{"id":1000010084,"date":"2025-12-02T11:50:26","date_gmt":"2025-12-02T11:50:26","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010084"},"modified":"2025-12-02T11:50:26","modified_gmt":"2025-12-02T11:50:26","slug":"kulankii-yukrayn-lagu-qaybsan-lahaa-oo-moskow-ka-dhacaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/12\/02\/kulankii-yukrayn-lagu-qaybsan-lahaa-oo-moskow-ka-dhacaya\/","title":{"rendered":"Kulankii Yukrayn Lagu Qaybsan Lahaa oo Moskow ka Dhacaya"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta ku qaabili doona magaalada Moscow wakiilka gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff, kaddib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu \u201caad u gu rajo wanaagsan yahay\u201d in la gaadhayo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.<\/p>\n<p>Jared Kushner, oo ah seyga gabadha uu dhalay Donald Trump isla markaana door \u201clataliye dibadeed ah\u201d ku lahaa wada-hadallada diblomaasiyadda, ayaa isna la filayaa inuu ka soo qayb galo kulanka.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa waxa uu daba socdaa labo maalmood oo wada-xaajoodyo ah oo ka dhacay Florida, kuwaas oo dhex maray mas\u2019uuliyiinta Ukraine iyo kuwa Mareykanka oo ay ku jiraan Witkoff iyo Kushner si loo hagaajiyo qorshaha nabadeed ee Mareykanku hoggaaminayo, kaas oo markii hore loo arkayay mid u janjeedha dhanka Ruushka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku tilmaamay wada-hadalladaasi \u201ckuwo waxtar leh\u201d, balse wuxuu sheegay in weli ay jiraan \u201cqodobo adag oo u baahan in la sii marsiiyo shaqo kale\u201d.<\/p>\n<p>Afhayeenka Ruushaka Dmitry Peskov oo Isniintii kula hadlayay saxaafadda magaalada Paris kaddib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa yidhi Zelenskyy wuxuu sheegay in mudnaanta Ukraine ay tahay in la ilaaliyo madax-bannaanida dalkiisa iyo in la helo dammaanad amni oo xooggan. Wuxuuna kale oo sheegay in \u201carrinta dhulka\u201d ay tahay qaybta ugu adag ee heshiiska nabadda, maadaama Ruushku uu wali dalbanayo in Ukraine ay ka tanaasusho dhul ay weli maamusho taasna ay Kyiv si cad u sheegtay inaanay marnaba aqbali doonin.<\/p>\n<p>Wada-hadallada Moscow ayaa imanaya saacado kaddib markii mas\u2019uuliyiinta Ruushku ku dhawaaqeen inay qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Pokrovsk (oo ay Ruushku ugu yeedhaan Krasnoarmeysk) iyo magaalada xuduudda ee Vovchansk ee waqooyi-bari Ukraine.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Ukraine kama aysan hadlin sheegashadaasi, halka hay\u2019adaha madaxa banaan ee lagu kormeero jiidda hore ay soo wariyeen inaanay weli si buuxda midkoodna u qabsan.<\/p>\n<p>Madaxa xarunta Ukraine ee ka hortagga marin-habaabinta, Andriy Kovalenko, ayaa sheegay in ujeeddada Ruushku ay u muuqato inay tahay in culeyska qorshaha nabadeed ee Mareykanka lagu saarayo oo keliya Ukraine.<\/p>\n<p>Ruushka ayaa ku dhawaad sannad iyo badh isku dayayay inuu qabsado Pokrovsk, waxaana uu soo daayay muuqaal uu Putin booqanayo xarun amarka dagaalka, isaga oo sheegay in ciidamada Ruushku \u201chorumar sameeyeen meel muhiim ah oo aan dhammaanteen fahamsanahay sida ay muhiim u tahay\u201d.<\/p>\n<p>Kahor inta uusan u safrin Moscow, Witkoff wuxuu sidoo kale la kulmay Ra\u2019iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, Zelenskyy, iyo diblomaasiga cusub ee Ukraine Rustem Umerov, halka qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ay si muuqaal ah uga qeyb galeen kulanka.<\/p>\n<p>Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa Isniintii sheegtay in \u201cqorshaha nabadeed aad loo habeeyay\u201d, iyada oo intaas ku dartay: \u201cWaxaan dareemeynaa rajo wanaagsan, waxaana rajeyneynaa in dagaalkan ugu dambeyn dhamaado.\u201d<\/p>\n<p>Toddobaadkii hore Putin wuxuu sheegay inuu arkay nuqulka qorshaha nabadeed ee Mareykanku soo jeediyay, kaas oo uu ku tilmaamay \u201casal ahaan\u201d inuu noqon karo saldhigga heshiis ee mustaqbalka.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Ruushku wuxuu shaki geliyay inuu aqbali doono qorshahaas kaddib markii Ukraine iyo saaxiibbadeeda Yurub ay ku guuleysteen inay wax ka beddelaan qodobbo muhiim ah.<br \/>\nMadaxweynaha Faransiiska, Macron, ayaa sheegay in \u201caysan jirin weli qorshe nabadeed oo la dhammeeyay\u201d, isagoo adkeeyay in qorshe kasta ay khasab tahay inuu ku yimaado oggolaanshaha Ukraine iyo Yurub.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in arrinta dhulka \u201ckeligeed uu go\u2019aamin karo madaxweyne Zelenskyy\u201d, isla markaana waxa uu xusay in arrimaha ku saabsan hantida Ruushka ee la xayiray, dammaanadaha amniga, iyo xubinnimada Ukraine ee EU ay yihiin qodobo ay tahay in dalalka Yurub ka wada hadlaan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Faransiisku wuxuu sidoo kale amaanay dadaallada maamulka Trump ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, kaas oo bilaabmay 2014 markii Ruushku si sharci-darro ah u qabsaday Crimea, balse faraha ka baxdey 2022 markii uu si rasmi ah u bilowday dagaalku.<\/p>\n<p>Kaja Kallas, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee EU, ayaa sheegtay in toddobaadkani uu noqon doono \u201cmid go\u2019aan la gu gaadho\u201d, balse waxay ka digtay in Ruushku doonayo kaliya inuu la xaajoodo \u201ckuwa wax ugu kordhinaya wixii ay hore u qabsadeen\u201d. Waxayna intaas ku dartey: \u201cWaxaan ka baqayaa in culeyska oo dhan lagu saaro dhinaca jilicsan, maxaa yeelay waa sida kaliya ee dagaalka lagu joojin karo; haddii Ukraine is dhiibto, taasina dan uma aha qofna.\u201d<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta ku qaabili doona magaalada Moscow wakiilka gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff, kaddib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu \u201caad u gu rajo wanaagsan yahay\u201d in la gaadhayo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine. Jared Kushner, oo ah seyga gabadha uu dhalay Donald Trump isla markaana door \u201clataliye [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010085,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010084","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010084","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010084"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010084\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010086,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010084\/revisions\/1000010086"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010085"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010084"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010084"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010084"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}