{"id":1000009581,"date":"2025-09-14T11:31:53","date_gmt":"2025-09-14T11:31:53","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009581"},"modified":"2025-09-14T11:31:53","modified_gmt":"2025-09-14T11:31:53","slug":"dibadbaxyo-ruxay-london-iyo-dhaawacyo-ka-dhashay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/09\/14\/dibadbaxyo-ruxay-london-iyo-dhaawacyo-ka-dhashay\/","title":{"rendered":"Dibadbaxyo ruxay London iyo dhaawacyo ka dhashay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Banaanbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada London, ka dib markii in ka badan 110,000 qof oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa midigta fog ee uu hoggaamiyo Tommy Robinson, ay isugu soo baxeen mudaaharaad ka dhan ah dadka soo galootiga ah. Mudaaharaadkan, oo loogu magac daray \u201cUnite the Kingdom,\u201d ayaa noqday kii ugu weynaa ee noociisa ah taariikhda Ingiriiska.<\/p>\n<p>Dibadbaxyada ayaa ka dhacay badhtamaha London, iyadoo dadka ka soo qayb galay ay wateen calanka Ingiriiska iyo calanka St. George, islamarkaasna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dadka soo galootiga ah iyo siyaasadda dowladda ee arrimaha socdaalka. Dhinaca kale waxaa jirey kooxo uu soo abaabuley ururka \u201cStand Up to Racism,\u201d ee ka hortaga xagjirnimada kuwaas oo dhinacooda ka sameeyey dibadbax looga hor imanayo midka kale, waxaana ka qaybgaley dad gaadhaaya 5,000 oo qof oo ka soo horjeeday dibadbaxyada xagjirka ah.<\/p>\n<p>Inta lagu guda jiray dibadbaxyada, waxaa dhacay isqabqabsi u dhexeeyay booliska iyo qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha kuwaas oo sababay dhaawaca 26 askari oo afar ka mid ahi yihiin dhaawacyo culus waxaan la xidhay ugu yaraan 25 qof.<br \/>\nTommy Robinson ayaa mudaaharaadkan ku tilmaamay \u201ckacdoon dhaqan,\u201d isagoo sheegay in uu yahay bilowga isbeddel weyn oo dalka ka dhaci doona.<\/p>\n<p>Waxaa xusid mudan in dibadbaxyadani ay saameyn karaan dadka soo galootiga ah ee UK, gaar ahaan Soomaalida badan ee u magangalyo-doonaysa waddankaas. Waxaana muuqata in saameyntu ku koobnaan doonin arimo amni, balse ay sidoo kale taaban karto nolol maalmeedka, dareenka bulshada, iyo fursadaha magangalyada.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Banaanbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada London, ka dib markii in ka badan 110,000 qof oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa midigta fog ee uu hoggaamiyo Tommy Robinson, ay isugu soo baxeen mudaaharaad ka dhan ah dadka soo galootiga ah. Mudaaharaadkan, oo loogu magac daray \u201cUnite the Kingdom,\u201d ayaa noqday kii ugu weynaa ee noociisa ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009582,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27,30],"tags":[],"class_list":["post-1000009581","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda","category-warar"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009581","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009581"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009581\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009583,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009581\/revisions\/1000009583"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009582"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009581"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009581"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009581"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}