{"id":1000010223,"date":"2025-12-28T08:44:58","date_gmt":"2025-12-28T08:44:58","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010223"},"modified":"2025-12-28T08:46:15","modified_gmt":"2025-12-28T08:46:15","slug":"madaxweynaha-iiraan-maraykanka-israaiil-iyo-yurub-waxay-iiraan-kula-jiraan-dagaal-buuxa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/12\/28\/madaxweynaha-iiraan-maraykanka-israaiil-iyo-yurub-waxay-iiraan-kula-jiraan-dagaal-buuxa\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Iiraan: Maraykanka, Israa\u2019iil iyo Yurub waxay Iiraan Kula Jiraan \u201cDagaal Buuxa\u201d"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in Maraykanka, Israa\u2019iil iyo Yurub ay ku qaadeen dalkiisa \u201cdagaal buuxa\u201d.<\/p>\n<p>Hadalkan oo madaxweynuhu sheegay Sabtidii, ayaa ku soo beegmaya iyada oo la filayo in Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu uu Isniinta kulan la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.<\/p>\n<p>Hadalladan ayaa sidoo kale imanaya lix bilood kaddib markii Israa\u2019iil iyo Maraykanku weerarro ku qaadeen Iiraan, iyo kaddib markii Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska ay bishii Sebtembar dib u soo celiyeen cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saaran Iiraan, taas oo la xidhiidha barnaamijkeeda nukliyeerka.<\/p>\n<p>\u201cAniga aragtidayda, waxaanu kula jirnaa dagaal buuxa oo naga dhan ah Maraykanka, Israa\u2019iil iyo Yurub. Ma doonayaan in dalkeennu uu istaago oo isku filnaado,\u201d ayuu Pezeshkian ku yidhi wareysi uu siiyay bogga rasmiga ah ee Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Cali Khamenei.<\/p>\n<p>\u201cCiidamadeenna qaaliga ah ee milatarigu waxay waajibkooda u gudanayaan si adag, haatana dhinaca qalabka iyo awoodda shaqaalahaba, inkasta oo ay caqabado la kulmeen, way ka xoog badan yihiin xilligii ay [Israa\u2019iil iyo Maraykanku] na soo weerareen,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>\u201cMarkaa haddii ay doonayaan inay mar kale na soo weeraraan, si dabiici ah waxay u la kulmi doonaan jawaab ka sii adag tii hore.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxaanu intaas ku darey in \u201cdagaalkan\u201d uu ka duwan yahay dagaalladii hore.<\/p>\n<p>\u201cDagaalkan wuu ka daran yahay dagaalkii Ciraaq nagu soo qaadday. Haddii si qoto dheer loo fahmo, dagaalkan aad buu uga adag yahay uguna cakiran yahay dagaalkaas,\u201d ayuu yidhi Pezeshkian, isaga oo tixraacaya dagaalkii 1980\u20131988 ee u dhexeeyay labada dal ee deriska ah, kaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.<\/p>\n<p>Maraykanka iyo xulafadiisu waxay Iiraan ku eedeeyaan inay doonayso inay hesho hub nukliyeer ah, eeddaas oo Tehran marar badan beenisay.<\/p>\n<p>Israa\u2019iil iyo Iiraan ayaa bishii Juun galay dagaal socday 12 maalmood, kaas oo ka dhashay weerar aan horay loo arag oo Israa\u2019iil ku qaadday xarumo milatari iyo kuwo nukliyeer oo Iiraan ku yaalla, iyo sidoo kale goobo dad rayid ahi ku nool yihiin.<\/p>\n<p>Weeraradaasi oo sababay khasaare soo gaadhey dad ka badan 1,000 qof, sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiinta Iiraan.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaana markii dambe ku biiray howlgalka Israa\u2019iil, isaga oo duqeeyay saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla Iiraan.<\/p>\n<p>Ku lug lahaanshaha Washington ayaa hakisay wadahadalladii la lahaa Tehran, kuwaas oo billowday bishii Abriil, kuna saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Iiraan.<\/p>\n<p>Tan iyo markii uu bishii Janaayo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Trump wuxuu dib u soo nooleeyay siyaasaddiisii loo yaqaannay \u201ccadaadiskii ugu badnaa\u201d (maximum pressure) ee ka dhanka ahayd Iiraan, taas oo uu bilaabay mudo xileedkiisii hore.<\/p>\n<p>Cadaadiskaas oo uu ku jirey cunaqabataynno dheeraad ah oo loogu talagalay in dhaqaale ahaan loo curyaamiyo dalka, lana jaro dakhliga ka soo xarooda iibka saliidda ee suuqyada caalamka.<\/p>\n<p>Sida ay sheegayaan warbixinno dhowaan soo baxay, marka Netanyahu uu booqdo Trump dhammaadka toddobaadkan xaruntiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida, waxa uu ku cadaadin doonaa in la qaado tallaabooyin militari oo dheeraad ah oo ka dhan ah Iiraan, isaga oo markan diiradda saaraya barnaamijka gantaallada ee Tehran.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in Maraykanka, Israa\u2019iil iyo Yurub ay ku qaadeen dalkiisa \u201cdagaal buuxa\u201d. Hadalkan oo madaxweynuhu sheegay Sabtidii, ayaa ku soo beegmaya iyada oo la filayo in Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu uu Isniinta kulan la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Hadalladan ayaa sidoo kale imanaya lix bilood kaddib markii Israa\u2019iil [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010224,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010223","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010223","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010223"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010223\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010227,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010223\/revisions\/1000010227"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010224"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010223"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010223"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010223"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}