{"id":1000009945,"date":"2025-11-11T19:59:37","date_gmt":"2025-11-11T19:59:37","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009945"},"modified":"2025-11-11T20:31:57","modified_gmt":"2025-11-11T20:31:57","slug":"maxaa-sababay-shaqo-ka-joojinta-saraakiil-sare-oo-villa-soomaaliya-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/11\/maxaa-sababay-shaqo-ka-joojinta-saraakiil-sare-oo-villa-soomaaliya-ah\/","title":{"rendered":"Maxaa sababay shaqo ka joojinta saraakiil sare oo Villa Soomaaliya ah?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Maxaa sababay shaqo ka joojinta saraakiil sare oo Villa Soomaaliya ah?<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaqada Villa Soomaaliya si kumeelgaar ah uga saaray Saddax kamid ah shaqaalaheeda.<\/p>\n<p>Saraakiisha shaqada laga joojiyay waxaa ugu horreeya Ku Xigeenka Agaasimaha Guud Maxamed Amiin Sheekh oo ay weheliyaan Agaasimaha hab maamuska Hinda Culusow iyo Kaaliyaha Madaxweynaha, Cabdirisaaq British.<\/p>\n<p>Somali Stream oo dabagal ku samaysay sababta shaqa joojinta ayaa ogaataay in Madaxweynuhu amray saxiixa warqadda shaqo ka joojinta inta aanu u safrin dalka Aljeeriya.<\/p>\n<p>Su\u2019aalo badan ayaa ka dhashay sababta shaqo ka joojintan kumeel gaarka ah. Haddaba, waxay Somali Stream xaqiijisay in hal usbuuc ilaa saddex usbuuc shaqo ka joojin ah loo jaray keddib markii xero-taraar lagu sameeyay diyaaraddii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka kacday Jabuuti, kuna sii jeeday Qaahira.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa inta aanu ka safrin Jabuuti waxa uu saraakiishii la socotay ku amray in Wasiirka Waxbarasha Faarax Sheekh Cabdulqaadir kaliya uu safarkiisa Qaahira ku wehlinayo. Hase yeesho e, xubnaha shaqada laga joojiyay ayaa diyaaraddii soo saaray dad aan ku jirin liiska safarka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad uga carooday in la jabiyay habmaamuuskii safarka, iyada oo uu xiriir gaar ah dhexmaray qaar kamid ah saraakiisha shaqooyinkooda la hakiyay iyo masuuliyiinta dheeriga ku ahaa safarka.<\/p>\n<p>Olaha Galmudug oo samayn ku yeeshay shaqada Madaxtooyada<\/p>\n<p>Sida aan ka xaqiijinnay ilaha xogta siiyay Somali Stream, shaqaalaha saddaxda ah ee shaqada laga joojiyay ayaa u sahlay inuu safarkii Qaahira qayb ka noqdo, Liiban Axmed Xasan oo loo yaqaan Liibaan Shuluq oo ah Murashax Madaxweyne ee Galmudug.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogaaday in diyaaradda uu la saaran yahay Liibaan Shuluq, waana ka carooday maadaama safarka loo eekaysiiya olole doorasho.<\/p>\n<p>Liibaan Shuluq ayaa ka dhex samaystay Madaxtooyada koox ku taageersan ololihiisa Madaxtinnimada Galmudug, waxaana taas ay dareen galisay Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.<\/p>\n<p>Mahad Salaad iyo Axmed Qoorqoor oo dhawaan heshiis gaar ah ka gaaray utun dhexdooda ahayd ayaa si wadajir ah dacwad ka dhan ah safarka Liibaan Shuluq gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan oo dhexgalay olalaha Galmudug ayaa ku khasbanaaday in shaqo joojin ku sameeyo shaqaalihiisa kuwii uu ugu kalsoonida badnaa si uu qanciyo Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyihiisa NISA.<\/p>\n<p>Liibaan Shuluq oo isu arkayay nin aad ugu dhow Madaxweynaha ayaa markii uu ogaaday in saaxibadiisii Madaxtooyada la ugaarsaday ayaa bilaabay inuu xoojiyo ololihiisa Galmudug. Kulama aysan Villa Soomaaliya jeclaysan ayuuna ka sameeyay Muqdisho.<\/p>\n<p>Lama oga in Madaxweynuhu ku adkeysan doono \u00a0tallaabadan iyo in kale. Hase ahaatee, warqadda shaqa ka joojinta wuxuu dhaqangalkeedu bilowday safarkii Aljeeriya markaas oo dhamaantood laga reebay.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxaa sababay shaqo ka joojinta saraakiil sare oo Villa Soomaaliya ah? Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaqada Villa Soomaaliya si kumeelgaar ah uga saaray Saddax kamid ah shaqaalaheeda. Saraakiisha shaqada laga joojiyay waxaa ugu horreeya Ku Xigeenka Agaasimaha Guud Maxamed Amiin Sheekh oo ay weheliyaan Agaasimaha hab maamuska Hinda Culusow iyo Kaaliyaha Madaxweynaha, Cabdirisaaq British. Somali Stream [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009951,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000009945","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009945","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009945"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009945\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009950,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009945\/revisions\/1000009950"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009951"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009945"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009945"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009945"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}