{"id":1000009553,"date":"2025-09-09T09:45:10","date_gmt":"2025-09-09T09:45:10","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009553"},"modified":"2025-09-09T12:29:53","modified_gmt":"2025-09-09T12:29:53","slug":"maxaa-ku-dhaafay-dagalka-netanyahu-iyo-spain","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/09\/09\/maxaa-ku-dhaafay-dagalka-netanyahu-iyo-spain\/","title":{"rendered":"Maxaa ku dhaafay? Dagalka Netanyahu iyo Spain"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu ayaa maalinimadii shalay ku hanjabay in uu bilaabi doono weerar culus oo dhinaca dhulka ah kana dhan ah magaalada Gaza, isaga oo raaciyey digniin uu u direy shacabka ku nool waqooyiga magaaladaas, farayna inay halkaas ka baxaan.<\/p>\n<p>Hadalkan ayaa yimid, iyadoo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey duqeymo xooggani ay si joogto ah uga socdeen magaalada Gaza, kuwaas oo lagu burburiyey dhismayaal waaweyn oo ay ka mid yihiin Al-Ru\u2019ya Tower (12 dabaq ah) iyo as-Salam Tower. Taas oo tirada dhismayaasha waaweyn ee la dumiyey tan iyo bilowgii dagaalka ka dhigaysa ugu yaraan 50, iyadoo weerarradaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac kumannaan qof.<\/p>\n<p>Dhanka kale, ciidamada Israa\u2019iil ayaa sii wada baadhitaannada iyo weerarrada ay ka fulinayaan magaalooyinka ku yaalla Daanta Galbeed ee ay maamulaan, halkaas oo ay ku xidhxidheen Falastiiniyiin badan isla markaana ay ku burburiyaan dhul iyo hanti hor leh.<\/p>\n<p>Inkasta oo dadaalada caalamiga ah ee lagu xakameynayo duqeymaha iyo weerarada Israa\u2019iil ay ku beegsaneyso shacabka Falastiin aaney marna gaadhsiisneyn in si buuxda ay wax uga taraan xasuuqyada aan joogsiga laheyn ee ka socda magaalada Gaza, haddana waxa isa soo taraya dowladaha si cad u fara-gashanaya arintaas. Dowladda Spain ayaa qaaday talaabo siyaasadeed oo weyn, iyadoo ku dhawaaqday cunaqabatayn hub oo buuxda oo ay ku soo rogtay Israa\u2019iil, taas oo Ra\u2019iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ku sheegay in lagu doonayo in lagu taageero shacabka Falastiin laguna joojiyo \u201cxasuuqa Gaza.\u201d Tallaabadan ayaa ku xiran dadaallo caalami ah oo horey ay u qaadeen dowlado iyo ururo caalami ahi, kuwaas oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, dowladaha Yurub sida Sweden, Ireland iyo Belgium, ururka Iskaashiga Carabta (Arab League), iyo hay\u2019adaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo dhammaantood ku baaqay in la joojiyo duqeymaha, la ilaaliyo shacab rayid ah, lana taageero xuquuqda Falastiin.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, laba maalmood uun ka hor, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu ka shaqaynayo xal \u201cu wanaagsan Gaza,\u201d wax yar kadib markii uu bixiyey waxa uu ugu yeedhay \u201cdigniin kama dambeys ah\u201d oo uu u diray Xamaas.<\/p>\n<p>Tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, dagaalka Israa\u2019iil ee Gaza waxa uu sababay dhimashada ugu yaraan 64,522 qof, halka 163,096 qof ay ku dhaawacmeen. Kumannaan kale ayaa wali lagu qiyaasaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaashaaa.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu ayaa maalinimadii shalay ku hanjabay in uu bilaabi doono weerar culus oo dhinaca dhulka ah kana dhan ah magaalada Gaza, isaga oo raaciyey digniin uu u direy shacabka ku nool waqooyiga magaaladaas, farayna inay halkaas ka baxaan. Hadalkan ayaa yimid, iyadoo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey duqeymo xooggani ay si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009554,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27,30],"tags":[],"class_list":["post-1000009553","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda","category-warar"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009553","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009553"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009553\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009557,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009553\/revisions\/1000009557"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009554"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009553"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009553"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009553"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}