{"id":1000009633,"date":"2025-09-18T12:29:11","date_gmt":"2025-09-18T12:29:11","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009633"},"modified":"2025-09-18T12:29:11","modified_gmt":"2025-09-18T12:29:11","slug":"suuriya-iyo-israaiil-oo-heshiis-amni-gelaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/09\/18\/suuriya-iyo-israaiil-oo-heshiis-amni-gelaya\/","title":{"rendered":"Suuriya iyo Israa\u2019iil oo  heshiis Amni gelaya"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters, Suuriya waxay dardar-gelinaysaa wada-hadallo ay la waddo Israa\u2019iil si loo gaaro heshiis amni, kaas oo ay Suuriya rajaynayso inuu ka caawiyo soo celinta dhulkii ay Israa\u2019iil dhawaan xoogga ku qabsatay, balse aan gaarayn heer heshiis nabadeed oo dhameystiran, sida ay sheegeen ilo xog ogaal u ah wada-hadallada.<\/p>\n<p>Washington waxay doonaysaa in heshiis la gaaro kahor inta aan madaxda caalamku ku kulmin magaalada New York dhamaadka bishan marka uu furmo kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si Madaxweyne Donald Trump uu ugu dhawaaqo guul cusub, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog ogaal ah.<\/p>\n<p>Reuters waxay la hadashay sagaal ilo xog ogaal ah oo ka warqaba wada-hadallada iyo howlaha Israa\u2019iil ee koonfurta Suuriya, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin Suuriyaan ah, laba ilo sirdoon iyo sarkaal Israa\u2019iili ah.<\/p>\n<p>Waxay sheegeen in soo jeedinta Suuriya ay tahay in lagu gaaro ka bixitaanka ciidamada Israa\u2019iil ee dhulkii ay dhawaan qabsadeen, in dib loo soo celiyo aagga Ciidanka ka caagan ee lagu heshiiyay 1974, iyo in la joojiyo duqeymaha cirka iyo weerarrada dhulka ee Israa\u2019iil ku qaadayso Suuriya. Ilahaasi waxay sheegeen in wada-hadalladu aysan waxba ka xusin xaaladda Golan Heights oo Israa\u2019iil qabsatay dagaalkii 1967. Ilo Suuriyaan ah oo la socda mowqifka Dimishiq ayaa sheegay in arrintaas \u201cmustaqbalka loo dhaafi doono.\u201d<\/p>\n<p>Labada dal ayaa farsamo ahaan ku jiray xaalad dagaal tan iyo markii Israa\u2019iil la aasaasay 1948, inkastoo ay jireen xabbad-joojinno mararka qaar dhacay. Suuriya weligeed ma aqoonsan Israa\u2019iil. Kadib bilo ay Israa\u2019iil ku soo dhawaaneeysay aagga Ciidanka ka caagan, waxay jebisay heshiiskii 1974, isla maalmihii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad. Israa\u2019iil waxay weerartay hanti ciidan oo Suuriyaan ah waxayna ciidamo geysay meel 20 kiiloomitir u jirta magaalada Dimishiq.<\/p>\n<p>Isra\u2019iil waxay muujisay diidmo ay kag tanaasusho guulahaas inta lagu guda jiray wada-hadallada albaabada u xirnaa, ayay yiraahdeen ilahaasi. Sarkaal amni oo Israa\u2019iil ah ayaa yiri, \u201cMareykanku wuxuu cadaadinayaa Suuriya si ay u dedejiso heshiiska amni \u2013 tani waa arrin shaqsi ah oo Trump uu doonayo inuu ku muujiyo guul weyn oo ku saabsan diblomaasiyadda Bariga Dhexe.\u201d Balse, sarkaalku wuxuu yiri, \u201cIsra\u2019iil wax badan kama tanaasulao.\u201d<\/p>\n<p>Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageerada dadaallada keeni kara xasillooni iyo nabad waarta oo u dhexeysa Israa\u2019iil, Suuriya iyo deriskooda. Sarkaalkaasi kama jawaabin su\u2019aalaha ku saabsan in Mareykanku doonayo inuu ku dhawaaqo guul intii lagu jiro kalfadhiga Golaha Guud.<\/p>\n<p>Isra\u2019iil waxay muujisay cadaawadda ay u qabto dowladda Islaamiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriya, waxayna ku cadaadinaysaa Washington in dalka Suuriya la wiiqo lana kala qeybsado. Laakiin Mareykanka wuxuu dhiirrigeliyay wada-hadallada \u2013 isagoo doonaya inuu kordhiyo dalalka heshiiska nabadeed la galay Israa\u2019iil ee hoos yimaada qorshaha heshiiska Ibraahim(Abraham Accord)intii lagu jiray xukunkii hore ee Trump. Wada-xaajoodyada hordhaca ah waxay ka bilowdeen Abu Dhabi kadib booqashadii Axmed Alshaarac ee Imaaraadka bishii Abriil. Labada dhinac kadib waxay ku kulmeen caasimadda Azerbaijan ee Baku bishii Luulyo.