{"id":1000009793,"date":"2025-10-23T08:09:00","date_gmt":"2025-10-23T08:09:00","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009793"},"modified":"2025-10-23T08:09:00","modified_gmt":"2025-10-23T08:09:00","slug":"mareykanka-oo-cunaqabateyn-cusub-kusoo-rogay-shirkadaha-ugu-waaweyn-ee-ruushka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/10\/23\/mareykanka-oo-cunaqabateyn-cusub-kusoo-rogay-shirkadaha-ugu-waaweyn-ee-ruushka\/","title":{"rendered":"Mareykanka oo Cunaqabateyn Cusub kusoo Rogay Shirkadaha ugu Waaweyn ee Ruushka"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu bartilmaameedsanayo labada shirkadood ee ugu waaweyn Saliidda Ruushka \u2014 Rosneft iyo Lukoil \u2014 si loo kordhiyo cadaadiska Moscow ee ku saabsan wadahadallada nabadda Ukraine.<\/p>\n<p>Cunaqabatayntan ayaa timid maalin uun kadib markii Trump uu sheegay in kulankii la qorsheeyay ee uu la yeelan lahaa Putin ee magaalada Budapest la hakiyay muddo aan la cayimin.<br \/>\nMadaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu marar badan la hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, balse wadahadalladu ay noqdeen kuwo aan midho dhalin. \u201cMar kasta oo aan la hadlo Vladimir, wadahadal wanaagsan ayaa naga dhex dhaca, balse meelna ma gaadho,\u201d ayuu yidhi Trump, kaddib kulan uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, oo ay kaga wada hadleen nabadda Ukraine.<br \/>\nHabeenimadii Arbacadiina, Ruushka ayaa qaaday weerar cirka ah oo xoogan oo lagu bartilmaameedsaday magaalooyin badan oo Ukraine ah, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan toddoba qof, oo ay ku jiraan carruur.<\/p>\n<p>Tallaabadan cusub ee Washington ayaa loo arkaa mid sii xoojineysa cadaadiska diblomaasiyadeed ee la saarayo Moscow, iyada oo Washington ay ku boorrinayso dowlada Ruushka in ay miiska wadahadalka ku soo laabato.<\/p>\n<p>Isla toddobaadkan, Boqortooyada Midowday ayaa iyaduna cunaqabatayn la mid ah ku soo rogtay shirkadaha Rosneft iyo Lukoil. Wasiirka Maaliyadda Britain Rachel Reeves ayaana sheegtay in \u201caysan jirin meel saliidda Ruushka uga banaan suuqyada caalamka.\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale safaaradda Ruushka ee London ayaa si adag uga jawaabtay, iyada oo sheegtay in beegsigga shirkadaha tamarta ee dalkooda uu \u201cwaxyeello u geysan doono sahayda shidaalka adduunka oo dhan,\u201d isla markaana uu sababi doono \u201ckorodhka qiimaha iyo culeys dhaqaale oo gaadhaya waddamada soo koraya.\u201d<\/p>\n<p>Labada shirkadood ee Rosneft iyo Lukoil ayaana dhoofiya qiyaastii 3.1 milyan oo foosto oo saliid ah maalintii, iyadoo Rosneft ay kaligeed soo saarto ku dhawaad kala bar saliidda Ruushka \u2014 taas oo ka dhigan 6% wax-soosaarka caalamiga ah. Shidaalka iyo gaaska ayaa ah waxsoosaarka ugu weyn ee Ruushku dhoofiyo, iyada oo ay macaamiishiisa waaweyn ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya iyo Turkiga.<\/p>\n<p>Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in dalalkaasi ay joojiyaan iibka saliidda Ruushka si cadaadis dhaqaale loo saaro Ruushka. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain Yvette Cooper ayaa soo dhoweysay go\u2019aanka Mareykanka, iyada oo ku tilmaamtay \u201ctallaabo adag oo muhiim u ah cadaadiska lagu saarayo Putin.\u201d<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu bartilmaameedsanayo labada shirkadood ee ugu waaweyn Saliidda Ruushka \u2014 Rosneft iyo Lukoil \u2014 si loo kordhiyo cadaadiska Moscow ee ku saabsan wadahadallada nabadda Ukraine. Cunaqabatayntan ayaa timid maalin uun kadib markii Trump uu sheegay in kulankii la qorsheeyay ee uu la yeelan lahaa Putin ee magaalada Budapest [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009794,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27],"tags":[],"class_list":["post-1000009793","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009793","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009793"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009793\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009795,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009793\/revisions\/1000009795"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009794"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009793"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009793"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009793"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}