{"id":1000009983,"date":"2025-11-15T10:29:41","date_gmt":"2025-11-15T10:29:41","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009983"},"modified":"2025-11-15T10:29:41","modified_gmt":"2025-11-15T10:29:41","slug":"ma-laga-yaabaa-in-venezuela-dagaal-ugu-babac-dhigto-maraykan-iyada-oo-isku-haleyneysa-taageerada-ruushka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/15\/ma-laga-yaabaa-in-venezuela-dagaal-ugu-babac-dhigto-maraykan-iyada-oo-isku-haleyneysa-taageerada-ruushka\/","title":{"rendered":"Ma laga yaabaa in Venezuela Dagaal ugu babac dhigto Maraykan iyada oo isku Haleyneysa Taageerada Ruushka"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Venezuela ayaa Salaasadii ku dhawaaqday waxa ay ugu yeertay howlgal millatari oo ballaaran oo dalka oo dhan ah, kadib markii Maraykanku uu soo xoojiyey ciidamadiisa ku sugan xeebaha dalkaas.<\/p>\n<p>Dhinaca kalena, Khamiistii, Mareykanka ayaa shaaciyay hawlgal lagu magacaabo Southern Spear, kaas oo uu sheegay in uu ujeedkiisu yahay in lagu beegsado \u201cargagixisada daroogada\u201d ee ka hawlgasha Galbeedka Qaaradda Ameerika.<br \/>\nKororka xiisaddu ayaaney mas\u2019uuliyiinta Venezuela ku sheegeen marmarsiiyo uu Maraykanku u adeegsanayo inuu xukunka uga tuuro Madaxweynaha Venezuela Nicol\u00e1s Maduro.<br \/>\n\u201cWaxaan u sheegaynaa imbaraadooriyadda Maraykanka inaysan ku fikiri karin waxaas: Annagu waan u diyaar garownay,\u201d ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvan Gil Khamiistii, isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Caracas.<\/p>\n<p>Laakiin Venezuela dhab ahaantii ma u diyaar baa haddii Maraykanku weerar ku qaado ama duullaan sameeyo?<br \/>\nMaxay yihiin awoodaha militari ee ay haysato?<br \/>\nMaxaase noqon kara xisaabinta siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha labada dal \u2014 Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Venezuela Maduro?<\/p>\n<p>Wasiirka Difaaca Venezuela, Vladimir Padrino L\u00f3pez, ayaa sheegay in heegan marxalad sare la geliyey ciidamada dalkaas, kaas oo ahaa hannaan difaac militari oo la furey bishii Sebtembar, looguna talagalay in lagu xoojiyo diyaar garowga difaaca kadib markii uu Mareykanku xoojiyey joogitaankiisa badda Caribbean-ka.<br \/>\nPadrino L\u00f3pez waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ciidamada dalka ay yihiin kuwo midaysan. Wuxuu sheegay in \u201cin ka badan 90% shacabka ay diidan yihiin weerar kasta oo ka dhan ah Venezuela,\u201d isagoo meesha ka saaray kooxaha mucaaradka oo uu ku tilmaamay \u201cin yar oo qas wadayaal ah\u201d,<\/p>\n<p>Waxuuna ku fasiray abaabulkan militari inuu qayb ka yahay mowqif balaadhan oo ka dhan ah \u201cgardarrada gumaysiga\u201d iyo isku dayga Washington ay ku rabto inay u dhaqanto sidii \u201cxoogga adduunka\u201d iyo \u201cbooliiska dunida\u201d. Wuxuu ku adkaystay in Venezuela ay weli ka go\u2019an tahay ilaalinta madaxbannaanideeda, xorriyaddeeda iyo qarannimadeeda.<\/p>\n<p>Sida laga soo xigtay hay\u2019ada qiimaynta awoodaha military ee caalamiga ah ee Global Firepower 2025 Venezuela waxay ka gashay kaalinta 50aad adduunka, halka ay Latin America, ka gashay kaalinta toddobaad. Iyada oo ka dambaysaa ciidamada dalalka gobolka sida Brazil, Mexico iyo Argentina,<\/p>\n<p>Warbixin uu soo saaray CSIS toddobaadkan ayaa sheegaysa in ciidanka cirka ee Venezuela ay yihiin kuwo aan si dhammeystiran u shaqeynayn.<br \/>\nQiyaastii 30 ka mid ah 49 diyaaradood ayaa la rumeysan yahay in ay shaqeynayaan, iyada oo kaliya saddex F-16 ah ay weli duuli karaan, taas oo ay sabab u ahayd dayactir la\u2019aan iyo noocyada diyaaradaha oo ka yaraaday sababo la xidhiidha cunaqabataynta Maraykanka.<br \/>\nHaseyeeshee sida uu sheegay Military.com, oo ah madal diiradda saarta ciidamada Mareykanka iyo arrimaha khuseeya, Venezuela waxay malaayiin doolar ku bixisay hub Ruush laga soo dhoofiyay, oo ay ku jiraan gantaallo iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo loo dhisay in ay ku cabsi geliyaan ama loolan ku galaan maraakiibta iyo diyaaradaha Maraykanka.<br \/>\nWarbixinta CSIS waxay xustay in haddii uu dhaco dagaal, garoomada diyaaradaha Venezuela iyo diyaaradaha militari ay noqon doonaan bartilmaameedyada ugu horreeya ee Mareykanku beegsan doono.<\/p>\n<p>Dhanka dhulka, waxa muuqata in Venezuela ay hayso tirro ciidan oo aad badan iyo awood rasaas oo ka weyn tan ciidamada xaddidan ee Mareykanka ee ku sugan xeebaha u dhow dalkaas.<br \/>\nSi kastaba ha ahaatee, waxa ay falanqeeyayaasha siyaasadu isku raacsan yihiin in Maraykanku si buuxda uga awood badan yahay Venezuela dhanka milatariga, haseyeeshee Dowladda Maduro ayaa u muuqata inay isku hallaynayso taageerada Ruushka, Moscow ayaana door muuqda ka ciyaarayso siyaasadda iyo amniga Venezuela xilli xiisada labada dal ay sii kordhayso.<\/p>\n<p>Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa Jimcaha ku celisay taageerada Moscow ee hogaanka Venezuela, iyada oo sheegtey inay difaacayaan madax-bannaanidooda qaran. Arrintan ayaa timid xilli warbaahintu sheegtey in maamulka Maraykanka uu leeyahay ugu yaraan saddex qorshe oo faragelin militari iyo isbeddel awoodeed oo qasab ah gudaha Venezuela.<br \/>\nZakharova ayaana sheegtay in Ruushku uu si joogto ah ula xidhiidhayo mas\u2019uuliyiinta Venezuela, isla markaana ay ka digayaan tallaabo kasta oo militari ah oo Maraykanka.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Venezuela ayaa Salaasadii ku dhawaaqday waxa ay ugu yeertay howlgal millatari oo ballaaran oo dalka oo dhan ah, kadib markii Maraykanku uu soo xoojiyey ciidamadiisa ku sugan xeebaha dalkaas. Dhinaca kalena, Khamiistii, Mareykanka ayaa shaaciyay hawlgal lagu magacaabo Southern Spear, kaas oo uu sheegay in uu ujeedkiisu yahay in lagu beegsado \u201cargagixisada daroogada\u201d ee ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009985,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009983","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009983","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009983"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009983\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009986,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009983\/revisions\/1000009986"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009985"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009983"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009983"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009983"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}