<\/p>\n<p>Maalmo kadib, wada-hadalladii ayaa isku beddelay jahawareer markii ciidamada Suuriya la geeyay gobolka koonfur-galbeed ee Suwayda si ay u xakameeyaan rabshad qabiil oo u dhaxeysay maleeshiyaadka Bedawiin iyo Duruusta. Israa\u2019iil waxay sheegtay in ciidankaasi ay jebiyeen xeerka aagga ciidanka ka caagan, waxayna duqeysay wasaaradda difaaca ee Dimishiq. Alshaarac wuxuu ku eedeeyay Israa\u2019iil inay raadinayso marmarsiiyo ay ku farageliso koonfurta Suuriya.<\/p>\n<p>Xabbad-joojin uu Mareykanku fududeeyay ayaa joojisay rabshadaha, waxaana bil kadib dib loo bilaabay wada-hadalladii laba geesoodka ahaa ee ka dhacay Paris \u2013 taas oo ahayd markii ugu horreysay ee Suuriya si cad u qirato inay wadahadallo toos ah la leedahay cadowgeeda muddo dheer.<\/p>\n<p>Ilo xog ogaal ah oo lix ah ayaa sheegay in Israa\u2019iil aysan xitaa mustaqbalka fog diyaar u ahayn inay ka tanaasusho Golan Heights, taas oo Trump si iskiis ah ugu aqoonsaday inay leedahay Israa\u2019iil xilligii xukunkiisii hore. Beddelkeeda, Israa\u2019iil waxay soo jeedisay qorshe ay u gudbisay ergayga gaarka ah ee Mareykanka ee Suuriya, Thomas Barrack, kaas oo ah inay ka baxaan koonfurta Suuriya haddii AlSharac uu si rasmi ah u aqbalo in Golan Heights uu weligiis Israa\u2019iil sii ahaado, sida uu sheegay sarkaal Israa\u2019iili ah.<\/p>\n<p>Sarkaal Suuriyaan ah ayaa u sheegay Reuters in Sharaa uu fahamsan yahay in \u201ckala doorasho kasta oo ku saabsan Golan ay la macno tahay dhamaadka xukunkiisa,\u201d wuxuuna Barrack u sheegay in heshiiska amniga uu ku saleysnaado xuduudihii 1974.<\/p>\n<p>Inkasta oo Sharac uu diyaar u yahay inuu dedejiyo wada-hadallada Israa\u2019iil si uu u qanciyo Washington, haddana wuxuu weli wuu ka taxadarayaaa, sida ay sheegeen sarkaal sirdoon reer Galbeed ah, sarkaal Israa\u2019iili ah iyo ilo Suuriyaan ah. Wuxuu Barrack u sheegay in aan wali la gaarin xaalad ku habboon heshiis nabadeed oo ballaaran. Sarkaal Suuriyaan ah ayaa yiri, \u201cQodobada aasaasiga ah ee kalsoonida si fudud ma jiraan.\u201d<\/p>\n<p>Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa u sheegay Reuters in Trump uu si cad ugu sheegay Sharac markii ay ku kulmeen bishii May magaalada Riyadh in \u201cuu ka filayo Suuriya inay u shaqeyso dhanka nabadda iyo caadiyaynta xiriirka ay la leedahay Israa\u2019iil iyo deriskeeda.\u201d Sarkaalka ayaa yiri, \u201cMaraykanka wuxuu si firfircoon u taageeray mowqifkan tan iyo markaas. Madaxweynaha wuxuu doonayaa nabad ka hanaqaada Bariga Dhexe oo dhan.\u201d<\/p>\n<p>Xaaladda dhabta ah ee dhulka ayaa xaddideysa doorashooyinka hoggaamiyaha Suuriya. Dhanka kale, weerarrada Israa\u2019iil iyo taageerada ay siiso Duruusta waxay adkaysay fikradda dadweynaha Suuriya ee ka dhanka ah heshiis kasta, arrin culays ku ah Sharac, sida ay sheegeen saraakiil. Dhanka kale, dhul-boobka Israa\u2019iil ee Suuriya wuxuu khatar ku yahay Dimishiq, taasoo ka dhigaysa heshiis dejin ah mid aad muhiim u ah Sharac.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters, Suuriya waxay dardar-gelinaysaa wada-hadallo ay la waddo Israa\u2019iil si loo gaaro heshiis amni, kaas oo ay Suuriya rajaynayso inuu ka caawiyo soo celinta dhulkii ay Israa\u2019iil dhawaan xoogga ku qabsatay, balse aan gaarayn heer heshiis nabadeed oo dhameystiran, sida ay sheegeen ilo xog ogaal u ah wada-hadallada. Washington [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009634,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27,21,30],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009633","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-diblomaasiyadda","9":"category-juqraafi-siyaasadeedka","10":"category-warar"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009633","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009633"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009633\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009635,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009633\/revisions\/1000009635"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009634"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009633"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009633"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009633"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}