{"id":1000009419,"date":"2025-08-01T15:21:05","date_gmt":"2025-08-01T15:21:05","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009419"},"modified":"2025-08-01T15:21:05","modified_gmt":"2025-08-01T15:21:05","slug":"xiriir-cusub-trump-oo-gacan-u-fidiyay-afwerki","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/08\/01\/xiriir-cusub-trump-oo-gacan-u-fidiyay-afwerki\/","title":{"rendered":"Xiriir Cusub: Trump oo gacan u fidiyay Afwerki"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishan Luulyo 30-keedii warqad rasmi ah u diray Madaxweynaha Eriteriya, Isaias Afwerki. Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo warkan ku shaaciyay bartiisa X ayaa cadeeyay in Trump uu warqad u soo diray Madaxweyne Isaias Afwerki, taasoo uu ku sheegay inuu ka shaqeynayo sidii uu u &#8220;sixi lahaa dhaawaca iyo dib u dhaca ay dunida ku reebtay siyaasaddii maamulka Biden.&#8221;<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Warqadda oo uu Trump uga jawaabayay hambalyo uu Madaxweyne Isaias u diray bishii Noofembar ee sanadkii hore, ayaa lagu muujiyay diyaar u ahaanshaha maamulka Trump in dib loo dhiso xiriir suuban oo dhex mara labada dal, oo ku saleysan \u201cdaacadnimo, is-ixtiraam, iyo fursado horumarinaya nabadda iyo barwaaqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida la xasuusto, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa Noofembar sanadkii hore u diray Madaxweyne Trump farriin hambalyo ah oo uu ku bogaadiyay &#8220;soo noqoshadiisa taariikhiga ah&#8221; iyo doorashadiisa madaxweynenimo ee 47aad ee Mareykanka &#8220;xilli uu caalamku u baahan yahay nabad iyo hoggaan cusub.&#8221;<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyne Isaias wuxuu markaas muujiyay rajo ah in doorashada Trump ay furi doonto &#8220;cutub cusub oo ku saleysan iskaashi wax ku ool ah oo dhexmara Eriteriya iyo Mareykanka.&#8221;<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishan Luulyo 30-keedii warqad rasmi ah u diray Madaxweynaha Eriteriya, Isaias Afwerki. Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo warkan ku shaaciyay bartiisa X ayaa cadeeyay in Trump uu warqad u soo diray Madaxweyne Isaias Afwerki, taasoo uu ku sheegay inuu ka shaqeynayo sidii uu u &#8220;sixi lahaa dhaawaca iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009420,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,21],"tags":[],"class_list":["post-1000009419","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-juqraafi-siyaasadeedka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009419","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009419"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009419\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009421,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009419\/revisions\/1000009421"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009420"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009419"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009419"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009419"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}