{"id":1000009477,"date":"2025-08-12T13:54:28","date_gmt":"2025-08-12T13:54:28","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009477"},"modified":"2025-08-12T14:12:09","modified_gmt":"2025-08-12T14:12:09","slug":"kulanka-arbacada-fursad-siyaasadeed-mise-fashil-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/08\/12\/kulanka-arbacada-fursad-siyaasadeed-mise-fashil-kale\/","title":{"rendered":"Kulanka Arbacada: Fursad Siyaasadeed Mise Fashil Kale?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maalinimada Arbacada ah ee barri <\/span>ah, waxaa si weyn indhaha loogu wada hayaa kulanka lagu wado inuu dhex maro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaridka ee Samatabixinta Soomaaliya. Kulankani wuxuu kusoo beegmayaa iyada oo ay kor u kacday xaalad siyaasadeed ee dalka kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska diiwaangeliyay degmada Warta Nabadda.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Is-aragii ugu danbeeyay ee Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha iyo Mucaaradka waxaa la isla qaatay in la isku soo noqdo Arbacada. Hase ahaatee, muddadii sadaxda maalmood ee la kala maqnaa waxaa soo baxay xogo siyaasadeed kuwaas oo aan hore xisaabta loogu darsan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa kale oo jira in guddi labada dhinac ah oo loo xilsaaray in ay soo dhiraandhiriyaan warmurtiyeed la isku waafaqsan yahay in ay xalay kulankii ka dhacay Guriga Raysal Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac in ay ku kala boodeen keddib markii kooxdii Madaxtooyada ka socotay ay la yimaadeen gorgortan cusub oo ka baxsan doodihii labada dhinac ay hore u galeen. Waxaa se dib loo ballamay maanta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Mucaarad is-mucaaradsan<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo xubnaha Madasha Samatabixinta ee mucaaridka ahi<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ay kulanka Arbacada si wadajir ah uga qaybgalayaan, haddana waxaa muuqata kala aragti duwanaan gudaha ah, gaar ahaan qaabka loo wajahayo qodobka Cutubka 4aad ee Dastuurka. Qaar ka mid ah mucaaridka ayaa oggol inaan si dhamaystiran looga wada noqon cutubkan wax ka baddalka lagu sameeyay, halka qayb kale si cad uga soo horjeedaan in wax laga beddelo cutubkaas oo ay khasab tahay in lagu celiyo sidii uu hore u ahaa 2012.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Somali stream ayaa hore u baahisay in Madaxweyne Xasan go\u2019aan ku qaatay inuu kala fogeeya madasha si uu ugu yaraan u helo cod u cudurdaara. Kala fogaanshahan cusub ee madasha ayaa wiiqaya awoodda mucaaridka ee ah inuu si mideysan ula xaajoodo Villa Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laba Ballan Oo Is Khilaafsan Galay<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xisbiga uu hoggaamiyo ee JSP iyo maamuladda daacadda u ah u sheegay inuusan oggolaan doonin wax ka beddel aan la isku raacsanayn, oo aysan iyagu ka taka bixin. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhanka kale Madaxweynaha ayaa dhinaca Madasha Samatabixinta u sheegay kulankii ugu danbeeyay in uu ka aqbalayo in la joojiyo dhaqangelinta Cutubka 4aad ee dastuurka. Tallaabadan laba-garbaynta<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ah ayaa dhalisay su\u2019aalo la xiriira <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">daacadnimada Madaxweyne Xasan ee ku aaddan wada-hadalka siyaasadeed, iyadoo loo arko inuu isku dayayo in uu labada dhinacba qanciyo si xeeladaysan, taas oo lagu fasiray inuu rabo inuu hal dhagax laba shimbirood kuwada dilo\u2014lamase hubo inay u suurtagelayso.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Doorashada Qof Iyo Cod iigu Imaada<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Isdiiwaangelinta Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada hal qof iyo hal cod ah iyo qaadashada kaadhka codaynta ayaa ahayd fariin rasmi ah oo u diray muacaaridka uu la ballansan yahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"> Mucaaridku waxay arkaan tallaabadaasi mid kelitalisnimo u muuqata oo dhaawacaysa kalsoonidii lagu geli wadahadalka. Hase ahaate, Madaxtooyadda ayaa farriintan uga dan lahayd ee in wadahadalku noqdo in lagu dul shaqeeyo Doorasho qof iyo cod-ka ah ee Madaxweynuhu isu diiwaangeliyay, waa laba jiho oo kala fog, xaalkuna waxaa uu eegyahay labo kala bariday kala war la\u2019!.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Maxaa laga Fili Karaa Kulanka?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa la filayaa in kulanka laga soo saaro war-saxaafadeed wadareed, maadaama ay sidaas ku adkaysanayaan mucaaridku, hase yeeshee<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>illaa iyo hadda muranka ugu wayn ayaa ah inaan dhinacyadu ka heshiin siiqada iyo nuxurka qoraalka. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyadu waxay dooneysaa in lagu muujiyo in Cutubka 4aad loo celiyay Baarlamaanka si dib loo eego, taasoo ay u aragto fursad ay ku heli karto waqti dheeri ah. Dhanka kale, mucaaridku waxay doonayaan in si cad loogu qoro in laga laabtay cutubkaas \u2013 si ay u cadaato in wax ka beddelkiisii hore<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>uu buray. Kala aragti duwanaashahan ayaa ah halis inay fashiliso natiijada kulanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba guul mucaaridku ka gaaraan kulanka ay Madaxweynaha la qaadanayaan ayaa ku xirnaan doonto inay mideeyaan safkooda ka hor inta aan aysan fariisan kulanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gabagabadii, Kulanka Arbacada wuxuu u taagan yahay fursad siyaasadeed oo qaali ah oo lagu xallin karo khilaafaadka ka dhex taagan dhinacyada siyaasadda ee dalka. Haddii laga faa\u2019iideysto, waxaa suuragal ah in dalka uu u jihaysto doorasho la isla ogol yahay, ayna meesha ka saarto muranka. Haddii se la waayo kalsooni mucaarid iyo daacadnimo Madaxtooyo, kulankani wuxuu noqon karaa fursad dhasha fashil aan ku eekaan doonin miiska lagu shiray.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maalinimada Arbacada ah ee barri ah, waxaa si weyn indhaha loogu wada hayaa kulanka lagu wado inuu dhex maro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaridka ee Samatabixinta Soomaaliya. Kulankani wuxuu kusoo beegmayaa iyada oo ay kor u kacday xaalad siyaasadeed ee dalka kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska diiwaangeliyay degmada Warta Nabadda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009478,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009477","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009477","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009477"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009477\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009480,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009477\/revisions\/1000009480"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009478"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009477"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009477"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009477"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}