{"id":1000009498,"date":"2025-08-17T17:35:08","date_gmt":"2025-08-17T17:35:08","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009498"},"modified":"2025-08-17T17:35:34","modified_gmt":"2025-08-17T17:35:34","slug":"hoggaamiyeyaasha-yurub-oo-ku-biiraya-kulanka-uu-trump-iyo-zelensky-ee-aqalka-cad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/08\/17\/hoggaamiyeyaasha-yurub-oo-ku-biiraya-kulanka-uu-trump-iyo-zelensky-ee-aqalka-cad\/","title":{"rendered":"Hoggaamiyeyaasha Yurub oo ku biiraya kulanka Trump iyo Zelensky ee Aqalka Cad"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa sheegay iney ku biirayaan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>kulanka uu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu beri oo Isniin ah Aqalka Cad kula yeelanayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mas\u2019uuliyiintan ka qeyb galeysa kulanka waxaa ka mid ah Ra\u2019iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Guddiga Midwoga Yurub Ursula von der Leyen iyo Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Arrintani waxay ku soo beegmaysaa kaddib markii Trump uu ku guuldareystay inuu heshiis kama danbays ah ka gaaro soo afjarida dagaalka Ukraine intii uu wadahadalada Alaska kula lahaa Jimcihii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa si taxaddar leh uga falceliyey natiijada kulanka Trump iyo Putin, iyagoo ka fogaaday dhaleeceynta isbeddelka jihada, inkasta oo muddo dheer ay taageersanaayeen xabbad-joojin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wararka ayaa sheegaya in Putin uu Trump u soo bandhigay qorshe nabadeed oo ku saabsan in Ukraine ay ka baxdo gobolka Donetsk ee Donbas, taa beddelkeedana Ruushku uu joojinayo dagaalka jiida hore ee Zaporizhzhia iyo Kherson.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ruushku waxa uu sheeganayaa in Donbas ay tahay dhulka Ruushka ah, isaga oo gacanta ku haya inta badan Luhansk iyo qiyaastii 70% Donetsk. Waxa kale oo uu mar hore qabsaday gacanka Crimea sanadkii 2014, siddeed sano ka hor duullaankii Ukraine ee 2022.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa sheegay iney ku biirayaan\u00a0 kulanka uu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu beri oo Isniin ah Aqalka Cad kula yeelanayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Mas\u2019uuliyiintan ka qeyb galeysa kulanka waxaa ka mid ah Ra\u2019iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Guddiga Midwoga Yurub Ursula von der Leyen iyo Xoghayaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009499,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009498","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009498","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009498"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009498\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009501,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009498\/revisions\/1000009501"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009499"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009498"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009498"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009498"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}