{"id":1000010228,"date":"2025-12-29T10:00:43","date_gmt":"2025-12-29T10:00:43","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010228"},"modified":"2025-12-29T13:12:25","modified_gmt":"2025-12-29T13:12:25","slug":"israaiil-oo-noqotay-dalka-uga-badan-ee-weerar-ka-fuliyay-dalka-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/12\/29\/israaiil-oo-noqotay-dalka-uga-badan-ee-weerar-ka-fuliyay-dalka-kale\/","title":{"rendered":"Israa\u2019iil oo Noqotay Dalka uga Badan ee Weerar ka Fuliyay Dalal Kale"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Israa\u2019iil ayaa sannadkan noqotay dalka weerarrada ugu badan ka fuliyay dalal kale aduunka oo dhan. Sannadka 2025, ayaaney Israa\u2019iil weerartay ugu yaraan lix dal, kuwaas oo kala ah: Falastiin, Iiraan, Lubnaan, Qadar, Suuriya iyo Yemen. Sidoo kale, Israa\u2019iil ayaa fulisay weerarro badeed oo ka dhacay biyaha dhuleed ee Tuuniisiya, Malta iyo Giriigga, kuwaas oo lala beegsaday doonyo gargaar oo ku sii jeeday Qasa.<br \/>\nSida la gu xusey warbixin ay daabacdey majalada Aljaziira oo xiganeysa hay\u2019adda madaxa-bannaan ee dabagasha colaadaha ACLED (Armed Conflict Location and Event Data), muddadii u dhexeysay 1-da Janaayo ilaa 5-ta Diseembar, Israa\u2019iil waxay fulisay ugu yaraan 10,631 weerar, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah hawlgalladii milatari ee ugu ballaadhnaa ee juqraafi ahaan sanad keliya dhacay.<br \/>\nACLED ayaa ururisa oo diiwaangelisaa xogaha ku saabsan rabshadaha siyaasadeed, bannaanbaxyada iyo dhacdooyin kale ee muhiimka ah, iyada oo ka soo xiganaysa warbaahinaha maxalliga ah, tan qaranka, tan caalamiga ah, iyo hay\u2019ado kale oo caalami ah.<\/p>\n<p>Markii la khariidaynayay weerarrada Israa\u2019iil ee sannadkana, waxaa la shaandheeyay dhacdooyinka qalalaasaha lahaa, ee ay ka midka ahaayeen, duqeymaha cirka iyo drones-ka, madaafiic iyo gantaallo, qaraxyada meelaha fog laga hago, iyo weerarro hubaysan oo kale.<br \/>\nHaseyeeshee xogtan ayaa ku kooban weerarrada tooska ah ee ay fuliyeen ciidamada Israa\u2019iil, balse aanay ku jirin kororka weyn ee weerarrada ay Yuhuuda la deegaameeyey ku hayaan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto. Sidoo kale, waxa aan ku jirin falalka kale ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta sida burburinta guryaha ama howlgallada habeenkii ee si joogto ah u dhacaya.<br \/>\nSi kastaba ha ahaatee Qasa ayaa ah goobta ugu dhimashada badan ee Israa\u2019iil weeradada ka geysatey sanadkan, iyada oo ku dishay in ka badan 25,000 qof, isla markaana dhaawacday ugu yaraan 62,000.<br \/>\nIsraa\u2019iil ayaana jebisay xabbad-joojintii dhaqan gashay 10-ka Oktoobar, boqolaal jeer, taas oo keentay dilka ugu yaraan 400 Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 1,100 kale.<br \/>\nWaxa kale oo ay si isdaba joog ah u jebisay xabbad-joojin hore oo dhacday bilowgii 2025, iyada oo ugu dambayn gebi ahaanba burburtay.<br \/>\nSida ay ACLED sheegtayna, ilaa 5-ta Diseembar 2025, Israa\u2019iil waxay weerartay, Qasa iyo Daanta Galbeed ee la haysto, 8,332 jeer taas oo celcelis ahaan ah 25 weerar maalintii. Weerarradaas ayaana ka kala dhacay 7,024 weerar oo ka dhacay Qasa iyo 1,308 weerar oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto. Israa\u2019iil ayaana burburisey guud ahaanba magaaladda Qasa iyada oo barakicisey ku dhawaad 2 million oo qof.