{"id":1000010487,"date":"2026-02-18T22:05:56","date_gmt":"2026-02-18T22:05:56","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010487"},"modified":"2026-02-18T22:05:56","modified_gmt":"2026-02-18T22:05:56","slug":"geedkii-la-quursaday-the-despised-tree","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/02\/18\/geedkii-la-quursaday-the-despised-tree\/","title":{"rendered":"GEEDKII LA QUURSADAY (THE DESPISED TREE)"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p><strong>W\/Q. Maxamuud Cali Aadan Hoorri<\/strong><\/p>\n<p>Magacaygu waa \u201cgeedkii la quursaday\u201d. Waxa aan ahay geed ku hagaasay dhibka iyo belaayada ku habsatay. Waxa aan u baahanay hiil qaran iyo hoo waayeel. Mar kale ayuu ii soo dhowaaday, oo si faq ku jirto iigu yidhi: \u201cGaagaabsi haddii aan kuugu sheego waxa ka guuxaaya dubaaqayga iyo damiirkayga, waad qalbi jabaysaa\u201d. Ogow! Dhibka iyo cabashadaba waxa u keenay markii dusha laga saaray baco, qashin, daasado iyo reeryo culus oo ka samaysan maryo calal ah, tenegyo miriray; iyo qori-jab ayuu waayey bilicdii iyo quruxdii Eebbihii uumay uu ku manaystay.<\/p>\n<p>Geedkani waxa uu noo sheegay in culays saaran yahay, uuna jecel yahay inuu ku noqdo maruun sidiisii dabiiciga ahayd iyo waayihiisa farxadda. Baco iyo maryo calal ah ayaa hareeraha ka lusha; kuwa kalena waaba hareeyeen. Oo yaabaye, miyuusan u ekayn Masraxa Golaha Jamciyadda Guruumaha ka dhexaysa marka loo eego waxa ka lusha? Haa, boqollaal bacood oo midiiba cayn tahay ayaa ka laad-laada.<\/p>\n<p>Geedku waxa uu deris la yahay goob caafimaad \u201ccusbataal\u201d. Weliba, waxa uu ka soo horjeeday xilligaa qaybta arrimaha degdegga ah loo yaqaan (emergency department); taasina waa sheeko kale oo mudnaanteeda leh. Qashin iyo cudur ayaa deris la ah goobta caafimaadka; bugto iyo saro ayaa hor fadhiya xarunta caafimaadka.<\/p>\n<p>Meesha aan ka hadleynaa waa SOOMAALIYA ee maaha adduunyada kale.<br \/>\nHaa, waxa aan rajaynayaa inaad i fahantay nuxurka iyo mucda sheekadan. Laba koob oo shaah ah ayaan ka dalbanay makhaayad yar oo ku taalley kadinka cusbataalka; taa soo kaa qabaneysa dhanka midigta marka aad geleyso gudaha cusbataalka\u2014shaahu waxa uu ahaa dhaka-jebiye, filfil, sinjibiil, hayl iyo qorfe ayaa markiiba na qaatay. Shaahii markii aan ka laacnay ayaan is weydiiney xiriirka ka dhexayn kara goobta caafimaadka iyo geedka noocan ah! Maalinkaasi waxa uu ahaa maalin aannu geedka wax badan iska weydiiney. Xiriir iyo wax kaleba kama dhexayn; waxa keliya oo noo muuqday ayaa ahaa in dayac iyo darxumo geedka iyo goobtaba la soo deristey. Ujeedka aannu meesha u joogney waxa uu ahaa wiil ayaa iigu dhashay cusbataalka\u2014waana Alle mahaddii. Jaalle Maxamuudna si joogto ah ayuu ii soo booqan jirey maalin kasta, isagoo xaalkayga la socdey, mar kastana iga waraysan jirey caafimaadka hooyada iyo wiilkeeda yar.<br \/>\nXusuus iyo sheekaba aan kaa dabageeyee, jaalle, meeshaa waxa aan ka curiyey maanso kooban, soo na gudbinaysa sheeko na dhex martay aniga iyo geedkii dhibbanaha ahaa. Ciwaanka maansadu waxa uu ahaa \u201cGEEDKII LA QUURSADAY\u201d. Haa, weydiin iyo warcelin ka dib, afka ayaa juuqda gabay. Iminka garan maayo sida uu u egyahay qasriga (daarta) laga dhisay bogcaddii (booskii) uu ku yaalley geedku.<\/p>\n<p>Hilaaddii 2021-kii ayaan weydiiyey saaxiibkay Maxamuud (Mohamoud Everyday) inuu geedkii weli nool yahay ama uu meeshi ku yaal. Waxa uu ii sheegay in mar hore cagta la mariyey geedkii, oo weliba meeshii (bogcaddii) laga dhisay aqal aad u qurux badan.