{"id":1000010469,"date":"2026-02-14T16:05:15","date_gmt":"2026-02-14T16:05:15","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010469"},"modified":"2026-02-14T16:05:15","modified_gmt":"2026-02-14T16:05:15","slug":"midaynta-mucaaradka-shirarka-is-daba-joogga-ah-ee-ka-socda-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/02\/14\/midaynta-mucaaradka-shirarka-is-daba-joogga-ah-ee-ka-socda-muqdisho\/","title":{"rendered":"Midaynta Mucaaradka: Shirarka Is-daba-joogga ah ee ka Socda Muqdisho"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulamo xiriir ah oo ay qabteen Madaxda Dowlad Goboleeyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid aragtidooda siyaasadeed ee dalka. Bilowgii maalinnimada Sabatida ah, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa gogol-xaar u sameeyay dhaqdhaqaaqooda iyagoo kulamo gaar ah la yeeshay hoggaankii hore ee dalka.<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-1000010470\" src=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6132-300x180.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"180\" srcset=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6132-300x180.jpeg 300w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6132-1024x616.jpeg 1024w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6132-768x462.jpeg 768w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6132-1536x924.jpeg 1536w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6132.jpeg 2002w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>Waxay si wadajir ah ugu qaabileen kulama kala duwan Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra\u2019iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyagoo sidoo kale wadatashi ballaaran la yeeshay odayaasha dhaqanka ee beelahooda ee ku sugan caasimadda si ay u xoojiyaan taageerada ay ka haystaan bulshada ay ku metalaan siyaasadda waqtigan.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-1000010471\" src=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6163-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6163-300x200.jpeg 300w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6163-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6163-768x512.jpeg 768w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6163-1536x1024.jpeg 1536w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6163.jpeg 2048w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-1000010472\" src=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6160-300x226.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"226\" srcset=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6160-300x226.jpeg 300w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6160-1024x771.jpeg 1024w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6160-768x578.jpeg 768w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6160-1536x1157.jpeg 1536w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/IMG_6160.jpeg 2048w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>Kulamadaas saaka ah kaddib, madaxda PL iyo JL, waxay u gudbeen wejigii rasmiga ahaa ee qorshahooda, iyagoo ka qaybgalay shirkii koowaad ee Golaha Mustaqbalka. Golahan oo ah isbahaysiga ugu wayn mucaaridka dalka oo ay ku midoobeen dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madaxda hore ee ku jirta Madasha Samatabixinta, ayaa hadda kulan xasaasi ah kula leh Muqdisho.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-1000010473\" src=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Copy-of-Abdikani-20-300x243.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"243\" srcset=\"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Copy-of-Abdikani-20-300x243.jpeg 300w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Copy-of-Abdikani-20-1024x828.jpeg 1024w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Copy-of-Abdikani-20-768x621.jpeg 768w, https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Copy-of-Abdikani-20.jpeg 1080w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>Ujeedka rasmiga ah ee ururintan xoogagga isbiirsaday ayaa lagu sheegay in hal mowqif oo midaysan laga istaago masiirka dalka, gaar ahaan sidii looga miro-dhalin lahaa wada-xaajoodka ka dhexeya Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka. Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u dalbanaya in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada wixii ka dambeeya May 2026, si loo xaqiijiyo xasilloonida siyaasadeed iyo in laga baaqsado go&#8217;aanno hal dhinac ah oo horseedi kara hubanti la&#8217;aan iyo khilaaf dastuuri ah.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulamo xiriir ah oo ay qabteen Madaxda Dowlad Goboleeyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid aragtidooda siyaasadeed ee dalka. Bilowgii maalinnimada Sabatida ah, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa gogol-xaar u sameeyay dhaqdhaqaaqooda iyagoo kulamo gaar ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010474,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010469","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010469","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010469"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010469\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010475,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010469\/revisions\/1000010475"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010474"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010469"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010469"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010469"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}