{"id":1000010175,"date":"2025-12-18T14:53:42","date_gmt":"2025-12-18T14:53:42","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010175"},"modified":"2025-12-18T14:53:42","modified_gmt":"2025-12-18T14:53:42","slug":"turkiga-oo-badda-madow-uga-digay-ruushka-iyo-ukraine","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/12\/18\/turkiga-oo-badda-madow-uga-digay-ruushka-iyo-ukraine\/","title":{"rendered":"Turkiga oo Badda Madow uga Digay Ruushka iyo Ukraine"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Turkiga ayaa uga digay Ruushka iyo Ukraine arrimaha la xidhiidha ammaanka Badda Madow, kaddib markii ciidanka cirka Turkiga ay soo rideen diyaarad drone ah oo soo gashay hawada Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi.<\/p>\n<p>Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa la diray Isniintii, kaddib markii drone \u201cxakamaha goosatay\u201d ay aad ugu soo dhawaatey hawada Turkiga, islamarkaana ay ka timid dhanka Badda Madow. Mas\u2019uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in drone-ka lagu soo riday meel ammaan ah si loo ilaaliyo rayidka iyo isu-socodka diyaaradaha.<\/p>\n<p>Dhacdadan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Badda Madow, gaar ahaan kaddib weerarro ay Ukraine ku qaadday maraakiib shidaal oo Ruush ah oo ka tirsan waxa loo yaqaan \u201cshadow fleet\u201d, kuwaas oo ku sugnaa xeebaha Turkiga. Turkiga ayaana horey uga digay in dagaalka Ukraine uu ku fidi karo gobolka Badda Madow.<\/p>\n<p>Sidoo kale, weerarro hore oo ay Ruushku ka fuliyeen dekedaha Ukraine ayaa sababay in markab ay leeyihiin Turkiga oo siday sahay cunto ah uu dab qabsado, isla markaana uu waxyeello ka soo gaadho, kaddib duqeyn lagu qaaday dekedaha Chornomorsk iyo Odesa. Turkiga ayaa arrintaas si weyn uga walaacsan, maadaama ay khatar ku tahay ganacsiga, maraakiibta rayidka ah iyo ammaanka isu-socodka badda.<\/p>\n<p>\u201cMaadaama uu wali socdo dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka, annaga oo ah dhinacyada ay khusayso waxaanu u sheegaynaa labada dhinacba inay aad uga taxaddaraan dhacdo kasta oo si taban u saameyn karta ammaanka Badda Madow,\u201d ayay wasaaraddu tidhi. Hase yeeshee, mas\u2019uuliyiinta Turkigu ma ay shaacin halka uu drone-ku ka yimid.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in walaxda la soo riday ay u badan tahay inay u kala jabtay qaybo yaryar oo ku firdhay dhul ballaadhan, taasoo adkaynaysa in si fudud loo aqoonsado. Hawlgallada baarista iyo falanqaynta farsamo ayaa weli socda, ayay tidhi.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Turkiga ayaa uga digay Ruushka iyo Ukraine arrimaha la xidhiidha ammaanka Badda Madow, kaddib markii ciidanka cirka Turkiga ay soo rideen diyaarad drone ah oo soo gashay hawada Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi. Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa la diray Isniintii, kaddib markii drone \u201cxakamaha goosatay\u201d ay aad ugu soo dhawaatey hawada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010178,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010175","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010175","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010175"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010175\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010179,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010175\/revisions\/1000010179"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010178"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010175"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010175"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010175"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}