{"id":1000010207,"date":"2025-12-23T14:24:42","date_gmt":"2025-12-23T14:24:42","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010207"},"modified":"2025-12-23T14:24:42","modified_gmt":"2025-12-23T14:24:42","slug":"iran-iyo-israaiil-oo-dagaal-kudhow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/12\/23\/iran-iyo-israaiil-oo-dagaal-kudhow\/","title":{"rendered":"Iran iyo Israa\u2019iil oo Dagaal Kudhow"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa\u2019iil ayaa u muuqata ina ay mar kale cirka isku shareeri doonto, kaddib markii Israa\u2019iil la sheegayo inay diyaarinayso weerar cusub oo ay ku qaaddo Iiraan halka Iiraana ay fulisay xukun dil ah oo lagu riday nin lagu helay basaasnimo una shaqaynayey hay\u2019adda sirdoonka Israa\u2019iil ee Mossad.<\/p>\n<p>Wargeyska Israa\u2019iil ka soo baxa ee Haaretz ayaa ku warramay in Israa\u2019iil ay qorshaynayso weerar ka dhan ah Iiraan. Sarkaal ka tirsan Israa\u2019iil ayaa wargeyska u sheegay in:<br \/>\n\u201cIska horimaadka danbe ee Iiraan uu noqon doono dagaalkii ugu adkaa ee Israa\u2019iil ay abid gasho.\u201d<br \/>\nHadalkan ayaa imanaya xilli Tehran ay sii ballaadhinayso tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka lagu tuhunsan yahay inay la shaqeeyaan Israa\u2019iil, kaddib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee horraantii sanadkan dhex maray Iiraan, Israa\u2019iil iyo Maraykanka.<\/p>\n<p>Iiraan ayaa Sabtidii toogatay Aghil Keshavarz, oo ahaa 27 jir bartay cilmiga naqshadeynta dhismayaasha, kaddib markii Maxkamadda Sare ay xaqiijisay xukunkiisa basaasnimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka garsoorka Iran ee Mizan. Ninkan ayaana horraantii sanadkan lagu qabtay magaalada Urmia isagoo sawiraya xarun ciidan, waxaana lagu eedeeyay inuu fuliyay in ka badan 200 hawlood oo sirdoon oo uu u qabtay Israa\u2019iil, kana dhacay magaalooyin kala duwan oo Iiraan ah.<\/p>\n<p>Hawlgalladaas ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen sawir-qaadista goobo la beegsanayay, sameynta sahanno ra\u2019yi-ururin ah, iyo kormeeridda dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee goobo gaar ah.<br \/>\nDhanka kale, warbaahinta Iiraan ayaa maanta ku warrantay in dhawaqa gantaallada laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan dalka, iyada oo gantaallo lagu arkay hawada magaalada Khorramabad, sidoo kalena la arkay marinnada gantaallada ee Mashhad iyo magaalooyin kale. Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ay ku jiraan heegan sare iyo diyaargarow iyagoo isu diyaarinaya ka hortagga hanjabaadaha ay Israa\u2019iil ku wajahayso Iiraan.<br \/>\nMas\u2019uuliyiinta Iiraan ayaa hore u sheegay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu qaado dalkooda, halka Israa\u2019iilna ay marar badan ku celisay in aysan ogolaan doonin in Iiraan ay sii xoojiso awooddeeda milatari iyo barnaamijyadeeda ammaanka.<\/p>\n<p>Isku darka fulinta xukunnada dilka, hadallada hanjabaadda ah ee ka imanaya Israa\u2019iil, iyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee laga dareemayo gudaha Iiraan, ayaa muujinaya in xiisadda labada dal ay u dhowdahay marxalad halis ah oo isu beddeli karta iska horimaad balaadhan.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa\u2019iil ayaa u muuqata ina ay mar kale cirka isku shareeri doonto, kaddib markii Israa\u2019iil la sheegayo inay diyaarinayso weerar cusub oo ay ku qaaddo Iiraan halka Iiraana ay fulisay xukun dil ah oo lagu riday nin lagu helay basaasnimo una shaqaynayey hay\u2019adda sirdoonka Israa\u2019iil ee Mossad. Wargeyska Israa\u2019iil ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010208,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010207","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010207","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010207"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010207\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010209,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010207\/revisions\/1000010209"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010208"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010207"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010207"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010207"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}