{"id":1000010350,"date":"2026-02-02T19:50:03","date_gmt":"2026-02-02T19:50:03","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010350"},"modified":"2026-02-02T19:50:03","modified_gmt":"2026-02-02T19:50:03","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-safarro-dibadda-ah-ku-tegaya-qaahira-iyo-addis-ababa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/02\/02\/madaxweynaha-soomaaliya-oo-safarro-dibadda-ah-ku-tegaya-qaahira-iyo-addis-ababa\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Soomaaliya oo Safarro Dibadda ah ku Tegaya Qaahira iyo Addis Ababa"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheynaya safarro is-daba-joog ah oo uu ku tegayo dalalka Masar iyo Itoobiya muddada lagu jiro bishan Febraayo.<\/p>\n<p><strong>Booqashada Qaahira<\/strong><\/p>\n<p>Sida aan hore u baahinay Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu 7-da bishan Febraayo booqasho rasmi ah ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar. Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo la filayo inuu kulamo la qaato madaxda dalkaas si looga wadahadlo iskaashiga amniga iyo siyaasadda gobolka.<\/p>\n<p>Shir-madaxeedka Midowga Afrika<br \/>\nKaddib booqashada Qaahira,<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka labaad ee bishan Febraayo dib ugu laabto magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Safarkan ayaa la xiriira ka qaybgalka Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda 55-ka dal ee xubnaha ka ah ururka inta u dhaxaysa 11-ka ilaa 15-ka Febraayo 2026.<\/p>\n<p><strong>Xaaladda Xiriirka Gobolka<\/strong><\/p>\n<p>Booqashada soo socota ee Addis Ababa ayaa ku soo aadaysa xilli uu Madaxweynuhu 31-kii bishii Janaayo ee aynu ka soo gudubnay ka soo laabtay dalka Itoobiya. Safarradan is-daba-joogga ah ayaa muujinaya dedaallada diblamaasiyadeed ee Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta booskeeda ee fagaarayaasha heer gobol iyo heer qaaradeed, xilli ay Soomaaliya la kulmayso weeraro ka dhan ah Midnimada iyo wadajirka dalkeeda.<\/p>\n<p>Qaahira iyo Addis Ababa ayaa Soomaaliya muhiim u ah waqtigan, hase ahaate labada dal ayaa dhankooda isku laabfurnayn taas oo culays ku ah Muqdisho.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheynaya safarro is-daba-joog ah oo uu ku tegayo dalalka Masar iyo Itoobiya muddada lagu jiro bishan Febraayo. Booqashada Qaahira Sida aan hore u baahinay Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu 7-da bishan Febraayo booqasho rasmi ah ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar. Booqashadan ayaa qayb ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000010350","post","type-post","status-publish","format-standard","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010350","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010350"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010350\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010352,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010350\/revisions\/1000010352"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010350"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010350"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010350"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}