{"id":1000010194,"date":"2025-12-21T11:41:49","date_gmt":"2025-12-21T11:41:49","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010194"},"modified":"2025-12-21T11:41:49","modified_gmt":"2025-12-21T11:41:49","slug":"maraykanka-masar-qatar-iyo-turkiga-ayaa-ka-digey-weerarada-israaiil-ay-wa-wado-qasa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/12\/21\/maraykanka-masar-qatar-iyo-turkiga-ayaa-ka-digey-weerarada-israaiil-ay-wa-wado-qasa\/","title":{"rendered":"Maraykanka, Masar, Qatar iyo Turkiga ayaa ka Digey Weerarada Israa\u2019iil Ay Wa Wado Qasa"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Maraykanka, Masar, Qadar iyo Turkiga ayaa ugu baaqay dhinacyada heshiiska xabbad-joojinta Gaza inay u hoggaansamaan ballanqaadyadooda islamarkaana ay muujiyaan isxakameyn, sida uu sheegay ergeyga sare ee Maraykanka kaddib wadahadallo ka dhacay magaalada Miami ee Maraykanka.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin sare oo ka kala socday afartan dal ee dhexdhexaadiyeyaasha ah ayaa Jimcihii la kulmay Steve Witkoff, oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, si ay dib ugu eegaan wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa\u2019iil iyo Xamaas, kaas oo dhaqan galay 10-kii Oktoobar.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa ku soo beegmay iyada oo ay weli socdaan weerarro ay Israa\u2019iil ka waddo Marinka Gaza. Difaaca Madaniga ah ee Falastiiniyiinta Gaza ayaa sheegay in lix qof oo rayid ah la gu dilay Jimcihii duqeyn ay Israa\u2019iil ka geysatey dugsi ay deggenaayeen dad barakacayaal ah, taasoo tirada Falastiiniyiinta lagu dilay rasaasta Israa\u2019iil tan iyo markii heshiisku dhaqan galay ka dhigaysa ku dhowaad 400 qof.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan mar kale xaqiijinaynaa sida buuxda ee ay nooga go\u2019an tahay dhammaan qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ah ee Madaxweyne Trump, waxaanan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan waajibaadkooda, muujiyaan isxakameyn, isla markaana la shaqeeyaan nidaamyada kormeerka,\u201d ayuu Witkoff ku yidhi bayaanka oo uu ku daabacay barta X.<\/p>\n<p>Bayaanka Sabtidii la soo saaray ayaana xusay horumar ay sheegeen in laga gaadhay wejiga koowaad ee heshiiska nabadda, oo ay ka mid yihiin ballaadhinta gargaarka bani\u2019aadannimo, soo celinta maydadka maxaabiista, qayb ka mid ah ciidanka Israa\u2019iil oo ka baxay Marinka Gaza iyo hoos u dhac ku yimid dagaallada.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu ugu baaqay \u201cin si degdeg ah loo dhiso loona hawlgeliyo\u201d maamul ku-meelgaadh ah, kaas oo la filayo in la hirgaliyo wejiga labaad ee heshiiska, waxaana la sheegay in wadatashiyadu ay sii socon doonaan toddobaadyada soo socda.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee Israa\u2019aal ayaan si buuxda uga bixin dhammaan goobihii ay kaga sugneyd Qasa sida ku cad shuruudaha xabbad-joojinta, iyada oo loo sii faano guranayo in loo gudbo wajiga labaad ee heshiiska. Waxaana wejiga labaad ee qorshaha ku xusan in maamul ku-meelgaadh ahni uu xukumo dhulka Falastiiniyiinta, Xamaasna guud ahaanba meesha laga saaro, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in la geeyo ciidan caalami ah oo xasilinta ka qaybqaata.<\/p>\n<p>Jimcihii la soo dhaafayna Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa muujiyay rajo ah in dalal hor lihi ay ku biiriyaan ciidamo xasilinta, hase yeeshee waxa uu sidoo kale uu ku baaqay in Xamaas hubka laga dhigo, isaga oo ka digay in geeddi-socodku burburi karo haddii arrintaas la hirgelin waayo.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, kulan u dhexeeyay madaxa wada-xaajoodka Xamaas, Khalil al-Hayya, iyo madaxa sirdoonka Turkiga, Ibrahim Kalin oo ka qabsoomay magaalada Istanbul Sabtidii ayaa bayaan ay Xamaas ka soo saartay<br \/>\nlagu sheegay in kooxdaasi ay ka go\u2019an tahay u hoggaansanaanta heshiiska xabbad-joojinta, inkasta oo ay sheegeen in ay weli jirto ku-xadgudubyo ay Israa\u2019iil sameyneyso heshiiska.<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu adkeeynaynaa baahida degdegga ah ee loo qabo in la joojiyo ku-xadgudubyadan joogtada ah,\u201d ayaa bayaanku yidhi, waxaanu ku daray.<br \/>\n\u201cWafdigu sidoo kale wuxuu dib u eegayaa xaaladda bani\u2019aadannimo ee sii xumaanaysa ee Marinka Gaza iyada oo uu billowday jiilaalku, isagoo carrabka ku adkeeyay mudnaanta ugu sarreysa ee ah in si degdeg ah loo soo geliyo teendhooyin, gawaadhi, guryo ku-meelgaadh ah (caravans), iyo qalab culus, si loo ga hortago dhimasho ka timaadda qabowga iyo daadadka, maadaama ay burbureen kaabayaashii iyo guryihii caadiga ahaa.\u201d<\/p>\n<p>Duufaannada jiilaalka ayaa sii xumeeyey xaaladda boqolaal kun oo Falastiiniyiin barakac ah oo ku sugan Gaza, iyada oo hay\u2019adaha gargaarku ka digayaan in xayiraadaha Israa\u2019iil ee hor taagan gargaar naf-badbaadin oo gaadha dadka ku nool guud ahaan Marinka go\u2019doonsan.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maraykanka, Masar, Qadar iyo Turkiga ayaa ugu baaqay dhinacyada heshiiska xabbad-joojinta Gaza inay u hoggaansamaan ballanqaadyadooda islamarkaana ay muujiyaan isxakameyn, sida uu sheegay ergeyga sare ee Maraykanka kaddib wadahadallo ka dhacay magaalada Miami ee Maraykanka. Mas\u2019uuliyiin sare oo ka kala socday afartan dal ee dhexdhexaadiyeyaasha ah ayaa Jimcihii la kulmay Steve Witkoff, oo ah ergeyga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010195,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010194","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010194","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010194"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010194\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010196,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010194\/revisions\/1000010196"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010195"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010194"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010194"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010194"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}