{"id":1000010375,"date":"2026-02-04T18:16:00","date_gmt":"2026-02-04T18:16:00","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010375"},"modified":"2026-02-04T18:16:38","modified_gmt":"2026-02-04T18:16:38","slug":"degdeg-shirkii-muqdisho-oo-ballan-cusub-loo-qabtay-cadaadiska-beesha-caalamka-oo-shaqeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/02\/04\/degdeg-shirkii-muqdisho-oo-ballan-cusub-loo-qabtay-cadaadiska-beesha-caalamka-oo-shaqeeyay\/","title":{"rendered":"DEGDEG: Shirkii Muqdisho oo ballan cusub loo qabtay iyo Cadaadiska Beesha Caalamka oo shaqeeyay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida ay horey u baahisay Somali Stream, waxaa isbeddel weyn oo lama filaan ah uu ku yimid jadwaladii siyaasadeed ee dalka. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shirkii aadka loo sugayay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Mucaaradka Madasha iyo Dowlad Goboleedyada diiddan hannaanka doorashada ee ku midaysan Golaha Mustqabalka ayaa si rasmi ah dib loogu riixay. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sababta dib-u-dhaca ayaa lagu sheegay sida aan hore u baahinay safarro muhiim ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baxayo magaalooyinka Dooxa iyo Qaahira.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sikastaba, waxaa hadda xaqiijinay in maanta ilaa caawa fiidkii hore la gaaray xal degdeg ah oo lagu qabtay ballan cusub.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Ballanta Cusub, Cadaadiska Beesha Caalamka iyo Xalka Degdegga ah<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo jawigu u muuqday mid cakiran saacadihii hore ee maanta, haddana waxaa si weyn u shaqeeyay cadaadis xooggan oo ka yimid xafiisyada Beesha Caalamka ee Muqdisho. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kaddib saacado badan oo ay socdeen wadahadallo hoose oo albaabadu u xidhan yihiin oo isugu jiray kuwa xiriir fog ah iyo kuwa toos ah, waxaa ugu dambeyn la isku raacay heshiis cusub iyo xal degdeg ah oo looga gudbayo is-mari-waaga taagan, loona bilaabo shirka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay damaanad qaad ka bixisay in shirka soo socda uu noqdo mid miro-dhal ah, wixii kala shaki ammaan ahna ay iyada qaadayso, iyadoo culayska la saaray inaan la lumin fursadda wadahadalka inta aan loo gudbin tallaabooyin dhinac kasta ah oo xaaladda uga sii daraya oo ay Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyadu qaadaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Jadwalka Socdaalka Madaxweynaha<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Qorshaha cusub ee la isku raacay ayaa waxaa kamid ah<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>in Madaxweyne Xasan Sheekh uu marka hore soo dhammaysto safarrada saamaynta leh ee uu ku tegayo dalalka Qadar iyo Masar. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Socdaalladan ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah dhammaystirka heshiisyo difaac iyo kuwo dhaqaale oo horay loo bilaabay, iyo sidoo kale gelista iskaashiyo cusub oo looga gaashaamanayo xaaladaha cakiran ee Gobolka Geeska Afrika.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa la isla meel dhigay in Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabto taariikhdu marka ay ku beegantahay 9-ka bishan, si uu hoggaanka ugu qabto wajiga cusub ee wadahadallada Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Tanaasulka Puntland, Jubbaland iyo Caana Shubka Galdogob<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhinaca kale, waxaa guul weyn loo arkaa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay aqbaleen inay Muqdisho soo gaaraan isla maalinta uu Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabanayo ee 9-ka bishan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo hadda isu diyaarinaya ka qaybgalka munaasabad weyn oo Caanashub ah oo ka dhici doonta magaalada Galdogob taariikhdu marka ay tahay 8-da bisha, ayaa aqbalay inuu oofiyo ballantaas oo uu Muqdisho yimaado 24 saac kaddib munaasabaddaas. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Tani waxay muujinaysaa in Deni uu diyaar u yahay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>heshiis iyo wadahadal si xal loogu helo is-mari-waaga dhinaca dastuurka iyo doorashada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa sidoo kale xusid mudan in Madasha Samatabixinta oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay door laxaad leh ka qaateen dhexdhexaadinta iyo isku soo dhawaanshaha dhinacyada is-diiddan. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madasha Samatabixinta ayaa kulan ku yeelanaysa Hotel Jazeera berri 4ta Galabnimo kaasoo ay warbixin kaga dhagaysanayaan Guddiga Farsamada si looogu diyaar garoobo gogosha 10ka bisha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida aan xogta ku helnay shirka ayaa loo asteeyay inuu ka dhaco Xalane, wixii farsamo amni iyo farsamana waxaa loo dhaafay guddiyo hoosaadkii labada dhinac ee shaqaynayay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kaddib marka uu soo idlaado shirka Muqdisho ee bilaabanaya 10-ka bishan, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu u kicitimo magaalada Addis Ababa 12ka Febraayo si uu uga qayb-galo shirka madaxda Midowga Afrika. Socdaalkaas ayaa ah mid isna isha lagu hayo, maadaama ay taagan yihiin xiisado diblomaasiyadeed oo ka dhashay faragelinta Imaaraadka ee dalka iyo aqoonsiga ay Israa\u2019iil siisay gobolka sheegtay inuu Soomaaliya ka go\u2019ay ee Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kasta ay ahaataba, kaddib aqbalka dhinacyada ee shirka Muqdisho, dalka<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>wuxuu hadda galay xaalad &#8220;degenaan siyaasadeed&#8221; ah inta laga gaarayo toddobaadka soo socda. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Somali Stream waxay diyaar u tahay inay idiin soo gudbiso wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha arrimaha shirka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida ay horey u baahisay Somali Stream, waxaa isbeddel weyn oo lama filaan ah uu ku yimid jadwaladii siyaasadeed ee dalka. Shirkii aadka loo sugayay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Mucaaradka Madasha iyo Dowlad Goboleedyada diiddan hannaanka doorashada ee ku midaysan Golaha Mustqabalka ayaa si rasmi ah dib loogu riixay. Sababta dib-u-dhaca ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010357,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010375","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010375","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010375"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010375\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010377,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010375\/revisions\/1000010377"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010357"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010375"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010375"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010375"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}