{"id":1000009818,"date":"2025-10-28T17:41:08","date_gmt":"2025-10-28T17:41:08","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009818"},"modified":"2025-10-29T06:28:41","modified_gmt":"2025-10-29T06:28:41","slug":"maxaa-sababay-hoos-u-dhaca-qiimaha-diyaaradaha-ee-muqdisho-iyo-nairobi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/10\/28\/maxaa-sababay-hoos-u-dhaca-qiimaha-diyaaradaha-ee-muqdisho-iyo-nairobi\/","title":{"rendered":"Maxaa sababay hoos u dhaca qiimaha diyaaradaha ee Muqdisho iyo Nairobi?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid qiimaha lagu jarto tikitka magaalada Nairobi, iyadoo arrintan ay salka ku heyso tartan dhanka suuqa ah oo u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha.<\/p>\n<p>Qiimaha maanta wuxuu marayaa $130, walow maalmo kahor tikitka Nairobi lagu jaranayay ilaa $250, sida howlwadeennada shirkadaha duulimaadyada ay inoo sheegeen.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa loo sababeeyay dhawr arrimood;<\/p>\n<p>1- Diyaarado cusub oo soo kordhay oo saameynaya duulimaadyado Nairobi ah ( Marxaba iyo Star Airline)<\/p>\n<p>2- Daallo Airlines oo duulimaadyada Nairobi si maalinle ah u sameysa, halka maanta oo kale oo Talaado ahna ay sameyso laba duullimaad. Shirkadda Daallo waxay hore todobaadkii Afar jeer oo kaliya ku tagi jirtay Nairobi.<\/p>\n<p>3- Dadka Nairobi aada oo sidii hore ka yaraaday, taasoo dhalisay in dadka yar ee baxaya aan qiimaha lagu dhibin.<\/p>\n<p>4- Xifaaltan dhanka sicirka suuqa ah oo ka dhex qarxay mas\u2019uuliyiinta 10-ka shirkadood ee u duula dalka Kenya.<\/p>\n<p>Qiimaha ayey khuburada saadaalinayaan inuu maalmaha soo socda tagi doono ilaa $100, hadeysan heshiis dhexmarin madaxda shirkada diyaaradaha.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayey ku eedeeyeen iney isku fiirsaneyso waxa suuqa ka socda oo aaney kormeer iyo jaangoyn ku sameynin qiimaha duulinaadyada oo ay lacagaha ka gurubsato oo kaliya.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid qiimaha lagu jarto tikitka magaalada Nairobi, iyadoo arrintan ay salka ku heyso tartan dhanka suuqa ah oo u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha. Qiimaha maanta wuxuu marayaa $130, walow maalmo kahor tikitka Nairobi lagu jaranayay ilaa $250, sida howlwadeennada shirkadaha duulimaadyada ay inoo sheegeen. Arrintan ayaa loo sababeeyay dhawr arrimood; [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009819,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,30],"tags":[],"class_list":["post-1000009818","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-warar"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009818","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009818"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009818\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009823,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009818\/revisions\/1000009823"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009819"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009818"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009818"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009818"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}