{"id":1000010063,"date":"2025-11-26T14:33:57","date_gmt":"2025-11-26T14:33:57","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010063"},"modified":"2025-11-26T16:20:41","modified_gmt":"2025-11-26T16:20:41","slug":"maxaad-ka-taqaanaa-black-friday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/26\/maxaad-ka-taqaanaa-black-friday\/","title":{"rendered":"Maxaad ka Taqaanaa Black Friday?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Waa maalinta ugu weyn ee qiimo-dhimisyada sanad kasta ka dhacda dunida, taas oo billaabata Jimcaha ku xigta maalinta (Thanksgiving) ka ee Mareykanka. Inkastoo asalkeedu yahay Mareykanka, maanta waxay noqotay dhacdo ganacsi oo caalami ah oo ay si firfircoon uga qeyb qaataan shirkadaha waaweyn, dukaamada yaryar, iyo goobaha wax lagu kala gato ee internetka ee adduunka oo idil.<\/p>\n<p><strong>Asalka magaca (1960-kii) \u2013 Philadelphia<\/strong><\/p>\n<p>Magaca \u201cBlack Friday\u201d wuxuu markii ugu horreysay ka soo muuqday magaalada Philadelphia dabayaaqadii 1960-kii. Booliiska magaalada ayaa magacaas u adeegsaday iyadoo ay dadka aad u badnaayeen oo ay wadooyinka ciriiri noqon jireen maalinta Jimcaha ka dambeysa Thanksgiving-ka dadka oo u socda dukaameysi iyo daawashada ciyaaraha Army vs Navy.<br \/>\nBooliska iyo ganacsatada magaalada ayaa marka dambe si joogto ah u isticmaalay magaca.<\/p>\n<p>Dukaamada waaweyn ee Mareykanka sida: Macy\u2019s, Walmart iyo Sears ayaa bilaabay inay maalintan ka dhigaan maalin faa\u2019iido badan, iyagoo bixinaayey qiimo-dhimisyo waaweyn.<br \/>\nInta badan warbaahinta Mareykanka ayaa soo qaadatay magaca, waxaana uu noqday dhacdo qarameed intii u dhaxaysay 1975 \u2013 1985.<\/p>\n<p>Maalintan waxaa lagu yaqaan hoos u dhigidda qiimaha oo gaarta heerar aan caadi ahayn, mararka qaarkoodna gaaraya ilaa 70% ama ka badan. Taasi waxay sababtaa in malaayiin qof ay sugaan maalintan si ay u helaan alaabo muddo dheer ay sugayeen laga bilaabo elektarooniga casriga ah illaa dharka, qalabka guriga, iyo adeegyo kala duwan oo online ah.<\/p>\n<p><b>Goorma ayuu dunida ku faafay Black Friday?<\/b><\/p>\n<p>Bilowgii sanadka 2000, ganacsiga internetka sida: Amazon, eBay ayaa si xoog leh u bilaabay Black Friday online. Tani waxay ka dhigtay in dalal kale ay arkaan fursadda qiimo-dhimista oo aysan u baahnayn inay Mareykanka joogaan.<\/p>\n<p><b>2010-kii \u2013 Dunida oo si rasmi ah u qaadatay<\/b><\/p>\n<p>Intii u dhaxaysay 2010 \u2013 2015, Black Friday wuxuu gaaray: Yurub, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika .<br \/>\nIn badan oo ka mid ah dalalkan ma aysan lahayn (Thanksgiving), balse waxay qaateen qiimo-dhimisyada Black Friday maadaama ay ganacsi ahaan u faa\u2019iido badan tahay.<\/p>\n<p>Dadka qaarkood waxay isugu soo baxaan dukaamada waaweyn, iyaga oo safaf dhaadheer ku jira saacado badan si ay u helaan heshiisyada ugu horreeya. Kuwo kalena waxay door bidaan inay ka dukaameystaan internetka, taas oo u fududeysay in Black Friday uu noqdo dhacdo si dhab ah u mideysa dadka kala fog ee dunida ku kala nool.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, maalintan waxay isu beddeshay dhaqan dhaqaale oo dunida oo dhan laga wada sugo, iyadoo mar kasta loo eegayo fursad, tartan, iyo maalinta ugu weyn ee wax iibsiga ee sanadka.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waa maalinta ugu weyn ee qiimo-dhimisyada sanad kasta ka dhacda dunida, taas oo billaabata Jimcaha ku xigta maalinta (Thanksgiving) ka ee Mareykanka. Inkastoo asalkeedu yahay Mareykanka, maanta waxay noqotay dhacdo ganacsi oo caalami ah oo ay si firfircoon uga qeyb qaataan shirkadaha waaweyn, dukaamada yaryar, iyo goobaha wax lagu kala gato ee internetka ee adduunka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010064,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[23],"tags":[],"class_list":["post-1000010063","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-warbixinno-gaar-ah"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010063","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010063"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010063\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010069,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010063\/revisions\/1000010069"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010064"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010063"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010063"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010063"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}