{"id":1000010662,"date":"2026-04-15T12:40:22","date_gmt":"2026-04-15T12:40:22","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010662"},"modified":"2026-04-15T12:45:08","modified_gmt":"2026-04-15T12:45:08","slug":"mawqifka-golaha-mustaqbalka-kama-qaybgalayno-doorasho-ay-gacanta-ku-hayaan-madaxda-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/04\/15\/mawqifka-golaha-mustaqbalka-kama-qaybgalayno-doorasho-ay-gacanta-ku-hayaan-madaxda-dowlad-goboleedyada\/","title":{"rendered":"Mawqifka Golaha Mustaqbalka: Kama Qaybgalayno Doorasho ay Gacanta ku Hayaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Tan iyo aasaaskii Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya sannadkii 2000, dalku waxa uu la dhibtoonayay hirgelinta nidaam siyaasadeed iyo doorasho heshiis lagu yahay. Dhammaadka muddo-xileed kasta oo Madaxweyne, waxaa soo kordha khilaaf dalka gaarsiiya gacan-ka-hadal, kaas oo mararka qaar qarka u saara inay meesha ka baxdo dowladnimada curdinka ah ee lagu soo tabcay.<\/p>\n<p>In ka yar bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku eg 15-ka May 2026, weli ma muuqdo hannaan la isku raacsan yahay oo dalka looga gudbinayo kalaguurka siyaasadeed.<\/p>\n<p>Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah dalladda mucaaradka ee ugu weyn dalka, ayaa u sheegay Somali Stream inaysan aqbali doonin inuu dalka galo firaaq dastuuri ah, iyagoo sidoo kale gaashaanka ku dhuftay doorasho dadban oo ay Dowlad Goboleedyadu talada leeyihiin ama mid ay dowladda dhexe keligeed maamusho.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Murashax Madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble oo la hadlay Podcast-ka Geedfadhi ee ka baxa (Somali Stream iyo KAARtalk), ayaa xaqiijiyay inay Golaha Mustaqbalka ahaan isku raaceen inaysan ka shaqayn doonin doorasho dadban oo la mid ah tii sannadkii 2022. Doorashadaas oo ay awoodda lahaayeen Maamul-Goboleedyada ayaa si weyn looga diidsan yahay, iyadoo ay hadda wajahayso diidmo aan kala sooc lahayn oo kaga imaanaysa shacabka iyo siyaasiyiintaba.<\/p>\n<p>Waxaa uu sheegay in ka Gole Mustaqbal ahaan oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland ay diyaariyeen iskuna raaceen nooc doorasho oo aan ahayn mid Dowlad Goboleedyadu awoodda leeyihiin.<\/p>\n<p>Si taa la mid ah, nidaamka doorashada &#8220;Qof iyo Cod&#8221; ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaan iyaduna haysan aqbalaad bulsho, heshiis sharci, iyo ogolaansho siyaasadeed oo loo dhan yahay.<\/p>\n<p>Jiritaanka labadan diidmo ee is-diiddan ayaa dalka gelinaya shaki weyn, iyadoo aan la saadaalin karin suuraggalnimada in la isku raaco nooc doorasho oo rasmi ah ka hor inta uusan dhammaan muddo-xileedka dastuutiga ah ee dowladda.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo aasaaskii Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya sannadkii 2000, dalku waxa uu la dhibtoonayay hirgelinta nidaam siyaasadeed iyo doorasho heshiis lagu yahay. Dhammaadka muddo-xileed kasta oo Madaxweyne, waxaa soo kordha khilaaf dalka gaarsiiya gacan-ka-hadal, kaas oo mararka qaar qarka u saara inay meesha ka baxdo dowladnimada curdinka ah ee lagu soo tabcay. In ka yar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010664,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010662","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-warar","8":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010662","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010662"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010662\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010663,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010662\/revisions\/1000010663"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010664"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010662"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010662"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010662"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}