{"id":1000010552,"date":"2026-03-05T19:32:10","date_gmt":"2026-03-05T19:32:10","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010552"},"modified":"2026-03-05T19:32:10","modified_gmt":"2026-03-05T19:32:10","slug":"trump-oo-ugu-hanjabay-madaxweynaha-isriil-inuu-ka-faafin-doono-sir-uu-ka-hayo-haddii-uusan-cafis-u-fidin-net-tenyaahu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/03\/05\/trump-oo-ugu-hanjabay-madaxweynaha-isriil-inuu-ka-faafin-doono-sir-uu-ka-hayo-haddii-uusan-cafis-u-fidin-net-tenyaahu\/","title":{"rendered":"Trump oo ugu hanjabay Madaxweynaha Isriil inuu ka faafin doono Sir uu ka hayo haddii uusan cafis u fidin Net-tenyaahu"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah oo aan horay loo arag ku qaaday dhiggiisa dalka Isriil, Isxaaq Herzg, isagoo si adag uga dalbaday inuu cafis degdeg ah u fidiyo Ben Net-tenyaahuu. Trump ayaa ku sifeeyay diidmada Herzog mid &#8220;ceeb ah&#8221;, wuxuuna ugu hanjabay inuu faafin doono siraha iyo fadeexadaha madaxweynaha uu ka hayohaddii uusan fulin dalabkiisa.<\/p>\n<p>Wareysi taleefanka ah oo uu maanta oo Khamiis ah siiyay Telefishinka Channel 12 ee Isriil, Trump ayaa shaaca ka qaaday in Herzg uu shan jeer oo hore u ballan-qaaday inuu cafis u fidinayo Netyaahuu, balse uu ka baxay ballantii uu qaaday. Trump ayaa sheegay inuu muddo sannad ah kala hadlayay arrintan, isagoo caddeeyay inuusan diyaar u ahayn inuu la kulmo Madaxweynaha Isriil ilaa uu saxiixo cafiskaas.<\/p>\n<p>&#8220;Ma rabo inay jirto wax mashquulinaya &#8216;Bibi&#8217; oo aan ka ahayn dagaalka uu kula jiro Iiraan,&#8221; ayuu yiri Trump, isagoo muujiyay in dacwadaha musuqmaasuq ee hortaagan Netyaahuu ay caqabad ku yihiin hoggaaminta dagaalka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, qoraalkan ayaa dhaliyay carro xooggan, iyadoo dadka qaar ay is weydiinayaan in dagaalka Iran lagu qaaday ee hadda socda loo huriyay oo kaliya si cudur-daar looga dhigto cafis loo fidiyo Netanyahu.<\/p>\n<p>Waxaa jira eedaymo loo jeedinayo madaxda reer galbeedka oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo midba midka kale &#8220;fadeexado iyo sirro&#8221; u ka hayo, taas oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka iyo is-aamin darrada ka dhex jirta hoggaanka sare.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah oo aan horay loo arag ku qaaday dhiggiisa dalka Isriil, Isxaaq Herzg, isagoo si adag uga dalbaday inuu cafis degdeg ah u fidiyo Ben Net-tenyaahuu. Trump ayaa ku sifeeyay diidmada Herzog mid &#8220;ceeb ah&#8221;, wuxuuna ugu hanjabay inuu faafin doono siraha iyo fadeexadaha madaxweynaha uu ka hayohaddii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010553,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010552","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010552","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010552"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010552\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010554,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010552\/revisions\/1000010554"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010553"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010552"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010552"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010552"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}