{"id":1000010696,"date":"2026-05-03T09:37:54","date_gmt":"2026-05-03T09:37:54","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010696"},"modified":"2026-05-03T09:37:54","modified_gmt":"2026-05-03T09:37:54","slug":"ina-jicinbir-wuxu-yidhi-by-maxamuud-cali-hoorri","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/05\/03\/ina-jicinbir-wuxu-yidhi-by-maxamuud-cali-hoorri\/","title":{"rendered":"INA JICINBIR WUXU YIDHI-BY MAXAMUUD CALI HOORRI"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Ina Jicinbir wuxu yidhi;<\/p>\n<p>Shacabkii i doortiyo<\/p>\n<p>Dadweynihi i aaminey<\/p>\n<p>Ii lulay caleemaha<\/p>\n<p>Iyagoon i garanayn<\/p>\n<p>Uslid baa ku sarakacay<\/p>\n<p>Waa aayahoodee<\/p>\n<p>Haddii ay asqoobeen<\/p>\n<p>Omos iyo harraad jaray<\/p>\n<p>Agmar oo iskaga durug<\/p>\n<p>Aguug oo xabaal geli<\/p>\n<p>Miyaan eed ku leeyahay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Afba hadal ha daayee<\/p>\n<p>Aakhiro ha joogtee<\/p>\n<p>Usarkaan dhex jiifiyo<\/p>\n<p>Umalkiyo awaaruhu<\/p>\n<p>Waa alalaskaygiyo<\/p>\n<p>Ayaantaan farxaayiyo<\/p>\n<p>Aroos kayga weeyaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ina Jicinbir wuxu yidhi;<\/p>\n<p>Sidaad ii ogayd iyo<\/p>\n<p>Aqbal keenimaayoo<\/p>\n<p>Arrin waa sidii hore<\/p>\n<p>Weli aaran doogliyo<\/p>\n<p>Ugbaad iyo barwaaqaba<\/p>\n<p>Indhahaygu ma arkaan<\/p>\n<p>Uubtii qurmuunkiyo<\/p>\n<p>Arladii madoobayd<\/p>\n<p>Ayaan weli ag jiifaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Anshax ma leh wareegtadu<\/p>\n<p>Aqoon ma leh qabbaanadu<\/p>\n<p>Dhegahaygu waa agam<\/p>\n<p>Indhahaygu waa amag<\/p>\n<p>Uurkaygu waa adam<\/p>\n<p>Hammigaygu waa agas<\/p>\n<p>Farxaddaydu waa axan<\/p>\n<p>Amarkaygu waa keen<\/p>\n<p>Arxan waa ka dheerahay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sada uu Afyuub qabo<\/p>\n<p>Agoorkii irmaan qala<\/p>\n<p>Afartiyo candhada jara<\/p>\n<p>Ka halggaad ameelkiyo<\/p>\n<p>Aagaanta saabka leh<\/p>\n<p>Amaanadii cuslayd iyo<\/p>\n<p>Dhaartii Ilaahay<\/p>\n<p>Allog iyo qaraaboy<\/p>\n<p>Idiinkaa dareensane<\/p>\n<p>Waxba iima urayaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ina Jicinbir wuxu yidhi;<\/p>\n<p>Ninkii ugubinaayow<\/p>\n<p>Osol daaye Idihii!<\/p>\n<p>Edeg wiil u ootow<\/p>\n<p>Ma orgootu garadii!<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Weli eeba dheeroow<\/p>\n<p>Dameeruhu aroorrada<\/p>\n<p>Ubbo kuuma geeyaan!<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Afar-midable xoogliyo<\/p>\n<p>Ashkir janan ku joogow<\/p>\n<p>Ma afjaaqdo geenyadu<\/p>\n<p>Qaajuhu agliil ma leh!<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waa abasax qaalmuhu<\/p>\n<p>Awrkaan ku darayaa<\/p>\n<p>Abris buu la jaal yahay<\/p>\n<p>Abuur buu firdhinayaa<\/p>\n<p>Aramida ka buuxduu<\/p>\n<p>Ayrada ku gubayaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waa aguugan xaajadu<\/p>\n<p>Igar uma salaaxoo<\/p>\n<p>Afar-foolle gabanaa<\/p>\n<p>Oohin igu gelbinayee<\/p>\n<p>Ibaha iyo naasuhu<\/p>\n<p>Ibriiq iima dhiiqaan<\/p>\n<p>Oontuna qaraar ma leh<\/p>\n<p>Waxna iima urayaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Erey waxuu ka joogaa<\/p>\n<p>Waa ishaaradaydee<\/p>\n<p><strong>Ma anaa aqoonyahan<\/strong>?<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ayaan toosi maayee<\/p>\n<p><strong>Ma adaa awaal tiris?<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Eregsigu ma fiicnee<\/p>\n<p><strong>Kumaa aabbii diley? <\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Isir kama koraayee<\/p>\n<p><strong>Ayeydii kumaa garan?<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Arjigaygi koowaad<\/p>\n<p><strong>kumaa helay adoogii? <\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dhirtu aah ma daysee<\/p>\n<p><strong>Ma afaysay godonkii?<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Adduun alamsi weeyee<\/p>\n<p><strong>Aleelaha ma gurateen?<\/strong><\/p>\n<p>Maansada\u00a0<em>Ina Jicinbir wuxuu yidhi waxaa curriyay Maxamuud Cali Aadan Hoori, Juun, 2024.<\/em><\/p>\n<p><strong> Maxamuud Cali Aadan Hoorri waa cilmibaare, qoraa iyo xeeldheere ogaal u leh afka,dhaqanka, fanka, hiddaha iyo \u00a0suugaanta.<\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ina Jicinbir wuxu yidhi; Shacabkii i doortiyo Dadweynihi i aaminey Ii lulay caleemaha Iyagoon i garanayn Uslid baa ku sarakacay Waa aayahoodee Haddii ay asqoobeen Omos iyo harraad jaray Agmar oo iskaga durug Aguug oo xabaal geli Miyaan eed ku leeyahay. &nbsp; Afba hadal ha daayee Aakhiro ha joogtee Usarkaan dhex jiifiyo Umalkiyo awaaruhu Waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010697,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,27,21,30,23],"tags":[],"class_list":["post-1000010696","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtida","category-aragtiyada","category-diblomaasiyadda","category-juqraafi-siyaasadeedka","category-warar","category-warbixinno-gaar-ah"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010696","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010696"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010696\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010698,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010696\/revisions\/1000010698"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010697"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010696"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010696"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010696"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}