<\/p>\n<p>Dhanka Lubnaana, Inkasta oo ay jirtay xabbad-joojin ay la gashey Xisbullah, Israa\u2019iil waxay sannadkan ka fulisay in ka badan 1,653 weerar gudaha Lubnaan, taas oo celcelis ahaan ah ku dhowaad shan weerar maalintii. Xabad-joojinta oo dhaqangashay bishii Nofeembar 2024, Israa\u2019iil waxay sii waday duqeymo isdaba joog ah, kuwaas oo inta badan ku koobnaa koonfurta Lubnaan, balse sidoo kale gaadhay Dooxada Bekaa iyo duleedka caasimadda Beirut.<br \/>\nCiidamada Israa\u2019iil ayaa weli ku sugan shan goobood oo buuraley istiraatiiji ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, inkasta oo ay hore si rasmi ah ugu ballanqaadeen inay ka baxayaan goobahaas.<br \/>\nSawirro dayax-gacmeed ah oo laga qaaday deegaanka Dhayra ee koonfurta Lubnaan ayaa muujinaya deegaanno dhan oo si buuxda u burburay, kaddib weerarro culus oo ay Israa\u2019iil ka geysatay halkaas.<\/p>\n<p>13-kii Juun, Israa\u2019iil waxa ay weerarro ballaadhan ku qaadey Iiraan, iyada oo adeegsanaysa in ka badan 200 diyaaradood oo dagaal, kuna bartilmaameedsatay tobaneeyo goobood oo ay ka mid ahaayeen xarumaha nukliyeerka, goobo milatari iyo kaabeyaasha muhiimka ah, oo ay ku jirto xarunta nukliyeerka ugu weyn Iiraan ee Natanz.<br \/>\nIntii uu socday iska horimaadkii 12-ka maalmood ahaa, Israa\u2019iil waxay sidoo kale weerartay xaafado ay dad rayid ah degan yihiin, taas oo ay sheegtey in ay ku bartilmaameedsaneysey in la dilo cilmi-baareyaal nukliyeer iyo taliyayaal ciidan.<\/p>\n<p>22-kii Juun, Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu biiray weerarrada, isagoo duqeeyay saddex xarumood oo nukliyeer ah oo kala ah Fordow, Natanz iyo Isfahan.<br \/>\nSuuriyana Sanadkii la soo dhaafay, Israa\u2019iil waxay ku qaaday in ka badan 200 weerar oo ka dhacay gudaha dalkaas, iyada oo inta badan weerarradaasi ay ku beegsatey gobollada koonfureed ee Quneitra, Deraa iyo caasimadda Dimishiq.<br \/>\nInkasta oo Israa\u2019iil ay weerarrada cirka ku haysey Suuriya sannado badan hadana sannadkan ayaa ay sii xoogaysteen, iyada oo mar walba isku dayaysa inay ficilladeeda ku cudurdaarato sheegasho ah inay burburinayso goobo milatari oo Iiraan leedahay.<br \/>\nTan iyo burburkii xukuumaddii Bashaar al-Asad bishii December 2024, Israa\u2019iil waxay sheegtay inay ka hortagayso in hubku u gacan galo waxa ay ugu yeerto \u201cxagjiriin\u201d \u2014 eray ay u adeegsanayso kooxo kala duwan oo isbeddelaya, kuwaas oo ay hadda ugu dambeysay Hay\u2019at Tahrir al-Sham (HTS), oo ah kooxda ugu weyn ee Suuriya ee hoggaamisay hawlgalkii xukunka looga tuuray Bashaar al-Asad.<br \/>\n16-kii July, Israa\u2019iil waxay beegsatay xarunta Wasaaradda Difaaca Suuriya iyo meel u dhow qasriga madaxtooyada ee caasimadda Dimishiq, taasoo si weyn u sii hurisay jiid milatari cusub oo ka curtay gobolka. Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi waxaa lagu arkayaa sawirrada \u201cka hor iyo ka dib\u201d ee la baahiyay.<br \/>\nYemana sanadkii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay\u2019adda ACLED, Israa\u2019iil waxay ugu yaraan 48 weerar ku qaaday kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, oo qiyaastii 1,200km (750 mayl) u jirta Israa\u2019iil.<br \/>\n28-kii Agoosto 2025, duqeymo cirka ah oo ay Israa\u2019iil fulisay ayaa beegsaday kulan ay dowladnimada Xuuthiyiintu ku lahaayeen caasimadda Sanca, waxaana lagu dilay Ra\u2019iisul Wasaaraha Xuuthiyiinta, Axmed al-Rahawi, iyo saraakiil sare oo kale.