{"id":1000009492,"date":"2025-08-16T16:50:03","date_gmt":"2025-08-16T16:50:03","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009492"},"modified":"2025-08-16T16:50:03","modified_gmt":"2025-08-16T16:50:03","slug":"jigjiga-oo-laga-dhisayo-suuq-casri-ah-keddib-gubashadii-suuqii-taiwan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/08\/16\/jigjiga-oo-laga-dhisayo-suuq-casri-ah-keddib-gubashadii-suuqii-taiwan\/","title":{"rendered":"Jigjiga oo laga Dhisayo Suuq Casri ah Keddib Gubashadii Suuqii Taiwan"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Waxaa maanta si rasmi ah loo ansixiyay naqshada Jigjiga Mall, suuq weyn oo casri ah oo laga hirgelin doono magaalada Jigjiga, gaar ahaan goobtii uu ku yaallay Suuqii Taiwan ee dabku baabi\u2019iyay sanadkii 2023.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhismaha Jigjiga Mall ayaa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo, waxaana uu noqon doonaa mid ka mid ah suuqyada ugu waa weyn, uguna casrisan dalka Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), oo soo bandhigay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>naqshada dhismaha suuqa ayaa sheegay in mashruucani uu qeyb ka yahay hiigsiga magaalada Jigjiga loogu beddelayo xudunta ganacsiga Geeska Afrika.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cJigjiga Mall ma aha oo kaliya suuq weyn, waa astaan muujinaysa dib u soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha deegaanka. Waxaannu doonaynaa in Jigjiga noqoto xarunta ganacsi ee Geeska.\u201d Ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mashruuca cusub ayaa la filayaa inuu soo jiito ganacsato gudaha iyo dibadda ah, iyadoo la filayo inuu abuuro fursado shaqo iyo dhaqaale oo ballaaran.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Jigjiga Mall ayaa la filayaa inuu noqdo xarun ganacsi oo ay ku dhameystirnaan doonto ganacsiyo waaweyn, xarumo adeeg, iyo goobaha casriga ah ee dadka deegaanka iyo kuwa booqda magaalada ay usoo ganacsi iyo casriye doontaan.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maanta si rasmi ah loo ansixiyay naqshada Jigjiga Mall, suuq weyn oo casri ah oo laga hirgelin doono magaalada Jigjiga, gaar ahaan goobtii uu ku yaallay Suuqii Taiwan ee dabku baabi\u2019iyay sanadkii 2023. Dhismaha Jigjiga Mall ayaa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo, waxaana uu noqon doonaa mid ka mid ah suuqyada ugu waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009493,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,29],"tags":[],"class_list":["post-1000009492","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-kuwa-kale"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009492","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009492"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009492\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009494,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009492\/revisions\/1000009494"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009493"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009492"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009492"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009492"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}