{"id":1000010308,"date":"2026-01-23T10:58:23","date_gmt":"2026-01-23T10:58:23","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010308"},"modified":"2026-01-23T10:58:23","modified_gmt":"2026-01-23T10:58:23","slug":"xog-golaha-mustaqbalka-oo-ku-dhaw-inuu-aqbalo-gogosha-dowladda-federaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2026\/01\/23\/xog-golaha-mustaqbalka-oo-ku-dhaw-inuu-aqbalo-gogosha-dowladda-federaalka\/","title":{"rendered":"Xog: Golaha Mustaqbalka oo ku Dhaw Inuu Aqbalo Gogosha Dowladda Federaalka"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><div>Waxaa magaalada Nayroobi ka dhici doona kulan muhiim ah oo ay yeelanayaan xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo la filayo in laga soo saaro go\u2019aan masiiri ah oo ku aaddan gogoshii wada-hadalka ee ay u fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><strong>Aqbalaadda Gogosha iyo Culeyska Jira<\/strong><\/div>\n<div><\/div>\n<div>Ilo xog-ogaal ah ayaa Somali Stream u xaqiijiyey in inta badan xubnaha Goluhu uu xaglinayaan dhanka aqbalaadda gogoshaas. Isbeddelka mowqifka Golaha ayaa yimid kaddib markii ay arkeen soo-dhoweynta ballaaran ee beesha caalamku u muujisay wada-hadallka Dowladu ku dhawaaqday iyo iyadoo la tixgelinayo marxaladda adag ee dalku marayo oo u baahan xal siyaasadeed.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><strong>Isku-duubnida Golaha iyo Xubnaha Diiddan<\/strong><\/div>\n<div><\/div>\n<div>Sida ay xogtu tilmaamayso, inta badan xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa isku raacsan in fursad la siiyo gogosha dowladda. Inkasta oo ay jiraan xubno ka tirsan hoggaanka GMS oo weli dareen diidmo ah ka qaba qorshahan, haddana waxaa muuqata in la isku raacay inaan la lumin fursadda wada-hadalka, iyadoo la door biday rabitaanka aqlabiyadda xubnaha Golaha oo u hamuun qaba isu-soo-dhowaansho.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><strong>Shuruudaha iyo Guddiga Farsamada<\/strong><\/div>\n<div><\/div>\n<div>Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in marka uu kulanka GMS soo dhammaado, la filayo in la magacaabo Guddi Farsamo. Guddigan ayaa loo xilsaari doonaa inay dowladda kala xaajoodaan;<\/div>\n<ol>\n<li>In marka hore laga heshiiyo ajandaha rasmiga ah, goobta iyo waqtiga kulanka.<\/li>\n<\/ol>\n<p>2. In wada-hadalku uu ahaado mid toos u dhex mara Dowladda Federaalka iyo Golaha \u00a0 \u00a0Mustaqbalka oo kaliya, iyadoo meesha laga saarayo kulan furan oo dhinacyo badan ah.<\/p>\n<div><\/div>\n<div>Go\u2019aankan oo la filayo in laga soo saaro shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee Nayroobi ayaa dhabbaha u xaari doona waji cusub oo wada-hadal ah, kaas oo meesha ka saaraya ismari-waagii siyaasadeed ee muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Waxaana uu kusoo beegmayaa xilli uu dhammaad joogo muddada xilhaynta hay\u2019adaha dastuuriga ah, Madaxtooyadunu ku madhquulsan tahay muddo kordhin iyo dastuur samaysasho.<\/div>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa magaalada Nayroobi ka dhici doona kulan muhiim ah oo ay yeelanayaan xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo la filayo in laga soo saaro go\u2019aan masiiri ah oo ku aaddan gogoshii wada-hadalka ee ay u fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Aqbalaadda Gogosha iyo Culeyska Jira Ilo xog-ogaal ah ayaa Somali Stream u xaqiijiyey in inta badan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010120,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010308","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-uncategorized"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010308","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010308"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010308\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010309,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010308\/revisions\/1000010309"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010120"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010308"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010308"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010308"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}