{"id":1000010047,"date":"2025-11-23T13:17:45","date_gmt":"2025-11-23T13:17:45","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010047"},"modified":"2025-11-23T13:17:45","modified_gmt":"2025-11-23T13:17:45","slug":"natiijadii-cop30-oo-la-isku-khilaafay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/23\/natiijadii-cop30-oo-la-isku-khilaafay\/","title":{"rendered":"Natiijadii COP30 oo La Isku Khilaafay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Shirkii sannadlaha ahaa ee Cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa laba todobaad kadib ku soo dhammaaday heshiis ku baaqaya in la qaado tallaabooyin lagu wajahayo kulaylka adduunka, haseyeeshii sidii la filayey la iskuma afgaran in si buuxda loo joojiyo isticmaalka shidaalka fosil-ka ee laga soo saaro dhulka.<\/p>\n<p>Kadib laba toddobaad oo dood kulul, shirar iyo wadaxaajoodyo ka socday shir-madaxeedka COP30 ee ka dhacay magaalada Belem ee dalka Brazil, hoggaamiyeyaasha caalamku ayaa Sabtidii ku heshiiyey qaraar ku baaqaya in dalalka dunida ay \u201csi weyn u dardargeliyaan oo u ballaadhiyaan tallaabooyinka la dagaalanka isbedelka cimilada\u201d.<br \/>\nQoraalku wuxuu soo bandhigayaa ballanqaadyo iyo tallaabooyin dhowr ah \u2014 oo ay ku jirto baaq ah in dalalka horumaray ay saddex-laabaan dhaqaalaha ay siiyaan dalalka saboolka ah si ay uga falceliyaan dhibaatooyinka cimilada \u2014 balse kuma xusna in la joojiyo shidaalka fosil-ka.<\/p>\n<p>Dalal dhowr ah ayaana dalbanayay in heshiiska COP30 uu qeexo hannaan looga baxayo ku tiirsanaanta batroolka, gaasta iyo dhuxul dhagaxda oo ah kuwa ugu waaweyn ee sababa dhibaatooyinka cimilada hase yeeshee dalal badan oo ku tiirsan shidaalka fosil-ka ayaa arrintaas ka hor yimid.<\/p>\n<p>In kasta oo qaar ka mid ah khubarada iyo dadka la socda shirka ay sheegeen in heshiisku yahay tallaabo hore loo qaaday oo ku wajahan la tacaalidda dhibaatooyinka cimilada, hadana qaar kale ayaa ku dooday in COP30 uu ka hooseeyay natiijadii la filayey islamarkaasna aanu si cad u wajihin halka ay salka ku haysey dhibaatadu dhab ahaan.<\/p>\n<p>Halkan ka akhrido sida ay uga falceliyeen heshiiska qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka iyo u-doodayaasha cimiladu.<\/p>\n<p><strong>Madaxweynaha COP30 Andre Aranha Correa do Lago <\/strong><\/p>\n<p>\u201cWaxaan ogahay in qaar idinka mid ahi aad sugeyseen himilo ka ballaaran arrimaha qaraarka ku xusan. Waan ogahay in bulshada rayidka ahi ay naga dalban doonaan inaan wax badan qabanno si aan ula dagaallanno isbedelka cimilada. Waxaan rabaa inaan mar kale idin xusuusiyo inaan isku dayi doono inaan idin niyad jebin inta aan xilkan hayo,\u201d ayuu yiri intii lagu jiray kulankii xiritaanka Sabtida. \u201cWaxaan u baahanahay qorsheyaal cad oo bini\u2019aadamku ugu gudbi karo ku-tiirsanaanta shidaalka fosil-ka, kuna joojiyo jarista kaymaha, isla markaana u helo maalgelin arrimahan loogu talagalay,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>\u201cAniga oo ah madaxweynaha COP30, waxaan abuuri doonaa laba qorshe: mid ku saabsan joojinta jarista kaymaha; iyo mid kalena ku saabsan ka guuritaanka shidaalka fosil-ka si caddaalad, nidaam iyo sinnaani ku jirto.\u201d<\/p>\n<p><strong>Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres<\/strong><\/p>\n<p>Antonio Guterres waxa uu sheegey in \u201cCOP30 ay horumar sameysey,\u201d<br \/>\nWaxaanu intaas ku darey, \u201cLaakiin COP-yadu waxay ku dhisan yihiin wadatashi\u2014waana arrin adkaata marka dunidu ku kala qaybsan tahay siyaasado. Ma odhan karo COP30 wuxuu keenay wax walba oo loo baahnaa. Farqiga u dhexeeya meesha aan joogno iyo waxa cimiladu dalbaneyso weli aad bay u kala weyn yihiin,\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaan fahamsanahay inay jiraan dad badan oo niyad jabsan \u2014 gaar ahaan dhalinyarada, dadka asaliga ah iyo kuwa la daalaa dhacaya \u2018jahawareerka cimilada\u2019. Xaqiiqda ah in xadka la dhaafi doono waa digniin cad: waxaan ku dhowaanaynaa meelo isbeddel aan laga noqon karin.\u201d<\/p>\n<p><strong>Wopke Hoekstra, Guddoomiyaha Cimilada ee Midowga Yurub<\/strong><\/p>\n<p>\u201cMa qarinayno inaan doonaynay wax ka badan intan; in la yeesho himilo ka weyn dhammaan qodobada,\u201d ayuu u sheegay suxufiyiinta.<br \/>\n\u201cMa aha heshiis qumman, laakiin waa tallaabo aad muhiim u ah oo jidka saxda ah loo qaaday.