{"id":1000010427,"date":"2026-02-10T14:54:18","date_gmt":"2026-02-10T14:54:18","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010427"},"modified":"2026-02-10T15:19:22","modified_gmt":"2026-02-10T15:19:22","slug":"rayi-gobannimo-gorgorin-ma-leh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/02\/10\/rayi-gobannimo-gorgorin-ma-leh\/","title":{"rendered":"RA\u2019YI: Gobannimo Gorgorin ma Leh"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">W\/Q: Maxamuud Cali Aadan Hoorri<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gobannimadu waa astaan qaran oo uu qof kasta oo bani\u2019aadam ahi jecel yahay, waana summad mudan in lagu faano, lagu faafeeyo, laguna ilaaliyo naf iyo maalba. Waa qiime ku lammaan jiritaanka ummad kasta, waana tiirka ugu weyn ee ay ku dhisanto karaamada, haybadda, iyo madax-bannaanida qaran. Qof ama ummad aan lahayn gobannimo dhammaystiran waxa ay ku nooshahay hoosaysi, silic, iyo go\u2019aan la\u2019aan, iyada oo masiirkeedu ku xiran yahay cid kale.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dalalka awoodda iyo karaanka leh waxa ay isku qaddariyaan heerka ay u madax-bannaan yihiin go\u2019aamadooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni. Sidoo kale, waxa ay ku faanaan sida ay u ilaashadaan midnimadooda, sharcigooda, iyo danahooda qaran. Soomaaliya waa dal xor ah oo leh gobannimo sugan, taariikh fac-weyn, iyo sooyaal qaran oo qiimo iyo mudnaan gaar ah leh, kaas oo ka dhashay halgan dheer iyo naf-hurid ay sameeyeen halyeeyo aan la illaawi karin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Haddaba, gobannimadu maxay ka dhigan tahay?<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gobannimadu waa:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; In dal leeyahay maamul u gaar ah oo ka dhashay rabitaanka shacabka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; In sharciga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha lagu hago go\u2019aan ay gaareen muwaadiniinta dalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; In la dhowro astaamaha qaranka sida calanka, afka, dhaqanka, iyo diinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; In go\u2019aamada masiiriga ah ay gaaraan dadka dalka leh, iyada oo aan faragelin shisheeye la aqbalin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xorriyaddu waa astaan muujinaysa midnimo, karaamo, iyo madax-bannaani qaran. Waa dhaxal qaali ah oo lagu xusuusto halgankii adkaa ee ay soo mareen halyeeyadii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda, maskaxdooda, iyo hantidooda u huray in ay ummaddan gaarsiiyaan maalin xor ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Marka aan milicsanno taariikhdeenna dahabiga ah, waxa si gaar ah u iftiimaya laba maalin oo lama illaawaan ah:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; 26-kii Juun 1960, markaas oo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; 1-dii Luulyo 1960, markaas oo Gobollada Koonfurta Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana labadii gobol ay ku midoobeen dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Labadan maalmood waxa ay saldhig u yihiin jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, waana xusuus qaran oo ku reebtay raad qoto dheer qalbiga iyo maskaxda ummadda Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhawaan ayay ahayd markii Ra\u2019iisul Wasaaraha dowladda Israa\u2019iil uu ku dhawaaqay tallaabo uu ku sheegayo aqoonsi uu siiyay goonni-goosadka Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Tallaabadan waxa ay ahayd mid gardarro ah, sharci-darro ah, isla markaana si weyn u ruxday quluubta dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Taariikhda 26-12-2025 waxa ay noqotay bar madow oo ku xardhan bogagga sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: \u201cMidnimaa dad lagu yahay.\u201d Weedhan qiimaha leh waxa ay muujinaysaa in xooggeenna, sharafkeenna, iyo jiritaankeenna qaran ay ku xiran yihiin midnimo iyo wadajir. Qaranimadu waa qiimaheenna ugu weyn, midnimaduna waa difaaceenna ugu adag.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gabagabadii, gobannimadu gorgorrin ma leh; waa hanti qaran oo aan la kala gadan karin, lana dhaxlo jiilba jiil. Waa masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu u istaago ilaalinta, difaaca, iyo horumarinta gobannimada iyo midnimada dalka. Ilaalinta qarannimada iyo sooyaalka fac-weyn ee ummaddani leedahay waa waajib qaran oo aan marna laga tanaasuli karin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Indhoweyd Gurraasow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Guux baa arlada jirey<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ku salaysan guur iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kolkii loo gabbala-deyey<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Netanyaaho Gaalkii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Loo hooyey Gaasira<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Talo way gidaaddaye<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gelbiskiyo arooskii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Iyo sacab garaacii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maqlay gabayadaadii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Goor laysu soo baxay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aad ka tirisay goobtii.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Goblan talo adduunyoy<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gudcur iyo caddays xiga<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hadhka labada gelin baa<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ruux go\u2019aa habeenkii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mid dhashaa gadiidkii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gadaal looma guuree<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ninka damalka geedkiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gaadiidka reerkiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gurgurshaaga dooxow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Golxobkiyo ableydiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Yaa godinka kuu tumay?