{"id":1000010022,"date":"2025-11-20T09:08:15","date_gmt":"2025-11-20T09:08:15","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000010022"},"modified":"2025-11-20T09:08:36","modified_gmt":"2025-11-20T09:08:36","slug":"aanada-mudug-aafada-cusub-ee-gaalkacyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/20\/aanada-mudug-aafada-cusub-ee-gaalkacyo\/","title":{"rendered":"AANADA MUDUG \u2013 AAFADA CUSUB EE GAALKACYO"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>HORDHAC<\/p>\n<p>Labadii sano ee la soo dhaafay, magaalada\u00a0Gaalkacyo\u00a0iyo guud ahaan\u00a0gobolka Mudug\u00a0waxaa ku soo noqnoqday colaado dhiig badan ku daateen oo salka ku haya\u00a0aano qabiil. Dhibaatadan ayaa gaartay heer ay saameyso guri kasta, qoys kasta, iyo qof kasta \u2014 iyadoo ay adkaatay in la helo cid gebi ahaanba ka badbaaday.<\/p>\n<p>Beelaha ku dhaqan qaybta ay magaalada ka maamusho\u00a0Puntland, qabiilada dagan marka laga dhigo shan qaybood, waa\u00a0Daarood, Carab Saalax, Madhibaan, Shiikhaal,\u00a0iyo\u00a0Dir. Dhammaan beelahan waxaa si toos ah u taabtay aanadaas, taas oo bulshada reer Mudug u noqotay\u00a0aafada cusub ee gobolka.<\/p>\n<p><strong>SABABAHA DHALIYAY AANADA SOO NOQNOQOTAY<\/strong><\/p>\n<p>Marka la baaro xididdada mushkiladda, bulshada Gaalkacyo waxay tilmaameen sababo dhowr ah. Haddaba, halkan waxaa lagu soo koobay\u00a012 sababood oo waaweyn:<\/p>\n<p>1:Cadaalad darro\u00a0\u2013 Dhibanaha oo xaqiisa ku waaya nidaamka xeerka beelaha ee mararka qaarkood qalafsanaada, iyadoo si xun loo maareeyo dhacdo la isaga soo heyday.<\/p>\n<p>2:Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsada\u00a0\u2013 Dambiilaha oo aan la soo qaban, kuna magan gala ehelkiis degaannada Mudug ama dhoof ku baxsada.<\/p>\n<p>3:Mag la kala qaato oo aan raalli la iskaga ahayn\u00a0\u2013 Qoyska dhibbanaha oo aan helin mag cadaalad ah, ama oggolaansho la\u2019aan lagu khasbo in ay qaataan mag.<\/p>\n<p>3:Xeer dhaqameed si qaldan loo adeegsado\u00a0\u2013 Marka labada reer wax iska dilaan, midkood oo diida inuu qaato xeer cusub oo aan dhaqanka beeshiisu aqoon.<\/p>\n<p>4:Tabar-darrida dowladda\u00a0\u2013 Booliska iyo hay\u2019adaha amniga oo aan awoodin qabashada gacan-ku-dhiiglaha.<\/p>\n<p>5:Kicinta bulshada\u00a0\u2013 Baraha sida\u00a0TikTok\u00a0iyo\u00a0Facebook\u00a0oo laga kiciyo colaadda, kana qaata doorkii shaydaanka.<\/p>\n<p>6:Suluxii oo la waayey\u00a0\u2013 Odayaasha iyo culimada dhaqanka oo aan doorkoodii buuxin, isla markaana waxaa yaraaday dadkii sulaxa gali jiray.<\/p>\n<p>7:Akhlaaq iyo ehelnimo luntay\u00a0\u2013 Is-aaminaaddii bulshada oo meesha ka baxday, isu-turkii iyo is-xeerintii oo la waayey.<\/p>\n<p>8:Faragelinta kooxaha hubeysan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya\u00a0\u2013 Kooxo hubeysan oo xeelado u adeegsada si ay bulshada u kala fogeeyaan.<\/p>\n<p>9:Isku-dirayaal gudaha iyo dibadda jooga\u00a0\u2013 Kuwo abaabula colaadda oo maalgelin siiya dadka dhibaatooyinka wada.<\/p>\n<p>10:Garsoor aan wax-qabad lahayn\u00a0\u2013 Maxkamado aan awoodin xukunnada dilka iyo dambiyada culus.<\/p>\n<p>11:Nidaam la\u2019aan iyo ku tuman sharci\u00a0\u2013 Qof walba oo u dhaqmaya si gaar ah iyadoo aan la hayn hal nidaam mideeya bulshada.<\/p>\n<p><b>SAAMAYNTA AANADA SOO NOQNOQOTAY<\/b><\/p>\n<p>1:UURKU TAALO:Dhaxalka colaadaha mar walba waa\u00a0gumaad, barakac, iyo burbur bulsho. Waxaa laga dheefsadaa uur-ku-taallo, caloolyow, iyo gargarkii oo bilaash u go\u2019a.<\/p>\n<p>2:Luminta Haldoorka:Waxaa dhimatay ganacsato, dhakhaatiir, arday qalin beddeshay, iyo dad bulshada muhiim u ahaa. Ganacsato ayaa la dilay, kuwo ayaa cararay, kuwa kalena qoryo lagu wardiyeeyo ayaa goobahoodii shaqo fadhiya. Dhibka iyo mashaqadu qof walba way gaartay.