{"id":1000009874,"date":"2025-11-04T11:52:07","date_gmt":"2025-11-04T11:52:07","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009874"},"modified":"2025-11-04T11:52:07","modified_gmt":"2025-11-04T11:52:07","slug":"wadne-dad-samee-ah-oo-lagu-guuleystay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/04\/wadne-dad-samee-ah-oo-lagu-guuleystay\/","title":{"rendered":"Wadne Dad Samee ah oo Lagu Guuleystay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Kaddib tobanaan sano oo lagu jiray raadinta Wadno beddel ah oo badbaadiya bukaannada wadnaha ayey Jaamacadda Osaka ee dalka Japan soo bandhigtay natiijo cilmi-baaris sannado qaadatay.<br \/>\nWarbixintan oo ay daabacday warbaahinta Aljazeera waxay daaha ka qaadaysaa mid kamid ah guulaha uu aadanuha ka gaaray horomarinta caafimaadka, taas oo ah in lagu guulaysto in dib looga shaqaysiiyo wadne hawlgab noqday.<br \/>\nSaynisyahannada sameeyay cilmi-baarista waxay u isticmaaleen Unugyo asal ah ah (stem cells) oo laga soo qaaday unugyada bukaanka laftiisa si ay u beeraan Wadno beddel ah oo cabbirkiisu le\u2019egyahay kubbadda ping-pong-ka.<\/p>\n<p>Asalka guushan waxay soo bilaabatay sannadkii 2012, markaas oo dhakhtar Shinya Yamanaka oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel kaddib markii uu helay farsamada lagu beddelo unugyada caadiga ah .<br \/>\nTani waxay furtay waddada mashruucan oo uu hoggaamiyay dabadeed Prof. Sawa Yoshiki oo ka tirsan Jaamacadda Osaka, isaga oo ka faa\u2019iidaysanaya sannado cilmi-baaris ah si uu u gaaro riyada ah in la abuuro Wadno lagu beero jidhka isla bukaanka.<br \/>\nBeerista Wadnaha cusub ayaa ka bilaabmaysa qaadista muunad yar oo kamid ah unugyada wadnaha bukaanka, kuwaas oo loo korinayo sidii ay saldhig ugu noqon lahaayeen wadne caadi ah oo shaqaynaya.<\/p>\n<p>Gaarista aqoontan oo ay ku guulaystay shirkada CureBoss oo u hoggaamiyo saynisyahanka Sawa Yoshiku ayaa noqonaysa iftiin cusub iyo rajo usoo korortay binii\u2019aadanka la dhibaataysan xanuunada waadnaha. Bukaanada la xanuusan cudurada wadnaha ayaa dhibaatooyin caafimaad kala kulmi jiray wadne badalka loo sameeyo ama lagu beero. Haddase waxay fursad u helayaan in unugyada wadnayaashooda dib loogu kiciyo si ay u abuuraan muruqyo wadneed oo caafimaad qaba.<\/p>\n<p>Inkasta oo tallaabadani ayaa ku jirto heerka cilmi baarista, haddana waxaa loo arkaa tijaabo guulaysatay oo loo qaaday dhanka badbaadinta aadanaha, maadaama ay xal u noqonayso wadnayaasha gaba shaqadooda, isla markaana looga maarmayo beerista wadnayaasha taas oo culayska ka qaadaysa deeqbixiyaayasha ku tabaruca wadnayaashooda.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kaddib tobanaan sano oo lagu jiray raadinta Wadno beddel ah oo badbaadiya bukaannada wadnaha ayey Jaamacadda Osaka ee dalka Japan soo bandhigtay natiijo cilmi-baaris sannado qaadatay. Warbixintan oo ay daabacday warbaahinta Aljazeera waxay daaha ka qaadaysaa mid kamid ah guulaha uu aadanuha ka gaaray horomarinta caafimaadka, taas oo ah in lagu guulaysto in dib looga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009875,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009874","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009874","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009874"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009874\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009876,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009874\/revisions\/1000009876"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009875"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009874"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009874"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009874"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}