{"id":1000009809,"date":"2025-10-26T05:36:29","date_gmt":"2025-10-26T05:36:29","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009809"},"modified":"2025-10-26T05:36:29","modified_gmt":"2025-10-26T05:36:29","slug":"trump-oo-shiinaha-miciin-biday-hal-arrinna-ka-codsanaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/10\/26\/trump-oo-shiinaha-miciin-biday-hal-arrinna-ka-codsanaya\/","title":{"rendered":"Trump oo Shiinaha Miciin Biday, Hal Arrinna ka Codsanaya"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in Shiinuhu ka caawiyo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine. \u201cWaxaan jeclaan lahaa in Shiinuhu nagu caawiyo arrinta Ruushka,\u201d ayuu Trump yidhi isagoo ku safraya diyaaradda Air Force One, ka hor safar rasmi ah oo uu ku tagey Aasiya halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Xi Jinping ee Shiinaha.<\/p>\n<p>Hadalkan ayaa yimid iyada oo uu dagaal culus oo ka dhan ah Kyiv uu socdey toddobaadkii u danbeeyey. Waxaa xusid mudan in Mareykanku uu diiday codsiga Ukraine ee ku saabsanaa helitaanka gantaallada ridada dheer ee Tomahawk, halka Midowga Yurubna uu ka baaqsaday inuu sii daayo hantida la xanibay ee Ruushka si loogu maalgeliyo difaaca Kyiv.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, dedaalada soo afjarista dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa noqotey arinka u gu mihiimsan ee uu Trump ka shaqaynayo bishii ugu danbeysey khaasatan kadib xabad joojintii Qaza. Inkastoo oo ilaa hada aan la ga gaadhin natiijo wax ku ool ah. Trump ayaana ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu beegsanayo shirkadaha saliidda ugu waaweyn ee Ruushka \u2014 Rosneft iyo Lukoil \u2014 si cadaadis loo saaro Ruushka.<\/p>\n<p>Trump, oo la filayo inuu Xi la kulmo Khamiista, ayaa sheegay in kulankoodu uu diiradda saari doono xiisada ka taagan xidhiidhka ganacsiga ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Shiinaha, balse uu sidoo kale kala hadli doono \u201cdhammaan arrimaha,\u201d oo uu ku jiro dagaalka Ukraine. \u201cWaxaan leenahay xidhiidh aad u wanaagsan Madaxweyne Xi, wuxuuna doonayaa inuu arko dagaalka oo dhammaada,\u201d ayuu yidhi Trump, isagoo intaas ku daray in Xi uu \u201csaameyn weyn ku yeelan karo Putin.\u201d<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Shiinaha ayaan weli si toos ah u cambaareyn dagaalka Ruushka ee Ukraine, waxaana Mareykanka iyo xulafadiisu ku eedeeyeen inuu si dadban u taageero Ruushka \u2014 isaga oo weli iibsada saliidda Ruushka iyo agabka agabka kale. Putin iyo Xi ayaana hore ugu tilmaamay xidhiidhka labada dal \u201csaaxiibtinimo aan xad lahayn,\u201d halka Ruushkuna rajeynayo in dhoofinta gaaska ee Shiinaha iyo dalal kale ay buuxin doonto khasaaraha ka soo gaadhey cunaqabatayntii reer Galbeedka.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in Shiinuhu ka caawiyo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine. \u201cWaxaan jeclaan lahaa in Shiinuhu nagu caawiyo arrinta Ruushka,\u201d ayuu Trump yidhi isagoo ku safraya diyaaradda Air Force One, ka hor safar rasmi ah oo uu ku tagey Aasiya halkaas oo uu kula kulmi doono [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009810,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":["post-1000009809","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009809","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009809"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009809\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009811,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009809\/revisions\/1000009811"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009810"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009809"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009809"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009809"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}