ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc30\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc32\ud835\udc28?<br \/>\nWeli ma jirto dawo gaar ah oo lagu dilo fayraska Hantavirus, balse daaweyntu waxay ku salaysan tahay in qofka la siiyo taageero caafimaad oo xooggan inta uu jidhku la dagaallamayo xanuunka. Tani waxay u baahan tahay in qofka degdeg loogu jiifiyo qaybta xaaladda degdegga ah ee isbitaalka si loola socdo shaqada sambabada iyo kelyaha. Haddii qofku isku arko neef-qabatin, waxaa lagu caawiyaa mashiinka neefsiga iyo oksiijin dheeri ah, iyadoo sidoo kale la siiyo dareere xoojiya cadaadiska dhiigga. Fursadda badbaadadu waxay aad u sarreysaa marka qofka loola tacaalo saacadaha ugu horreeya ee uu dareemo astaamaha xanuunka.<\/p>\n<p>FG: maqaalkeena kan xiga waxaan kaga hadli doona halka uu marayo xanuunka ka dilaacay Markabka Dalxiis ee loo yaqaan MV Hondius, kaas oo dadkii saarna 8 qof oo kamid ah laga helay Xanunkan weliba halka nooc ee ku fidi kara qof-ilaa-qof ee \ud835\ude3c\ud835\ude63\ud835\ude59\ud835\ude5a\ud835\ude68 \ud835\ude51\ud835\ude5e\ud835\ude67\ud835\ude6a\ud835\ude68. iyada oo dhimashada la xaqiijiyey ay ilaa hadda tahay saddex qof.<\/p>\n<p><strong>Abdisalam Kalluun, MBBS, MPH. Waa xiradle caafimaad oo ka hawlgala Muqdisho.<\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hantavirus waa fayras halis ah oo ka tirsan qoyska Hantaviridae, kaas oo caadiyan ku dhex nool jiirka iyo xayawaanka yaryar. Xanuunkan markii ugu horreysay waxaa si weyn loo aqoonsaday xilligii Dagaalkii Kuuriya horraantii 1950-meeyadii, markaas oo kumanaan askari ay Qaadeen qandho iyo dhiig-bax, waxaana magaca looga soo qaatay webiga Hantan ee Kuuriyada Koonfureed. Bani&#8217;aadanku waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010719,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010716","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010716","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010716"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010716\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010720,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010716\/revisions\/1000010720"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010719"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}