<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gadhwadeenka liicow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gumaadaha miciinshow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxa aadan garan karin<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Geli karin kaskaagiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Golahaad u madax tahay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gobanimo gorgorin ma leh<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Guluf iyo dagaal iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gamas dhiigle weeyaan<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gurmadkoo is gaadhiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gawrac cadowga weeyaan!<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gundhiggeeda sheekada<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaan uga gol leeyahay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waa horaa guyaal jire<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wuxu yidhi Gadhxiirow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkastood gunnaysoo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ama aad gargaartaba<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gebgebtiisa Ferenjiga<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Iyo Gaal-Yuhuudiya<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Guul uu ku siiyiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gamba lagama dheefee<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ninka galab Bangoor iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Erik gacalka moodow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">War yaan gaajo kugu dilin!<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ninka gaatamaayoow <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gobballada galbeed iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gacankii Berbera yimid <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gurbood geela raaciyo <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gabadh adhi la joogtaa <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Qarka yey ku gabawarin <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ama goodba kugu cunin<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhulka meesha godan iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gumarada dhexdoodee. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ninka gooddinaayow<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Raba gobolladaydiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Halka gogoshu ii taal<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gaashaandhig adag iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gaadh-hayaha waxaan ahay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dabka garabka saaroo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Goobaha dagaalkiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Halka laysku gawraco<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gallad kala carraaboo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gantaalaha cadceeddiyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ima damaqdo gaajadu!<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gebagebada maansada<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aan ku soo gunaanado<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Yamyam gaylankiisii<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ama gabay-ku-dirirkii <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hadal laga guntuu yidhi<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Guun soo jiraan nahay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Qaran iyo gob baan nahay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Lixdankii gumaysiga <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gacantiisa kala baxay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Calan midab u gaariyo <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sumad lagu gartaa tahay<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xiddigtaa shan geeska ah.<\/span><\/p>\n<p><strong>Maxamuud Cali Aadan Hoorri waa cilmibaare, qoraa iyo xeeldheere ogaal u leh afka,dhaqanka, fanka, hiddaha iyo \u00a0suugaanta.<\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q: Maxamuud Cali Aadan Hoorri Gobannimadu waa astaan qaran oo uu qof kasta oo bani\u2019aadam ahi jecel yahay, waana summad mudan in lagu faano, lagu faafeeyo, laguna ilaaliyo naf iyo maalba. Waa qiime ku lammaan jiritaanka ummad kasta, waana tiirka ugu weyn ee ay ku dhisanto karaamada, haybadda, iyo madax-bannaanida qaran. Qof ama ummad aan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010428,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010427","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010427","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010427"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010427\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010434,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010427\/revisions\/1000010434"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010428"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010427"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010427"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010427"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}