<\/p>\n<p>3:Is-aaminaaddii bulshada: waxaa \u00a0 burburtay is aaminaadii Qofba qofkii saaxiibkii ahaa ayuu ka dhuuntay, sababtoo ah labadooda qoys ayaa is dilay. Waxaa la gaaray heer qofka lagu bartilmaameedsado magaca qabiilkiisa, waxaa fadhigii goobaha bulshada ku kala go&#8217;ay saaxiibo sheeko wadaag ahaa.<\/p>\n<p>4:Carar:Shaqooyinkii, qoysaskii, iyo himilooyin badan ayaa laga huleelay dadkii hayeyna ka carareen inay bartilmaameed noqdaan . Qaar ayaa u qaxay dhul cusub, nolol cusubna bilaabay. Kuwo kale ayaa ku haray cabsi iyo hubsiimo la\u2019aan.<\/p>\n<p>5:Waxbarashadii:Goobihii waxbarashada ayaa hoos u dhacay, sababtoo ah arday iyo macallimiin muhiim ah ayaa ka baxay deegaanka naftan magan galyo la raadsaday Bulshada inteeda badan waxay guratay xanuunka iyo kala irdhowga ay colaaddu keentay Guri walbana lilaahi looga dareemay<\/p>\n<p><b>DOORKA DAWLADDA<\/b><\/p>\n<p>Dhibkan wuxuu muujiyey in nidaamka dawladdu uu ku guuldaraystay inuu dammaanad qaado\u00a0amniga muwaadiniinta, Booliska ma awoodaan qabashada dambiilayaasha, halka garsoorkuna u muuqdo mid aan awoodin inuu xukumo dambiyada dhiigga ee ay hayaan gacan ku dhiig layaasha<\/p>\n<p>Arrintaas waxay bulshada Gaalkacyo u caddeysay in hay\u2019adaha amniga iyo cadaaladdu ay ka maqan yihiin goobihii ugu muhiimsanaa ee ay ahayd inay ka dhex muuqdaan \u2014\u00a0nolosha iyo nabadda muwaadinka.<\/p>\n<p><b>GUNAANAD IYO TALOYIN<\/b><\/p>\n<p>Aanooyinka soo noqnoqday waa calaamad muujinaysa in bulshada ka hurudo xil dhaba aysan iska saarin mashaakilka taagan.<\/p>\n<p>Si loo joojiyo dhibaatadan la mid noqotay tusbax la furay waxaan soo jeedin doonaa talooyin aan is leenahay xalka ayey qayb ka noqon karaan<\/p>\n<p>1:Dowladda Puntland\u00a0waa in ay dejisaa\u00a0xeer gaar ah\u00a0oo lagula tacaalo aanada, lana sameeyaa\u00a0maxkamado ku-meel-gaar ah\u00a0oo u heellan dambiyada dhiigga maaadama dawlada dhankeeda liic xoogleh ka jiro sidoo kale ayadoo umaraysa shareecada xalinta kiisaska dilka.<\/p>\n<p>2:Culimada iyo odayaasha dhaqanka\u00a0waa in ay si mideysan Gunta xariga ugu dhuuqsadaan ayna ukacaan xal u holida aafooyinkan.<\/p>\n<p>3:Baraha bulshada\u00a0waa in la helaa xal lugu xakameeyo gaar ahaan tiktok oo noqday aafada cusub ee maanta<\/p>\n<p>4:Jaaliyadaha dibadda\u00a0waa in ay ka qayb qaataan nabadaynta sidoo kale waa inay wax ka qabtaan xubnaha fitanada gudaha ka dhacaysa ka shaqeeya lacagahana soo dira<\/p>\n<p>5:Waxbarashada iyo dhalinyarada\u00a0hay&#8217;adaha waxbarashada iyo dhalinyarada uxil saaran waa inay qaataan door muuqda ku saabsan ladagaaalanka qabyaalada iyo dhiiga<\/p>\n<p><b>EREY DHAMMAAD<\/b><\/p>\n<p>\u201cColaad wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho.\u201d<\/p>\n<p><em><strong>Qore:\u00a0Abdiqafar Abdirahman Hussein<\/strong><\/em><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>HORDHAC Labadii sano ee la soo dhaafay, magaalada\u00a0Gaalkacyo\u00a0iyo guud ahaan\u00a0gobolka Mudug\u00a0waxaa ku soo noqnoqday colaado dhiig badan ku daateen oo salka ku haya\u00a0aano qabiil. Dhibaatadan ayaa gaartay heer ay saameyso guri kasta, qoys kasta, iyo qof kasta \u2014 iyadoo ay adkaatay in la helo cid gebi ahaanba ka badbaaday. Beelaha ku dhaqan qaybta ay magaalada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000010024,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000010022","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010022","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000010022"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010022\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000010023,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000010022\/revisions\/1000010023"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000010024"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000010022"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000010022"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000010022"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}