{"id":1000009690,"date":"2025-10-03T20:23:47","date_gmt":"2025-10-03T20:23:47","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009690"},"modified":"2025-10-03T20:23:47","modified_gmt":"2025-10-03T20:23:47","slug":"maxaa-kasoo-kordhay-xogta-weerarkii-manchester-ee-ingiriiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/10\/03\/maxaa-kasoo-kordhay-xogta-weerarkii-manchester-ee-ingiriiska\/","title":{"rendered":"Maxaa kasoo kordhay xogta  weerarkii  Manchester ee Ingiriiska?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Booliska Ingiriiska ayaa soo bandhiggay xogta shaqsigii maanta fuliyay weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay magaalada Manchester, kaasoo lagu beegsaday goob ay isugu soo baxeen qaar kamid ah bulshada Yahuuda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maalintii maanta ah oo weerarki dhacay waa Yom Kippur maalinta ugu barakada badan bulshada Yuhuudda , sida ay sheegtaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida boolisku sheegeen, ninka weerarka geystay waxaa lagu magacaabaa Jihaad al-Shaami, waana 35 sano jir, haystana dhalashada Ingiriiska isla markaana asal ahaan ka soo jeeda Suuriya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Weerarka wuxuu ku dilay laba qof, afar kalena waa ku dhaawacay. Ciidamadda amniga ayaa isna ugu danbeyn toogtay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Boolisku waxay sheegeen in saddex eedeysane oo kale la xiray, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka, kuwaasoo kala ah laba ruux oo da\u2019doodu tahay 30-meeyada iyo haweeney 60-meeyo jir ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhinaca kalena, RW UK ayaa soo gaabiyay booqashadiisii Denmark Ka dib dhacdada, mas\u2019uul u hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Ra\u2019iisul Wasaare Keir Starmer uu si degdeg ah uga dhoofay shirkii European Political Community ee ka dhacayay magaalada Copenhagen, kaas oo ah gole dowladeed oo looga hadlayo arrimaha siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka qaaradda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kahor inta uusan diyaaradda raacin, Starmer wuxuu sheegay in ciidamo boolis dheeraad ah la geyn doono meelahan oo kale guud ahaan UK.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Isagoo hadal ka jeedinayay galabta, Starmer wuxuu sheegay in weerarka si gaar ah loogu beegsaday bulshada Yuhuudda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wuxuu hadalkiisa ku daray inuu qaaa ku yahay inuu ka adkaado nacaybka sii kordhaya ee loo hayo Yuhuudda (anti-Semitism), isla markaana uu samayn doono \u201cwax walba oo karaankiisa ah\u201d si loo ilaaliyo bulshada Yuhuudda<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Booliska Ingiriiska ayaa soo bandhiggay xogta shaqsigii maanta fuliyay weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay magaalada Manchester, kaasoo lagu beegsaday goob ay isugu soo baxeen qaar kamid ah bulshada Yahuuda. Maalintii maanta ah oo weerarki dhacay waa Yom Kippur maalinta ugu barakada badan bulshada Yuhuudda , sida ay sheegtaan. Sida boolisku sheegeen, ninka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009691,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27,30],"tags":[],"class_list":["post-1000009690","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda","category-warar"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009690","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009690"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009690\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009692,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009690\/revisions\/1000009692"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009691"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009690"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009690"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009690"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}