{"id":1000010592,"date":"2026-03-19T12:15:15","date_gmt":"2026-03-19T12:15:15","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010592"},"modified":"2026-03-19T12:15:15","modified_gmt":"2026-03-19T12:15:15","slug":"xiriirka-xasan-sheekh-iyo-abiy-axmed-oo-goan-iyo-xog-khaldan-oo-uu-ku-dagaal-galay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/03\/19\/xiriirka-xasan-sheekh-iyo-abiy-axmed-oo-goan-iyo-xog-khaldan-oo-uu-ku-dagaal-galay\/","title":{"rendered":"Xiriirka Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo Go\u2019an iyo Xog Khaldan oo uu ku Dagaal Galay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Xaaladda siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, si gaar ah weerarka ay Dowladda Soomaliya ku doonayso la wareegista talada iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa si wayn u saameeyay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.<\/p>\n<p>War sugan oo aan ka helnay ilo wareedyada ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay jiritaanka caqabad dhanka xiriirka ah oo soo dhex gashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Calii. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu awoodi waayay inuu xiriir la sameeyo hoggaanka Itoobiya si looga wada hadlo xaaladda cakiran ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>Ilo la isku hallayn karo ayaa noo sheegay in Xafiiska Abiy Axmed uu ku wargaliyay Madaxtooyada Soomaaliya in Raysal Wasaaruhu uu ku maqan yaha deegaannada ay saameeyeen daadadkii ka dhacay Koonfurta Itoobiya. Daqiiqado keddib Villa Soomaaliya ayaa dirtay dhambaal tacsi ah oo ku socda Raysal Wasaaraha iyo shacabka Itoobiya. Hase yeeshee, wicitaankii iyo warsaxaafadeedkii midna loogama soo jawaabin Villa Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kooxda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saddexdii maalmood ee tagtay sameeyy deddaal badan si ay u helaan xiriirka xafiiska Abiy, balse waa ku guul daraysteen. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baraarugay goor danbe inuu khalad siyaasadeed ku dhacay, kaddib markii uu dagaal uusan u hub urursan ku qaaday Cabdicasiis Laftagareen.<\/p>\n<p>Sida aan xogta ku helnay, Madaxweynaha ayaa ku tashanayay taageerada hoggaanka Itoobiya markii uu dagaalka ula badheedhay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, balse natiijada uu helay bilowga dagaalka ayaa ku noqotay filanwaa, kuna dhacay god siyaasadeed oo ay u qodeen saaxiibadiis gaar ah.<\/p>\n<p><strong>Sidee wax u dhaceen?<\/strong><\/p>\n<p>Sida aan ka xaqiijinay saraakiisha nala hadashay Madaxweyne Xasan ayaa Ku go\u2019aan qaatay xog khaldan oo siiyay masuul sare oo uu ku kalsoon yahay.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa timid ka dib markii masuul aad loo aaminsan yahay uu Madaxweynaha siiyay macluumaad khaldan oo ku saabsan mowqifka Itoobiya ee arrimaha gudaha Soomaaliya. Masuulkan oo xil sare ka haya Dowladda ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u xaqiijiyay in Addis Ababa ay taageeri doonto dedaallada xilka looga tuurayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Balse, Madaxweynaha ayaa markii dambe ogaaday in mas\u2019uuliyiinta Itoobiya aysan ka jawaabeyn xiriirradiisa. Villa Soomaaliya ayaa ku jirta sahwi siyaasadeed oo ay ka qaaday waayista xiriirka qasriga Araat Kiilo.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in cadaadis uga yimid dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh lagu hor istaagay safar uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Adan Madoobe, ku tagi lahaa magaalada Baydhabo. Inkasta oo warkaas uu jiro, haddana xafiiska Guddoomiyaha ayaa iska fogeeyay inuu jiray safar horay loo qorsheeyay oo la baajiyay.<\/p>\n<p>Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa iyadoo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM (ATMIS) ee ku sugan Baydhabo ay muujiyeen inay dhex-dhexaad ka yihiin loolanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, iyagoo caddeeyay inay ka fogaanayaan faragelin kasta oo la xiriirta khilaafaadkaas.<\/p>\n<p>Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, ayaa bartiisa Facebook ku baahiyay eedeyn ka dhan ah Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Mursal ayaa sheegay in diyaarad qaas ah oo siday xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Koonfur Galbeed laga hor istaagay inay degto, dibna loo soo celiyay, isagoo ku eedeeyay hay\u2019adda inay khatar gelisay nolosha rakaabka. Warkan waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah dadkii saarnaa diyaaraddaas oo aan ula xiriirnay baaritaanka warkan.<\/p>\n<p>Sikastaba Madaxweynaha Soomaaliaya ayaa hadda dhexda uga jira qaadashada go\u2019aano aanu farxad ku dareemayn, waxaana uu raadis ugu jiraa helista jid uu uga baxo.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaaladda siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, si gaar ah weerarka ay Dowladda Soomaliya ku doonayso la wareegista talada iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa si wayn u saameeyay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. War sugan oo aan ka helnay ilo wareedyada ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay jiritaanka caqabad dhanka xiriirka ah oo soo dhex gashay Madaxweyne Xasan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010593,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010592","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010592","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010592"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010592\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010594,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010592\/revisions\/1000010594"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010593"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010592"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010592"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010592"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}