<br \/>\nIsraa\u2019iil sidoo kale waxay weerartay kaabayaasha ay Xuuthiyiintu maamulaan ee Yemen, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedda Hodeidah, iyo dhowr xarumood oo korontadda laga dhaliyo.<\/p>\n<p>Qadarna, 9-kii Sebtembar, Israa\u2019iil waxay duqeyn ku qaaday caasimadda Dooxa, xilli hoggaanka Xamaas ay halkaas ku lahaayeen kulan ay kaga wada hadlayeen xabbad-joojin uu Maraykanku soo jeediyay oo ku saabsan Qasa.<br \/>\nWeerarku wuxuu ka dhacay xaafadda West Bay Lagoon ee Dooxa, oo ah goob ay ku yaallaan safaarado shisheeye, iskuullo, suuqyo waaweyn, iyo degmooyin ay deggan yihiin muwaadiniinta Qatar iyo ajaanibta dalka ku nool.<\/p>\n<p>Weerarkaasi wuxuu dilay lix qof, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wiilka hoggaamiye sare oo Xamaas ah Khalil al-Hayya, agaasimaha xafiiskiisa, saddex ka mid ah ilaaladiisa, iyo askar amni oo Qatari ah. Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee Xamaas ay ka badbaadeen weerarka.<br \/>\nKaddib weerarkii Israa\u2019iil, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne (executive order) ah oo siinaya Qatar damaanad amni oo cad, haddii ay la kulanto \u201cweerar dibadeed\u201d.<\/p>\n<p>Sidoo kale, sanadkii 2025, waxaa jiray maraakiib gargaar caalami ah (freedom flotillas) oo badan oo u jihaysnaa Qasa, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa gaarsiinta gargaar bani\u2019aadamnimo dadka go\u2019doonsan iyo ka hortagga xayiraadda sharci-darrada ah ee Israa\u2019iil ku hayso Qasa.<br \/>\n2-dii May, markabka Conscience, oo ay maamusho Freedom Flotilla Coalition, ayaa laba jeer lagu garaacay diyaarad-drone hubaysan, isagoo marayey meel u jirta 14 mayl badeed (26km) xeebta Malta. Weerarku wuxuu sababay dab, afar qof ayaana ay soo gaadheen dhaawacyo fudud.<br \/>\n9-kii Sebtembar, Global Sumud Flotilla oo ku sii jeeday Qasa ayaa drone lagu weeraray iyaga oo ku sugnaa dekedda Sidi Bou Said ee Tunisia, taasoo dhalisay dab, balse dhammaan rakaabka iyo shaqaalihii markabka ayaa ka badbaadey.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Israa\u2019iil ayaa sannadkan noqotay dalka weerarrada ugu badan ka fuliyay dalal kale aduunka oo dhan. Sannadka 2025, ayaaney Israa\u2019iil weerartay ugu yaraan lix dal, kuwaas oo kala ah: Falastiin, Iiraan, Lubnaan, Qadar, Suuriya iyo Yemen. Sidoo kale, Israa\u2019iil ayaa fulisay weerarro badeed oo ka dhacay biyaha dhuleed ee Tuuniisiya, Malta iyo Giriigga, kuwaas oo lala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010229,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[27,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010228","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-diblomaasiyadda","8":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010228","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010228"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010228\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010231,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010228\/revisions\/1000010231"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010229"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010228"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010228"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010228"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}