{"id":1000010556,"date":"2026-03-06T16:44:45","date_gmt":"2026-03-06T16:44:45","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010556"},"modified":"2026-03-06T16:44:45","modified_gmt":"2026-03-06T16:44:45","slug":"magdhowga-iyo-masuuliyadda-fahan-kooban-oo-xeerka-tort-ka-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/03\/06\/magdhowga-iyo-masuuliyadda-fahan-kooban-oo-xeerka-tort-ka-ah\/","title":{"rendered":"MAGDHOWGA IYO MASUULIYADDA: FAHAN KOOBAN OO XEERKA TORT-KA AH"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"s2\">Tan iyo markii ay jirtay bulsho wada deggan, waxaa jiray xeerar lagu kala baxo marka dhib dhaco.<br \/>\nSoomaalidu waxay soo jireen u lahayd xeerka dhaqanka (sida magta iyo xaal-marinta), dunida reer galbeedkuna waxay horumarisay nidaamka loo yaqaan Tort Law (Xeerka Khaladka Madaniga ah).<\/p>\n<p class=\"s2\">In kasta oo magacyadu kala duwan yihiin, ujeedadu waa isku mid oo ah in la xaqiijiyo in qofka dhibka geystay uu magdhawo qofka dhibka uu gaarsiiyay.<\/p>\n<p class=\"s2\">Si guud &#8220;Tort&#8221;-ka, qeexitaankiisa rasmiga ah waa khalad madani ah, oo aan dambi ciqaabeed ahayn (Criminal Law), kaas oo uu sharcigu u dejiyay xaal-marin ama magdhow (Remedy).<\/p>\n<p class=\"s2\">Marka la barbar-dhigo shaqada booliska, Tort-ku ma ahan sharciga dadka xabsiga u dira, ee waa kan dadka jeebka ka taabta si looga gudo dhibka ay geysteen. Haddii qof uu xoolahaaga daaq u soo geliyo adigoon oggolayn, ama uu si dadban u dhaawaco sumcadda qoyskaaga, ama uu dayacaad ku waxyeelleeyo jidhkaaga, sharcigani wuxuu kuu oggolaanayaa inaad dalbato magdhow (Damages). Xeerka aad la tiigsanayso markaas waa tort law.<\/p>\n<p class=\"s2\">Qodobada u waaweyn ee Tort-ka waxaa kamid ah dayacaadda (Negligence) In kasta oo aynu nahay bulsho aaminsan qadarta Alle, sharciga caalamiga ahi wuxuu ina barayaa in dayacaaddu ay tahay mas&#8217;uuliyad qofka saaran.<\/p>\n<p class=\"s2\">Darawalka kaxaynaya gaariga dadweynaha, dhakhtarka gacanta ku haya bukaanka, iyo xataa qofka dhisaya guri magaalada dhexdeeda ah, dhammaantood waxaa saaran waajibaad taxadar ah (Duty of Care).<\/p>\n<p class=\"s2\">Haddii laga gaabiyo taxadarkii laga sugayay ee uu dhib dhaco, sharcigu wuxuu leeyahay: &#8220;Maadaama aad ka gaabisay xilkii ku saarnaa (Breach of Duty), waa inaad adigu xambaarataa khasaaraha.&#8221;<\/p>\n<p class=\"s2\">Dhinaca kale, dhaqanka Soomaalidu wuxuu aad u qiimeeyaa sharafta iyo sumcadda (Reputation). Sharciga Tort-ka ee caalamiga ahna qayb dhan ayaa looga gooyay arrintan oo loo yaqaan sumcad-dil (Defamation).<\/p>\n<p class=\"s2\">Haddii qof uu war been ah ka faafiyo \u00a0ganacsigaaga ama shakhsiyaddaada, sharcigu wuxuu kuu oggolaanayaa inaad maxkamad geyso si uu u soo celiyo sumcaddaadii, isla markaana u bixiyo magdhow ku aaddan dhibka uu magacaaga u geystay.<\/p>\n<p class=\"s2\">Sidoo kale, (Privacy) ama sirta xeerkaan meel fog ayaa uu ka taaganayahay; qofna xaq u ma laha inuu sirtaada ama macluumaadkaaga gaarka ah u adeegsado si khaldan. Haddii kale waxaa qabanaya xeerkaan.<\/p>\n<p class=\"s2\">Xeerkaan wuxuu kale oo xusaa mas&#8217;uuliyadda loo-shaqeeyaha (The Employer&#8217;s Burden).<br \/>\nSida xeerka Soomaalida ee ah in beeshu ama qoysku ay mas&#8217;uul ka yihiin dhibka ninkoodu geysto, sharciga caalamiga ah ee Tort-ka waxaa ku jira wax loo yaqaan Vicarious Liability.<\/p>\n<p class=\"s2\">Tani waxay ka dhigantahay in haddii shaqaale shirkad ka tirsan uu dhib geysto isagoo shaqada ku jira, shirkadda laga rabo magdhowga, Waxaa loo adeegsadaa in dhibanuhu helo caddaalad iyo lacag maadaama shaqabixiyuhu uu leeyahay awood dhaqaale iyo caymis ka sarreeya kan shaqaalaha.<\/p>\n<p class=\"s2\">Ugu dambeyntii, ujeedada magdhowgu ma ahan in qofka dhibka geystay la ciqaabo, balse waa in dhibbanaha xaaladdiisa lagu soo celiyo halkii ay joogtay.<\/p>\n<p class=\"s2\">Waxaa halkan lagu xisaabiyaa khasaaraha muuqda sida qiimaha daawada iyo hantida jabsantay, iyo khasaaraha dareenka sida naxdinta maskaxda iyo xanuunka jidhka. Sharciga Tort-ku wuxuu ina baraya inaanay jirin xuquuq bilaa mas&#8217;uuliyad ah.<\/p>\n<p class=\"s2\">Haddii aad tahay ganacsade, darawal, ama muwaadin caadi ah, ogaanshaha xeerkan wuxuu kuu dammaanad-qaadayaa badbaadada xuquuqdaada, wuxuuna kugu dhiirigelinayaa inaad ka taxadarto xaquuqda dadka kale.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo markii ay jirtay bulsho wada deggan, waxaa jiray xeerar lagu kala baxo marka dhib dhaco. Soomaalidu waxay soo jireen u lahayd xeerka dhaqanka (sida magta iyo xaal-marinta), dunida reer galbeedkuna waxay horumarisay nidaamka loo yaqaan Tort Law (Xeerka Khaladka Madaniga ah). In kasta oo magacyadu kala duwan yihiin, ujeedadu waa isku mid oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010557,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010556","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010556"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010558,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010556\/revisions\/1000010558"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010557"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}