<\/p>\n<p>Marka aan soo gunaanadno illaawga iyo sheekada geedka, waxa inoo caddaanaysa inuu cabasho xoog leh muujiyey; midab-door iyo rafaad ayaa ka muuqday dushiisa. Daasado mirir leh iyo qashin ayuu gacan ka taagey; mar qura ayuu jeclaystay inuu sidiisii hore ku noqdo oo laga dejiyo bacaha, haylaha, gorofyada iyo caagadaha guudka ka daboolay.<\/p>\n<p>Mudane akhriste, waxa suurtagal ah inaan is weydiino: burburka iyo qashinku ma walaalaa? Mise qaran-jabka ayaa hagaaska iyo dib-u-dhaca wata? Dal burburay, dadkiisuna ma la burburaan? Warcelinta su\u2019aalahani waa hubaa inay tahay mid murugsan oo ku adag qof damiirkiisu noolyahay. Hilaaddu waxa ay ahayd bishii August 2015-kii; maansaduna waxay leedahay sidatan:<\/p>\n<p><em>Gallad waliba ehelkeed <\/em><br \/>\n<em>Guul waliba dowgeed<\/em><br \/>\n<em>Gego waliba luuqdeed <\/em><br \/>\n<em>Gocor waliba sebankii <\/em><br \/>\n<em>Guurti waliba doodeed<\/em><br \/>\n<em>Gammaan waliba orodkii<\/em><br \/>\n<em>Geel waliba socodkii <\/em><br \/>\n<em>Gidir waliba xoorkii<\/em><br \/>\n<em>Gurgurshaa minqaadkii<\/em><br \/>\n<em>Geed waliba hooskii<\/em><br \/>\n<em>Garaad waliba dhimirkii<\/em><br \/>\n<em>Garashona yagleelgeed<\/em><br \/>\n<em>Waxaan uga golleeyahay<\/em><br \/>\n<em>Geed la quursadaan ahay <\/em><br \/>\n<em>Gabayaa af kala qaad <\/em><br \/>\n<em>Geeraarshihiiyoow<\/em><br \/>\n<em>Maadigaa halkaagii gabay?<\/em><br \/>\n<em>Mase waa gartaayoo<\/em><br \/>\n<em>Wax ku gaasiraa jira?<\/em><br \/>\n<em>Maya, waa gardaranahay<\/em><br \/>\n<em>Saryan gees xun baan ahay<\/em><br \/>\n<em>Geenyo hebeda loo dhigo.<\/em><\/p>\n<p><em>Afartaa geddaydiyo <\/em><br \/>\n<em>Dheha gocashadaydii<\/em><br \/>\n<em>Geed la quursadaan ahay.<\/em><\/p>\n<p><em>Aan galab-carrownee <\/em><br \/>\n<em>Owrka gibilka noo saar <\/em><br \/>\n<em>Waa guri la gubayoo <\/em><br \/>\n<em>Bahaluhu ka guuxaan <\/em><br \/>\n<em>God xun baan u hoydaa<\/em><br \/>\n<em>Garangoorri lagu gubay<\/em><br \/>\n<em>Dulinkuna gun iyo baar<\/em><br \/>\n<em>Guunyada ku cirib tiro.<\/em><\/p>\n<p><em>Gafanaan la deris ahay<\/em><br \/>\n<em>Aan wada sar goynee<\/em><br \/>\n<em>Ila garo geddaan rabo <\/em><br \/>\n<em>Sida webi ganaanoo <\/em><br \/>\n<em>Geesaha u kala baxay <\/em><br \/>\n<em>Gufaacooyinkii mari<\/em><br \/>\n<em>Ama dir gu\u2019 hooroo<\/em><br \/>\n<em>Dhowr godol irmaanaa <\/em><br \/>\n<em>Guulaama roob kici.<\/em><\/p>\n<p><em>Gedda kale waxay tahay<\/em><br \/>\n<em>Gurboodkiyo dhallaankiyo <\/em><br \/>\n<em>Ganbooleyda dumarkiyo <\/em><br \/>\n<em>Garcaddaale odayada <\/em><br \/>\n<em>Gaarsii sidaan ahay.<\/em><\/p>\n<p><em>Gaagaabsi ugu sheeg <\/em><br \/>\n<em>Inaan ahay gasiin dhaba<\/em><br \/>\n<em>Xilli gaajo badan tahay<\/em><br \/>\n<em>Geydhadu dul guban tahay<\/em><br \/>\n<em>Giiradu silloon tahay <\/em><br \/>\n<em>Adhigana la gowracan <\/em><br \/>\n<em>Dadku waygu gaataan.<\/em><\/p>\n<p><em>Gabannaa i haybsada <\/em><br \/>\n<em>Miraa layga guran jiray <\/em><br \/>\n<em>Maantana waxaan gudo<\/em><br \/>\n<em>Ama hiil waxaan galo<\/em><br \/>\n<em>Miyaad garan kareysaa?<\/em><\/p>\n<p><em>Afartaa geddaydiyo <\/em><br \/>\n<em>Dheha gocoshadaydii <\/em><br \/>\n<em>Geed la quursadaan ahay.<\/em><\/p>\n<p><em>Gudbi oo ka sii soco<\/em><br \/>\n<em>Giraangiri waxaan rabo<\/em><br \/>\n<em>Adigoo garaaddo leh<\/em><br \/>\n<em>Garta meel ka wada goy <\/em><br \/>\n<em>Gacalkana la haasaw <\/em><br \/>\n<em>Garashadana igu hubi<\/em><br \/>\n<em>Gaagaabsi ugu sheeg <\/em><br \/>\n<em>Bir ma geydo inaan ahay<\/em><br \/>\n<em>Inaan ahay gabbad dhaba<\/em><br \/>\n<em>Guunyadu ku hiratee.