{"id":1000010699,"date":"2026-05-03T11:24:34","date_gmt":"2026-05-03T11:24:34","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010699"},"modified":"2026-05-03T11:24:34","modified_gmt":"2026-05-03T11:24:34","slug":"maxaa-loo-gaajaysiinayaa-sacdiya-macallin-xadhig-gaajo-iyo-caddaalad-darro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/05\/03\/maxaa-loo-gaajaysiinayaa-sacdiya-macallin-xadhig-gaajo-iyo-caddaalad-darro\/","title":{"rendered":"Maxaa loo gaajaysiinayaa Sacdiya Macallin? Xadhig, Gaajo iyo Caddaalad-darro !!!"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>In ka badan 20 maalmood waxaa magaalada Muqdisho ku xidhan Sacdiya Macallin Cali (Bajaaj), oo ah gabadh dhalinyaro ah oo xoogsato ah. Xadhigga Sacdiya ayaa yimid kaddib markii ay baahisay muuqaallo ay ku naqdinayso hab-maamulka dawladda dhexe iyo tan hoose ee Muqdisho. Waa markii labaad oo xabsiga la dhigo Sacdiyo Bajaaj, waxayna eersatay hadal.<\/p>\n<p><strong>War iyo Wacaal la\u2019aan ay weheliyaan Gaajaysiin iyo Hanjabaad<\/strong><\/p>\n<p>Tan iyo 12-kii bishii Abriil, markii xabsiga la dhigay, xaaladda Sacdiya ma lahayn wax daah-furnaan ah. Waxay ku xidhan tahay xabsiga dambiyada culus ee Muqdisho ee loo yaqaanno Gaalshire. Toddobadii maalmood ee ugu horreeyay markii ay xabsiga ku jirtay, Sacdiya oo la hadashay Warbaahinta Shabeelle ayaa sheegtay inay la dhibtoonayso tacaddi iyo hanjabaado ka dhan ah dumarnimadeeda.<\/p>\n<p>Sacdiya oo si qiiro leh u hadlaysay ayaa sheegtay in loo gaajaysiiyay si ku talogal ah, iyadoo aan wax cunto ah helin muddo afar maalmood ah. Iyadoo ilmaynaysa ayay cod hoose ku tidhi: &#8220;Madaxweyne waa ku baryayaa, cunto isii&#8230; ilmahaaga oo kale ayaan ahay.&#8221; Hadalkan ayaa abuuray caloolyow iyo walwal xooggan oo laga qabo xaaladdeeda caafimaad iyo midda nafsiga ah.<\/p>\n<p><strong>Ra\u2019iisa iyo Sannad-guuro Murugo leh<\/strong><\/p>\n<p>1-dii bishan May, waxaa bogga Facebook ee Sacdiya lagu baahiyay inay ku beegan tahay maalintii ay noqotay hooyo, ayna ku curatay gabadheeda Ra\u2019iisa. Waa murugo weyn in hooyo dhalinyaro ah ay awoodi waydo inay koriso ama farxadda la qaadato curaddeeda, iyadoo xabsiga ugu jirta fikirkeeda darteed. Ra\u2019iisa yar ma garanayso halka ay hooyadeed ku maqan tahay iyo sababta ay xorriyaddeeda u weyday.<\/p>\n<p><strong>Goormay soo baxaysaa Sacdiya?<\/strong><\/p>\n<p>Inkasta oo ay jiraan baaqyo ka imanaya bulshada, hay\u2019adaha xuquuqda aadanaha, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, haddana Sacdiya waxay xabsiga ku jirtaa toddobaadkii afraad. Waxaa isweydiin mudan:<\/p>\n<ul>\n<li>Xaq ma ahaa xadhigeedu?<\/li>\n<li>Yaa amray, maxkamadse ma la geeyay?<\/li>\n<li>Mase jiraa dembi lagu helay?<\/li>\n<\/ul>\n<p>Su\u2019aalahaas weli jawaab looma hayo. Waxay u muuqataa in xorriyaddeedu ay ku xidhan tahay rabitaanka shakhsigii soo xidhay.<\/p>\n<p><strong>Garsoorka iyo Xuquuqda Aadanaha<\/strong><\/p>\n<p>Soomaaliya waa dal leh dastuur difaacaya xorriyadda hadalka, balse dhaqan-galkiisu waa mid liita, taas oo keenta in dalku sannad kasta safka hore kaga jiro liiska dalalka ku tacadiya xuquuqda aadanaha. Hay\u2019adda dhawrista Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ee dhawaan la dhisay ayaa weli ka aamusan kiiskan, waxaana loogu baaqayaa inay u istaagaan mas&#8217;uuliyadda ka saaran muwaadiniinta sida Sacdiya oo kale ee lagu gaajaysiinayo xabsiga dhexdiisa iyaga oo sababta loo xabisay aan la aqoon.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>In ka badan 20 maalmood waxaa magaalada Muqdisho ku xidhan Sacdiya Macallin Cali (Bajaaj), oo ah gabadh dhalinyaro ah oo xoogsato ah. Xadhigga Sacdiya ayaa yimid kaddib markii ay baahisay muuqaallo ay ku naqdinayso hab-maamulka dawladda dhexe iyo tan hoose ee Muqdisho. Waa markii labaad oo xabsiga la dhigo Sacdiyo Bajaaj, waxayna eersatay hadal. War [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010701,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,27,21,30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010699","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida","8":"category-aragtiyada","9":"category-diblomaasiyadda","10":"category-juqraafi-siyaasadeedka","11":"category-warar","12":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010699","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010699"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010699\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010702,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010699\/revisions\/1000010702"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010701"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010699"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010699"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010699"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}