{"id":1000010479,"date":"2026-02-15T15:00:04","date_gmt":"2026-02-15T15:00:04","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010479"},"modified":"2026-02-15T15:00:04","modified_gmt":"2026-02-15T15:00:04","slug":"sidee-duqeymaha-qarsoodiga-ah-ee-dalkeena-u-curyaaminayaan-madax-bannaanida-iyo-nabadda-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/02\/15\/sidee-duqeymaha-qarsoodiga-ah-ee-dalkeena-u-curyaaminayaan-madax-bannaanida-iyo-nabadda-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Sidee Duqeymaha Qarsoodiga ah ee Dalkeena u Curyaaminayaan Madax-bannaanida iyo Nabadda Soomaaliya?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"s5\"><span class=\"s4\">Tan iyo markii uu ku soo laabtay xukunka<\/span><span class=\"s4\"> ka hor<\/span><span class=\"s4\"> in <\/span><span class=\"s4\">waxyar kabadan hal sano<\/span><span class=\"s4\">,<\/span><span class=\"s4\">madaxweyne Donald Trump\u2014oo si iskiis ah isugu <\/span><span class=\"s4\">magacaabay &#8220;madaxweynaha nabadda&#8221;\u2014ayaa kordhiyay hawlgallada milatari ee uu ka fuliyo caalamka. In kasta oo uu duqeymo ka geystay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Iiraan, Ciraaq, iyo Venezuela, haddana ololaha milatari ee ugu ballaaran uguna xoog<\/span><span class=\"s4\">gan wuxuu ka socdaa Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"s3\"><strong><span class=\"s2\">Xawaar<\/span><span class=\"s2\">aha Weerarada iyo ogaal la\u2019aanta Soomaalida iyo Caalamka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">13-kii bilood ee la soo dhaafay, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay <\/span><span class=\"s2\">157 <\/span><span class=\"s4\">weerar oo isugu jira duqeymo diyaaradeed iyo weeraro dhulka ah. Xawaaraha weeraradan ayaa sare u kacay bilowgii sanadkan 2026, iyadoo duqeyntii u dambeysay ee ka dhacday B<\/span><span class=\"s4\">uuraha Golis<\/span> <span class=\"s2\">jimcihii dhawaa<\/span><span class=\"s4\"> ay ka dhigan tahay<\/span><span class=\"s4\">weerarkii <\/span><span class=\"s2\">31-aad ee sanadkan oo kaliya.<\/span> <span class=\"s4\">Marka sannadkan la eego waa in wax kayar laba maalmoodba uu mar Soomaaliya Maraykanku duqeeyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">In kasta oo hawlgalladu<\/span><span class=\"s4\"> weerar ee Maraykanku ka fuliyo dalka<\/span><span class=\"s4\"> kordheen, haddana waxaa jirta walaac laga qabo hufnaanta macluumaadka<\/span><span class=\"s4\"> laga ogyahay duqaymahaas<\/span><span class=\"s4\">. Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa <\/span><span class=\"s4\">ah halka laga helo xogta duqaymaha, isaga oo <\/span><span class=\"s4\">soo saara bay<\/span><span class=\"s4\">aan kooban weerar kasta kad<\/span><span class=\"s4\">dib, balse<\/span><span class=\"s4\">arrinta welwelka leh ayaa ah in<\/span><span class=\"s4\"> tan iyo bishii May, <\/span><span class=\"s4\">aysan jirin sheegid ama xusid tirada dhimashada ay sababaan weeraradaas. Taas oo u baahan in la helo xisaabtan ka baxsan in argagixiso la duqeeyay. Hadalada kulkul ee Trump Soomaaliya ka sheego ayaa loo arkaa inay ka leexiyeen Soomaalida indhaha duqaymaha aan la aqoon ee dalkooda ka dhaca.<\/span><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">&#8220;<\/span><span class=\"s6\">Waa dhibaato weyn oo haysata hufnaanta iyo xisaabtanka,<\/span><span class=\"s6\">inaan la sheegin waxyeellada ay gaystaan duqaymaha Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya<\/span><span class=\"s6\">&#8220;<\/span><span class=\"s4\"> ayuu yiri David Sterman <\/span><span class=\"s4\">oo la hadlay Observer UK, kana<\/span><span class=\"s4\"> tirsan hay\u2019adda New America, taasoo<\/span><span class=\"s4\"> dabagal ku haysay weeraradaas.<\/span><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo inta badan lagu dhaliilo ka gaabiska amni iyo waxkaqabashada kooxda argagixisada ah ayaa hadda wajahaysa caqabad kale oo ah inay badbaadiso dadka rayidka ah ee ku nool goobaha dagaallada iyo colaadahu ka jiraan ee dalka. Waxaana hadda kusoo biiraysa eedamaha loo <\/span><span class=\"s4\">jeedinayo inaysan xakamayn Karin ama ogaynba meelaha ay dalalka shisheeye duqaymaha ka gaystaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"s3\"><strong><span class=\"s2\">Cadowga lala dagaalamayo<\/span><span class=\"s2\"> iyo Rabitaanka Shacabka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">Bartilmaameedyada Maraykanka ayaa ah kooxaha al-Shabaab iyo garabka Soomaaliya ee Daacish (IS). Labadan kooxood ayaa muddo dheer argagax gelinayay shacabka Soomaaliyeed. In kasta oo duqeymaha diyaaraduhu aysan ahayn kuwo laga soo horjeedo gudaha Soomaaliya<\/span><span class=\"s4\">, haddana waxaa muhiim ah inaan doonista shacabka lagu gaysan gabood fal gaara dad aan waxba gaysan<\/span><span class=\"s4\">\u2014maadaama dadku u ooman yihiin nabad iyo <\/span><span class=\"s4\">amni la isku hallayn<\/span><span class=\"s4\">\u2014haddana khubaradu <\/span><span class=\"s4\">amniga <\/span><span class=\"s4\">waxay ka digayaan in <\/span><span class=\"s4\">duqaymaha aan diiwaanka khasaarahooda lahayn aysan xal noqon karin.