{"id":1000009812,"date":"2025-10-27T06:50:00","date_gmt":"2025-10-27T06:50:00","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009812"},"modified":"2025-10-27T06:50:00","modified_gmt":"2025-10-27T06:50:00","slug":"trump-iyo-xi-oo-kala-danaysi-isku-raacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/10\/27\/trump-iyo-xi-oo-kala-danaysi-isku-raacay\/","title":{"rendered":"Trump iyo XI oo kala Danaysi isku Raacay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ammaanay natiijada wadahadalladii ganacsi ee ka dhacay Malaysia, taas oo sare u qaaday rajada ah in Donald Trump iyo Xi Jinping ay kulankooda ku gaadhi doonaan heshiis xal la ga ga gaadhayo dagaalka ganacsi ee u dhexeeyay labada dal.<\/p>\n<p>Masuuliyiin ka kala socday labada dal ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay heshiiska, iyagoo soo gabagabeeyay wadahadallo usbuuc-dhamaadkan ka dhinac socdey Shirka ASEAN ee lagu qabtay magaalada Kuala Lumpur.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa inay kulmaan Khamiista soo socota, kulankaas oo ay ku yeelan doonaan wada-hadal dhinac socda shirweynaha APEC ee lagu qabanayo magaalada Gyeongju ee Koonfur Kuuriya \u2014 taasoo noqonaysa kulankoodii ugu horreeyay tan iyo intii uu Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, isla markaana bilaabay dib-u-habeynta weyn ee ku saabsan ganacsiga caalamiga ah.<\/p>\n<p>Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, oo warbaahinta kula hadlay Kuala Lumpur ayaa sheegay in labada dhinac ay soo diyaariyeen \u201cqaab-dhismeed\u201d ay Trump iyo Xi u gu wada hadli doonaan Koonfur Kuuriya.<\/p>\n<p>Bessent ayaana wareysi uu siiyey NBC News ku sheegay inuu filayo in labada dal ay gaadhaan heshiis dib u dhigaya xayiraadaha dhoofinta ee Shiinahu ku hanjabay, isla markaana laga ga fogaanayo cashuur kordhinta 100% ah ee Trump sheegey in uu saarayo badeecadaha Shiinaha.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wareysiga uu siiyey ABC News ayuu Bessent ku sheegay in Beijing ay ogolaatay inay si weyn u kordhiso iibsashada dalagyada beeraha ee Mareykanka, taas oo uu sheegay inay farxad gelin doonto beeralayda soy-bean-ka ee Mareykanka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul-wasaare ku-xigeenka Shiinaha, He Lifeng \u2014 oo ah madaxa wadahadallada ganacsiga Beijing \u2014 ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay gaadheen \u201cisu-afgarad aasaasi ah\u201d oo ku saabsan \u201chabraacyada lagu xallinayo arrimaha ay labada dhinac ka walaacsan yihiin.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in labada dal ay isku raaceen in la \u201cdhameystiro faahfaahinta gaarka ah\u201d isla markaana la \u201cgudo galo habraacyada oggolaanshaha gudaha,\u201d sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ammaanay natiijada wadahadalladii ganacsi ee ka dhacay Malaysia, taas oo sare u qaaday rajada ah in Donald Trump iyo Xi Jinping ay kulankooda ku gaadhi doonaan heshiis xal la ga ga gaadhayo dagaalka ganacsi ee u dhexeeyay labada dal. Masuuliyiin ka kala socday labada dal ayaa sheegay in horumar weyn laga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009813,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":["post-1000009812","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009812","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009812"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009812\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009814,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009812\/revisions\/1000009814"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009813"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009812"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009812"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009812"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}