{"id":1000009846,"date":"2025-11-01T04:11:43","date_gmt":"2025-11-01T04:11:43","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009846"},"modified":"2025-11-01T04:11:43","modified_gmt":"2025-11-01T04:11:43","slug":"xog-maxaa-looga-hadlay-kulankii-madaxweynaha-iyo-madaxdii-hore-ee-dalka-ee-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/11\/01\/xog-maxaa-looga-hadlay-kulankii-madaxweynaha-iyo-madaxdii-hore-ee-dalka-ee-jabuuti\/","title":{"rendered":"Xog: Maxaa looga hadlay Kulankii Madaxweynaha iyo Madaxdii hore ee dalka ee Jabuuti?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulankii xuska Carta ee Jabuuti.<\/p>\n<p>Kulanka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiintii xilalka sare dalka ka soo qabtay ayaa waxaa codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siyaasadeed u arkayay inuu arko masuuliyiinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madasha Xuska Carta oo ay mucaaridka iyo Madaxweyne Xasan ka wada-qaybgaleen waxaa loo agaasimay in lagu xuso dib-u-yagleelidii Dowladnimada Soomaliya. Hase ahaate 25 sano kaddib waxaa weli gaabis wayn ku jirta hanaanka dowladnimo ee dalka.<\/p>\n<p>Mucaaridka iyo Madaxweynaha oo dhawaan ku kala kacay shirar u socday oo looga hadlay siyaasadda kala-guurka dalka oo ay kamid yihiin doorasho loo dhan yahay iyo dastuur heshiis lagu yahay ayaa qaatay kulan furan oo Madaxweyne Xasan casuumaadda fidiyey.<\/p>\n<p>Ajandaha kulanka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka furay ayaa sheegay in Ajanduhu yahay in Soomaaliya taladeeda wadajir looga qayb qaato uuna diyaar u yahay wadatashi si uu uga dhabeeyo dardaaarankii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan waxaa uu sheegay masuuliyiiinta kulanka joogtay inay yihiin odoyaal lixjeclo leh, ogna xaalka dalka ayna tahay inay badbaadiyaan.<\/p>\n<p>Kaddib markii hadalkii uu u soo wareegay dhinaca masuuliyiinta kala qaybgashay, waxaa Madaxweynaha loo soo jeediyay in uu talada dhulka dhigo ka hor 15-May ee 2026.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa laga codsaday inuu talada Baarlamaanka u celiyo, si uusan dalku halis ugu dhicin.<br \/>\nMid kamid ah siyaasiyiinta ay sida dhow ay u soo wadashaqeeyeen Madaxweyne Xasan haddana kamid ah Mucaaridkiisa ayaa si adag ugu sheegay Madaxweynaha inuu xaalka dalku halis ku jiro.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan oo hadalka kusoo noqday ayaa sheegay inuusan talada Baarlamaan ku wareejinayn oo iyaga xilkooduba kahor dhammaanayo kiisa.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu kulanka ka sheegay in wadatashi ku baaqayo oo talada la isla meel dhigo.<\/p>\n<p>Odayaasha Mucaaridka ayaa Madaxweyne Xasan ku dhaliilay inuu yahay shaqsi aan diyaar u ahayn dalka badbaadadiisa, waxayna ku eedeeyeen inuu dilaallo siyaasadeed u isticmaalayo si ay u kala furfurmaan. Hadalkaas ayaa noqday xujo adag oo Madaxweynaha dabartay, waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inuu talo iyo feker isugu laabanayo, hase ahaate wax uun lagu raaco kulankan.<\/p>\n<p>Xubnihii ka qaygalay kulanka waxay Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeen inay diyaar u yihiin inay gacanta qabtaan Madaxweynaha haddii uu talada dalka meel khaldan ula kaco, waxayna xasuusiyeen in bisha May ka hor uu talada leeyahay ayna diyaar u yihiin wadahadal iyo wadatashi, wixii ka danbeeyase uu noqonaya qofka laga tashanayo.<\/p>\n<p>Inakasta oo kulanku qabsoomay haddana wax natiijo ah lagama gaarin, waxaana Madaxweyne Xasan ku afgobaadsaday inuu diyaar yahay, hadda kaddibna uu wadahadalka kala-guurka isagu hoggaamin doono oo uu meesha ka saari doono gacmaha kale.<\/p>\n<p>Waa is-aragii ugu horreeyay oo ay ka soo qaybgalaan xubnaha Madasha Samatabixinta tan iyo markii ay burbureen wadaxaajoodkii ay Madaxweynaha la lahaayeen laba bil kahor, mana jirto ilaa hadda ballan toos ah oo dhinacyadu ay qabsadeen.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulankii xuska Carta ee Jabuuti. Kulanka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiintii xilalka sare dalka ka soo qabtay ayaa waxaa codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siyaasadeed u arkayay inuu arko masuuliyiinta Soomaaliyeed. Madasha Xuska Carta oo ay mucaaridka iyo Madaxweyne Xasan ka wada-qaybgaleen waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009847,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009846","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009846","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009846"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009846\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009848,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009846\/revisions\/1000009848"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009847"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009846"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009846"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009846"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}