\u201d<\/p>\n<p><strong>Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro<\/strong><\/p>\n<p>\u201cMa aqbalayno in bayaanka COP30 uusan si cad u sheegin\u2014sida saynisku sheegay\u2014 in sababta masiibada cimiladu tahay shidaalka fosil-ka ee ay adeegsadaan dawladaha iyo shirkaduhu. Haddii taas aan la sheegin, wax kasta oo kale waa munaafaqnimo,\u201d ayuu ku qoray baraha bulshada.<\/p>\n<p>\u201cNolosha meeraha, oo ay ku jirto taada iyo taydu, waxay suurtogal ku tahay oo keliya haddii aan isaga tagno saliidda, dhuxuldhagaxda, iyo gaaska dabiiciga ah. Saynisku taas wuu muujiyay, anna kama indho li\u2019i.\u201d<\/p>\n<p>\u201cColombia waxay kasoo horjeeddaa bayaan COP30 oo aan dunida u sheegin xaqiiqda sayniska.\u201d<\/p>\n<p><strong>Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cuba Bruno Rodriguez Parrilla<\/strong><\/p>\n<p>\u201cIn kasta oo natiijooyinku ka hooseeyeen filashadii, COP-ka Belem wuxuu xoojinayaa muhiimadda wada-shaqaynta caalamiga ah ee la tacaalidda caqabadaha waaweyn sida #isbedelcimileed,\u201d ayuu ku qoray X.<\/p>\n<p>\u201cWaxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah baaqa ah in dalalka horumaray ay bixiyaan maalgelin la-qabsiga cimilada ee dalalka soo koraya, ugu yaraan saddex-laab heerarka hadda lagu bixiyo marka la gaaro 2035; dejinta hannaan taageera dalalka ku tiirsan shidaalkaas marka ay ka guurayaan shidaalka fosil-ka; iyo ballanqaadka dalalka hodanka ah inay gutaan waajibaadkooda Paris Agreement-ka.\u201d<\/p>\n<p><strong>Shiinaha<\/strong><\/p>\n<p>\u201cWaan ku faraxsanahay natiijada,\u201d ayuu yiri Li Gao, oo ah madaxda wafdiga Shiinaha, sida ay sheegtay warbaahinta AFP.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku guulaysanay arrintan, taasoo sheegeysa in beesha caalamku rabto inay muujiyaan midnimo islamarkaana si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada isbedelka cimilada.\u201d<\/p>\n<p>Ururka Jasiiradaha Yaryar (Alliance of Small Island States)<\/p>\n<p>Kooxda metelaysa 39 dal oo jasiirado yar-yar iyo dalal xeebaha hoose ku yaal waxay ku tilmaameen heshiiska \u201cmid aan dhammaystirnayn,\u201d balse haddana ah \u201ctallaabo horumar ah\u201d.<\/p>\n<p>\u201cUgu dambeyn, tani waa riixitaanka iyo jiiditaanka wada-shaqaynta caalamiga ah. Waa fursadda ay dal walba ku maqlo oo uu la maqlo aragtida kuwa kale, loo wada shaqeeyo, loo dhiso kalsooni, loona gaadho meel dhexe,\u201d ayay ku yidhaahdeen bayaan.<\/p>\n<p><strong>Amnesty International<\/strong><\/p>\n<p>Ann Harrison, oo ah la-taliyaha caddaaladda cimilada ee Amnesty, ayaa sheegtay in Brazil\u2014martigeliyaha COP30\u2014ay samaysay dadaal xooggan si \u201ccod walba loo maqlo, ka-qaybgalkana loo balaadhiyo,\u201d arrintaas oo ay tilmaantay in lagu daydo.<br \/>\nSi kastaba, waxay sheegtay in \u201cawooda shacabka\u201d ay ka caawisay inay gaadho \u201cballanqaadka ah in la sameeyo hannaan cadaaladeed oo kala guurka ilaaliya xuquuqda shaqaalaha, bulshada iyo dadka kale ee ay saamayntu ku dhacdo marka laga guurayo shidaalka fosil-ka.\u201d<\/p>\n<p>Oxfam Viviana Santiago, agaasimaha Oxfam Brasil, ayaa sheegtay in COP30 uu bixiyay \u201cdhimbiil rajo ah balse xanuun badan\u201d maadaama oo dedaalada hoggaamiyeyaasha caalamku weli ka hooseeyaan heerka lagama maarmaanka u ah badbaadada meeraha.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkii sannadlaha ahaa ee Cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa laba todobaad kadib ku soo dhammaaday heshiis ku baaqaya in la qaado tallaabooyin lagu wajahayo kulaylka adduunka, haseyeeshii sidii la filayey la iskuma afgaran in si buuxda loo joojiyo isticmaalka shidaalka fosil-ka ee laga soo saaro dhulka. Kadib laba toddobaad oo dood kulul, shirar iyo wadaxaajoodyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010048,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000010047","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010047","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010047"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010047\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010049,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010047\/revisions\/1000010049"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010048"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010047"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010047"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010047"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}