{"id":1000009952,"date":"2025-11-12T09:04:51","date_gmt":"2025-11-12T09:04:51","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009952"},"modified":"2025-11-12T09:04:51","modified_gmt":"2025-11-12T09:04:51","slug":"hal-bil-ka-dib-miyuu-dhaqan-galey-heshiiskii-xabad-joojinta-qasa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/12\/hal-bil-ka-dib-miyuu-dhaqan-galey-heshiiskii-xabad-joojinta-qasa\/","title":{"rendered":"Hal Bil ka Dib miyuu Dhaqan Galey Heshiiskii Xabad-joojinta Qasa"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Warbixin uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta Dawladda ee Qaza ayaa sheegtay in Israa\u2019iil ay heshiiska xabbad-joojinta jebisay ugu yaraan 282 jeer intii u dhaxaysay 10-kii Oktoobar ilaa Noofambar 10-keedii, islamarkaasna ay sii waday weerarro cirka ah, madaafiic iyo toogashooyin toos ah oo lagu qaaday shacabka Qaza iyada oo ku dhawaad maalin kasta weeraradu dhacayeen.<\/p>\n<p>Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay duhurnimadii Oktoobar 10-keedii, Israa\u2019iil ayaa dishay 242 Falastiiniyiin ah dhaawacdayna 622 kale, sida ay sheegayaan tirooyinka ugu dambeeyay ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.<br \/>\n19-kii bishii Oktoobar, kadib markii laba askari oo Israa\u2019iili ah lagu dilay magaalada Rafah, Israa\u2019iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay jebisay xabbad-joojinta, taas oo ay kaga jawaabtay weerarro cirka ah oo ku baahsan guud ahaan Marinka Gaza, weeraradaas oo sababay dilka 45 qof.<br \/>\nhaseyeeshee garabka hubeysan ee Xamaas, Al-Qassam Brigades, ayaa sheegay in Israa\u2019iil ay si buuxda u maamusho aagga Rafah, isla markaana aysan jirin wax dagaalyahanno Falastiiniyiin ah oo halkaas joogay ama xidhiidh la leh Xamaas.<br \/>\n29-kii bishi Oktoobar, Israa\u2019iil ayaa dishay 109 qof, oo ay ku jiraan 52 carruur ah, kadib iska horimaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Rafah, kaas oo lagu dilay hal askari Israa\u2019iili ah. Israa\u2019iil ayaa sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah meydad ay Xamaas soo dhiibtay aanu ahayn maxaabiistii Israa\u2019iil ee lagu heshiiyey in la soo dhiibo xilligii xabbad-joojinta.<br \/>\nMadaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhacdadaas ku tilmaamay \u201caargoosi xaq ah,\u201d isaga oo saxaafadda u sheegay in \u201cIsraa\u2019iil ay si sax ah uga jawaabtey falkaas\u2019\u2019 Taas oo ka dhigan in uu cadaalad u arko in dhimashada hal askari oo Israaiili ah iyo meyd khaldamey loo dilo 52 carruur ah iyo 57 qof oo waaweyn oo reer Falastiin ah.<br \/>\nIsrael ayaa sidoo kale la sheegay in ay burburisay in ka badan 1,500 dhisme oo ku yaalla deegaannada Qaza ee ay weli maamusho tan iyo intii ay billaabantey xabbad-joojintii ay la gashay Xamaas 10-kii Oktoobar, sida ay muujinayaan sawirro laga qaaday dayax-gacmeed oo ay daabacday BBC-du.<br \/>\nSawirrada oo kii ugu dambeeyay oo la qaaday 8-da Noofambar, ayaa muujinaya in xaafado dhan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Israa\u2019iil ee loo yaqaano IDF dhulka la la simay muddadaas bisha ka yar, taas oo u muuqata in si ula kac ah loo duminayey.<br \/>\nDumintaas ayaana si cad u jebinaysa shuruudaha xabbad-joojinta ee ay gadhwadeen ka ahaayeen Maraykanka, Masar, Qatar iyo Turkiga. Sidaas oo ay tahay hadana, afhayeen u hadlay IDF ayaa u sheegay BBC-da in Israa\u2019iil ay \u201cu dhaqmeyso si waafaqsan qaab-dhismeedka heshiiska xabbad-joojinta ee Trump.\u201d<\/p>\n<p>Inkasta oo qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ahaa ee uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump ee Qasa, oo saldhig u ahaa xabbad-joojinta, uu si cad u sheegayey in \u201cdhammaan hawlgallada militari, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka iyo madaafiicda, la joojinayo.\u201d Hadana Trump ayaa tan iyo markaas si isdaba-joog ah u sheegay in \u201cdagaalku dhammaaday.\u201d Isaga oo aan waxba ka soo qaadin duqaymaha iyo dilalka ay Israaiil wali ka wado marinka Qasa.<\/p>\n<p>Sawirada dayax gamceedka ayaa sidoo kale la ga arkey ciidamada IDF ee Israa\u2019iil oo ka sokeeya \u201cKhadka Jaallaha ah\u201d, oo ah xuduud u dhexeeya waqooyiga, koonfurta iyo bariga Qaza. Heshiiskii xabbad-joojinta ee bishii Oktoobar ayaana dhigayay in Israa\u2019iil ay ciidamadeeda dib uga saarto meel ka baxsan khadkaas, kaas oo ahaa khariidadaha rasmiga ah ee IDF oo lagu calaamadeeyay midab jaalle ah.<br \/>\nHeshiiska xabbad-joojinta ayaa sidoo kale dhigayey in \u201cgargaar buuxa si degdeg ah loo gelin doono marinka Gaza.\u201d Haseyeeshee taasina ma aysan u suurogalin sidii heshiisku dhigayey.<br \/>\nSida ay sheegtay Hay\u2019adda Cuntada Adduunka (WFP), kaliya kala badh gargaarkii cunto ee loo baahnaa ayaa ilaa hadda gaadhay Qasa, halka isbahaysi hay\u2019adaha samafalka Falastiiniyiinta ay sheegeen in guud ahaan gargaarka la gaadhsiyay uu yahay kaliya rubuc wixii lagu heshiiyay xabbad-joojinta.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbixin uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta Dawladda ee Qaza ayaa sheegtay in Israa\u2019iil ay heshiiska xabbad-joojinta jebisay ugu yaraan 282 jeer intii u dhaxaysay 10-kii Oktoobar ilaa Noofambar 10-keedii, islamarkaasna ay sii waday weerarro cirka ah, madaafiic iyo toogashooyin toos ah oo lagu qaaday shacabka Qaza iyada oo ku dhawaad maalin kasta weeraradu dhacayeen. Tan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009953,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009952","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009952","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009952"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009952\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009955,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009952\/revisions\/1000009955"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009953"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009952"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009952"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009952"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}