<\/em><\/p>\n<p><em>Gedda kale waxay tahay;<\/em><br \/>\n<em>Hoorriyow gef baa dhacay <\/em><br \/>\n<em>Garangari ma roor baa?<\/em><br \/>\n<em>Geyllan dumar ma doogaa? <\/em><br \/>\n<em>Gaaggaxo ma darar baa?<\/em><br \/>\n<em>Geelwaaq ma daran baa?<\/em><br \/>\n<em>Geeraar ma gabay baa?<\/em><br \/>\n<em>Guuroow ma hees baa?<\/em><br \/>\n<em>Gayradaac ma subax baa?<\/em><br \/>\n<em>Gowricis ma nolol baa?<\/em><br \/>\n<em>Garwaansigu ma gaajaa?<\/em><br \/>\n<em>Gardho geel ma suuf baa?<\/em><br \/>\n<em>Galtinnimo ma diid baa? <\/em><br \/>\n<em>Gelbis dhacay ma reen baa?<\/em><br \/>\n<em>Galoof geel ma ramag baa?<\/em><\/p>\n<p><em>Ini Hoorri Gacan-yare <\/em><br \/>\n<em>Xiddiggii galgaalbaa <\/em><br \/>\n<em>Galowkooma keenee <\/em><br \/>\n<em>Gabbal dhiciyo waaberi<\/em><br \/>\n<em>Gocashaan ku suganahay.<\/em><\/p>\n<p><em>Ninna gaar igama hayn<\/em><br \/>\n<em>Ninna godin igama dayn<\/em><br \/>\n<em>Ninna qodax i gama gurin<\/em><br \/>\n<em>Hayeeshee bal googgaa? <\/em><br \/>\n<em>Hal-xiraale gaammuray<\/em><br \/>\n<em>Gacalka aan u sheegnee<\/em><br \/>\n<em>Iga gunud u jeeddada.<\/em><\/p>\n<p><em>Geedyohow bal geeloo<\/em><br \/>\n<em>Geedyogow la gaasiray<\/em><br \/>\n<em>Geedyohow la dhaawacay <\/em><br \/>\n<em>Geedyohow la quursaday <\/em><br \/>\n<em>Geedyohow la eersaday <\/em><br \/>\n<em>Geedyohow la agab tiray <\/em><br \/>\n<em>Geedyohow hu&#8217;gii dhigay<\/em><br \/>\n<em>Geedyohow gadoodsani <\/em><br \/>\n<em>Oraah gaammuraa tidhi;<\/em><br \/>\n<em>Gujoo laysu qariyaa <\/em><br \/>\n<em>Gacma daalis weeyaan<\/em><br \/>\n<em>Aan kuu garaabee <\/em><br \/>\n<em>Garta aan ku siiyee <\/em><br \/>\n<em>Gebigeed adduunyadan <\/em><br \/>\n<em>Guryasama laga degay <\/em><br \/>\n<em>Gundhigeeda xaajada<\/em><br \/>\n<em>Ninba geyi ha sheegtee<\/em><br \/>\n<em>Ama gobol ha joogee <\/em><br \/>\n<em>Geesaha markaan dayey <\/em><br \/>\n<em>Garashana gun uga dhigay <\/em><br \/>\n<em>Miisaanka gabaygiyo<\/em><br \/>\n<em>Milgihiisa gocashada <\/em><br \/>\n<em>Anigoon ka gaaggixin <\/em><br \/>\n<em>Ama godol-macaan tirin<\/em><br \/>\n<em>Adigana ku garab marin <\/em><br \/>\n<em>Dadku waa gun badatiyo <\/em><br \/>\n<em>Gob yaraatay weeyaan.<\/em><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q. Maxamuud Cali Aadan Hoorri Magacaygu waa \u201cgeedkii la quursaday\u201d. Waxa aan ahay geed ku hagaasay dhibka iyo belaayada ku habsatay. Waxa aan u baahanay hiil qaran iyo hoo waayeel. Mar kale ayuu ii soo dhowaaday, oo si faq ku jirto iigu yidhi: \u201cGaagaabsi haddii aan kuugu sheego waxa ka guuxaaya dubaaqayga iyo damiirkayga, waad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010488,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010487","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010487","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010487"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010487\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010489,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010487\/revisions\/1000010489"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010488"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010487"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010487"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010487"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}