<\/span><\/p>\n<p class=\"s3\"><strong><span class=\"s2\">Isbeddellada Gobolka iyo Loolanka <\/span><span class=\"s2\">iyo Jilaayaasha <\/span><span class=\"s2\">Dibadda<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">Xaaladda Soomaaliya ee sanadka 2026 waxay u muuqataa mid ka adag sidii hore, iyadoo ay ku soo kordheen jilaayaal caalami ah oo saameyn weyn leh. Maraykanku<\/span><span class=\"s4\">ma ahan awoodda kaliya ee goobaha dagaalka ee Soomaaliya<\/span><span class=\"s4\"> ka dhex muuqata; Turkiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya isagoo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha laha<\/span><span class=\"s4\">yn ah la fuliya<\/span><span class=\"s4\"> ciidanka qaranka, halka Imaaraadka Carabta\u2014oo saameyntooda<\/span><span class=\"s4\"> Bariga Afrika la wiiqayo waqtigan<\/span><span class=\"s4\">\u2014ay taageero milatari oo toos ah sii<\/span><span class=\"s4\">yaan maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland.<\/span><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">Dhinaca kale, khatarta k<\/span><span class=\"s4\">ooxaha xagjirka ah ayaa yeelatay<\/span><span class=\"s4\"> weji caalami ah, iyadoo kooxda IS ee Soomaaliya ay xiriir dhow la sameysatay Xuutiyii<\/span><span class=\"s4\">nta Yemen, ayna <\/span><span class=\"s4\">ku<\/span><span class=\"s4\">soo<\/span><span class=\"s4\"> biireen dagaalyahanno shisheeye oo ka yimid Kenya, Itoobiya, iyo Marooko. Waxaa intaas dheer, jaw<\/span><span class=\"s4\">iga siyaasadeed ee gobolka oo<\/span><span class=\"s4\"> cirka isku sii shareeray<\/span><span class=\"s4\"> kaddib<\/span><span class=\"s4\"> aqoonsigii Israa\u2019iil ay bishii Diseembar siisay Somaliland, taas oo walaac we<\/span><span class=\"s4\">yn ku abuurtay dawladda So<\/span><span class=\"s4\">omaaliya <\/span><span class=\"s4\">iyo dowladaha kulaala Badda Cas iyo Marinka Baab Almandab, kuwaas oo u arka faragelinta Soomaaliya mid taabanaysa amnigooda<\/span><span class=\"s4\">.<\/span><\/p>\n<p class=\"s5\"><span class=\"s4\">In kasta oo Soomaaliya ay ku jirtay colaado is-dhex-yaal ah tan iyo 1991, haddana dadka Soomaaliyeed w<\/span><span class=\"s4\">axay muujiyeen adkeysi<\/span><span class=\"s4\">. <\/span><span class=\"s4\">Waxaana si wayn adduunka looga hadal hayaa, awoodooda u adkaysiga colaadaha iyo dhaqankooda sida wayn dunida uga faafaya. Taas oo horseeday inuu Trump si joogta ah u weeraro kaalingalka Soomaaliyeed <\/span><span class=\"s4\">Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan la helin istiraatiijiyad <\/span><span class=\"s4\">siyaasadeed oo cad oo ka baxsan duqeymaha milatari, Soomaaliya waxay <\/span><span class=\"s4\">ahaana<\/span><span class=\"s4\">y<\/span><span class=\"s4\">saa dal si dhab ah uga fog soo afjaridda colaadaha kala midabka ah iyo jilayaasha kala danta ah ee dalkeeda ku loollamaya<\/span><span class=\"s4\">.<\/span><\/p>\n<p class=\"s7\">\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo markii uu ku soo laabtay xukunka ka hor in waxyar kabadan hal sano,madaxweyne Donald Trump\u2014oo si iskiis ah isugu magacaabay &#8220;madaxweynaha nabadda&#8221;\u2014ayaa kordhiyay hawlgallada milatari ee uu ka fuliyo caalamka. In kasta oo uu duqeymo ka geystay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Iiraan, Ciraaq, iyo Venezuela, haddana ololaha milatari ee ugu ballaaran [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010480,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010479","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010479","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010479"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010479\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010481,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010479\/revisions\/1000010481"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010480"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010479"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010479"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010479"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}