{"id":1000009502,"date":"2025-08-17T20:36:42","date_gmt":"2025-08-17T20:36:42","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009502"},"modified":"2025-08-17T20:43:47","modified_gmt":"2025-08-17T20:43:47","slug":"dabaylo-xooggan-oo-ku-qasbay-markabkii-mv-sea-world-inuu-baroosinka-dhigto-dekedda-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/08\/17\/dabaylo-xooggan-oo-ku-qasbay-markabkii-mv-sea-world-inuu-baroosinka-dhigto-dekedda-jabuuti\/","title":{"rendered":"Dabaylo Xooggan oo Ku Qasbay Markabkii MV Sea World  Inuu Baroosinka Dhigto Dekedda Jabuuti"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p><span class=\"s1\">Markab xamuul ah oo sida qalab ciidan oo ay leedahay dowladda Turkiga, loona waday howlgalka TURKSOM ee Muqdisho kaasoo laba toddobaad ku xayirnaa Dekedda Boosaaso ee Puntland ayaa ku xirtay Jabuuti sababo la xiriira cimilo aad u daran maadaama la galay xilligii bad xiranka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Markabka MV Sea World ayaa safarkiisa ka bilaabay magaalada Izmir ee Turkiga, isagoo u socday Muqdisho. Hase yeeshee, safarkiisa waxaa hareeyay dhacdooyin siyaasadeed oo salka ku haya khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Markabkan ayaa la sii daayay 4tii Agoosto, 2025 keddib booqashadii Safiirka Turkiga iyo Saraakiil Militari oo ka socoto Safaaradda Turkiya ee Muqdisho. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sii deyntiisa keddib, waxa uu u shiraacday dekedda Muqdisho. Hase yeeshee, Inta aanu ka bixin xeebaha Puntland, wuxuu la kulmay cimilo aad u khatar badan oo ka dhigtay mid aan suurtagal ahayn inuu sii wato safarka. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, shaqaalaha markabka waxaa khasab ku noqotay inay u leexdaan Jabuuti si ay u badbaadiyaan markabka iyo alaabta saaran.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Markabku wuxuu hadda ku sugan yahay Jabuuti, waxaana la filayaa inuu safarkiisa sii wato toddobaadyada soo socda, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardar gelinayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo taageero ka helaysa Jamhuuriyadda Turkiga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Asalka Dhibaatada Markabka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhibaatooyinka MV Sea World waxay bilaabmeen 18-kii Luulyo, 2025, markaas oo ay ciidamada badda Puntland ee PMPF ku xireen xeebaha Bareda ee gobolka Ras Asayr. Puntland waxay ku eedeysay markabka inuu laba maalmood \u201ciska dul wareegayay\u201d badda, iyadoo khatar laga qabay in qalabka saaran uu ku dhaco gacmo argagixiso. Koox kalluumaysato maxalli ah ayaa markabka fuulay ka hor intii aysan imaanin ciidamada PMPF.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Arrintan ayaa si degdeg ah u dhalisay xiisad diblomaasiyadeed. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa farageliyay, kadib markii la xaqiijiyay in xamuulkaasi uu yahay hanti dowladeed oo Turkiga leeyahay. Puntland waxay markabka kusoo xirtay dekedda Boosaaso si loo baaro, waxaana arrimahan sii murjiyay warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka oo Puntland ku eedeeyday burcad badeednimo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kaddib laba toddobaad oo wadaxaajoodyo ah, xiisadda waxaa lagu xalliyay wadahadal heer diblomaasi ah. Markabka ayaa la sii daayay kadib kulan dhex maray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi Turkiga ah oo uu hoggaaminayay Danjire Alper Akta\u015f. Puntland waxay sheegtay inay ku wareejisay markabka iyo xamuulka Danjire <\/span><span class=\"s1\">Akta\u015f\u00a0, keddib markii la xaqiijiyay in alaabtaasi ay dowlad Turkiga leedahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Saameynta Amni iyo Diblomaasiyadeed<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Markabku wuxuu weli ku sugan yahay Jabuuti isagoo sugaya in cimiladu degto iyo in xamuulka si fiican la isugu duba-rido. Dib-u-dhaca keenista qalabkan ciidan wuxuu yimid xilli Soomaaliya ay sare u qaadeyso howlgalkeeda ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo si weyn ugu tiirsan taageerada Turkiga.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Markab xamuul ah oo sida qalab ciidan oo ay leedahay dowladda Turkiga, loona waday howlgalka TURKSOM ee Muqdisho kaasoo laba toddobaad ku xayirnaa Dekedda Boosaaso ee Puntland ayaa ku xirtay Jabuuti sababo la xiriira cimilo aad u daran maadaama la galay xilligii bad xiranka. Markabka MV Sea World ayaa safarkiisa ka bilaabay magaalada Izmir ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009503,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009502","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009502","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009502"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009502\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009506,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009502\/revisions\/1000009506"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009503"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009502"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009502"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009502"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}